Nin walbaa curud-kiisii ceel
gee,waxaad moodaa in
Maquuste uusan weli ka
quusan dhiiga umada
soomali,waxaad moodaa in
uusan weli ka quusan
dagaalka,waxaad moodaa in
weli uusan ka quusan
gumaadka,dhaca,boobka iyo hagardaamada
ciidamadiisa eey ka wadaan
caasimada dalka ee
Muqdisho,Maquuste waxaa
erayadiisa ka midka ahaa
xalay
dhalay,waxeeyse
isku rogtay xabashi in eey
xasuuqdo shacabka
somali,waxaa erayadiisa ka
midka ahaa,Geedi anaga kuma
dagaalano shacabka
dhexdiisa,waxaan
ku dagaalanaa
banaanada
iyo
buuraha
maantase waxaad moodaa in uu
dagaal kiisi ugu xumaa uu ka
dhex wado caasimada dalka
somalia oo eey ku nool
yihiin in ka badan 3
malyan,Alow sahal umuuraha
sow ma moodid in uu yahay
nin aan weli ka quusan in uu
kaligii tashado,talo wadaag iyo
nabadna aanan ogoleeyn
marnaba.
Bishii luuliyo 1982
ciidamada Ethiopia iyo
ciidamadii Maquuste uu watay
waxaa eey qabsadeen
degmooyinka Galdogob iyo
Ballanbale waxeeyna ka
taageen calankii Ethiopia
tasi waa taariikh qoran oo
aan cidna
dafiri-karin,dhiiladaa
markii uu arkay Siyaad Bare
waxaa uu qaatay oraahdii
caanka aheeyd ee aheeyd:
Doqon ila dhashaa iiga roon
diracyo shisheeye,waxaa uu
aaminay Siyad Bare in doqon
walbaa oo majeerteen ah uu
uga dhaw yahay cadowga
Ethiopia,waxaa uu
aamin-sanaa in Maquuste iyo
inta daba ordeeysa ee
majeerteen in eey yihiin somali
dhulkana eey wax ku
leeyihiin balse Mingiste in
uusan somali aheeyn dhulkana
uusan wax ku laheeyn,Siyad
Bare waxaa uu dib u soo
celiyay 80% intii u carartay
Ethiopia waxaana uu qaarkood
u dhiibay xilal
wanaagsan,inkastoo Maquuste
uu diiday kana doorbiday la
jirka Mingiste in eey ugu
qeeyr-badan tahay mida
Siyaad Bare,xiliga lagu jiro
waxaa cad oo aanan cidna ka
qarsaneeyn in Maquuste uu ka
jecel yahay cadowga soomali
ee soo jireenka ahaa (
Ethiopia ) soomalida oo
dhan,waxa weli socda in
colaadii uu u qaaday reerka
Siyad ka dhashay in eey weli
socoto,waxaa wanaagsan in
Maquuste uu ogaado in
dalkaan eey soomali wada
leedahay Ethiopia eeyan
laheeyn,haddii uu jecel
yahay darajo waxaa dhab ah
in aanan marna xoog
shisheeye lagu noqon karin.
Xiliga lagu jira sow
akhristow ma aragtid in
Maquuste uu yahay nin
guracan oo aan nabad iyo
wada noolaansho
jecleeyn,cidwalba oo ka
hor-imadaa waxaa uu dhahaa
waa Al-qacida iwm waxaa uu
gaaray in dadkii ka qaxay
xamar uu ku tilmaamo
argagixiso waayo haddii
uusan la qabin Mooryan
dheere arinkaa kama uusan
aamuseen Maquuste,waxaa eey
somali rumeeysan tahay in
aqoonta Maquuste eey tahay
Qori,argtidiisana
eey tahay
kaligiis talis
somalida waxaa eey dhahdaa
dhagax tuujin iyo taabasho
waa isugu mid Maquuste waa
Maquuste 8dii
bishii Abriil 1978ki howsha
guracan uu Aabaha u noqday
weli waa daba haya wax
isbedel waligii kuma uu
dhacin waxaase il quman oo
somalida eey dhahdaa:
Dad-qal looma gurguurto
Maquuste iyo huwanta
Ethiopia waa in dalka laga
saaraa shuruud la áan.
Dhulkaan waa nagawada
dhaxeeyaa cid qaasa ma
laha,haddii Maquuste intaas
garto waa ilaah mahadii
haddii uusan ogoleeyna
waxaan leenahay dhulka
somali baa leh Ethiopia
maya,Doqon ila dhashaa iiga
roon diracyo Tigree,raga
maanta ku shiraya Eritereia
haddii aad ogolaan laheeyn
oo aad garan laheeyd in
dalka somali uu ka dhaxeeyo
maanta umada waa eey ka bixi
laheeyd dhibka,waxaase cad
oo aan la qarin karin in
xiligii MMI eey ogolaayeen
in eey la fadhiistaan
Maquuste si dalka eeyan u
soo gelin Ethiopia,waxaa eey
arkaayeen qatarta ka iman
karta imanshaha Ethiopia
dhulka soomali waxeeyna
qabeen: Doqon ila dhashaa
iiga roon diracyo Tigree,
balse Maquuste waxaa eey u
aheeyd mid uu raadinayay
qarniyo,Alo sahal umuurah.