Dadkoodeey Dabkasaarayeen,
Daalumiin Amxaar jecel waaye, Dulmigeey
Daadihiyaan, Dagaalka Ehel-kow Ku Farxaa,
Doqomo Deeymo Galay Waaye, EE.... Haddaad
Amxaar Dalka Keenteen Nin Ka Damqaayaa
Dalka Joogee, Soomaali Waa magaceey
Muslim Waa asalkeey.
Waxaa
socda gumaadii uu dadkiisa ku bilaabay 1978
Maquuste welina Ilaah ma garadsiin in uu ka
shalaayo gumaadka balse waxaa uu ku faraxsan
yahay in uu sii gumaado dhamaan kuwa eey
bahwadaageen ee jabhadii SSDF,waxaad moodaa
in uu colaada weli ku buufinaayo reer
laascaanood iyo awor-wadaagta wada degen
dhulka somaliland,haddii aad dib u fiiriso
xiligii jabhadaha waxaa SSDF ku mideeysnaa
Majeerteen oo kaliya halka dhulbahante iyo
warsabgeli eey lahaayeen jabhadii USP oo uu
hogaankeeda hayay Maxed Cabdi Xaashi oo
xiligaan qoxooti ku ah USA kadib markii si
xirfadeeysan looga qaaday doorashadii
maamulkii Puntland,waayo Cade Musse iyo
Abshir Musse ayaa isku-gu shubay codkii
labadaa oo ka soo wada jeedo hal beel
halkaas oo eey Puntland isku rogtay in
Puntland eey noqoto Majeerteenland,waayo
waxaa shaki ku jirin in Jabhadii
SND (
Ortoble iyo Leeyla-Kase) iyo
USP (
Dhulbahante iyo Warsangeli ) laga fogeeyay
awooda dowlad goboleedka Puntland,xiligaan waxaa
wanaagsan in reer laascaanood eey dib u
fiiriyaan taariikhda foosha xun ee kala
qeeybinta ee uu ku hayo Maquuste maantana
damaciisa uu yahay in colaad laga
dhex-abuuro dadka wallaalaha ah.Koleey Maxed
Cabdi Xaashi wareeysigii ugu danbeeyay waxaa
uu ku sheegay in Maquuste uu ahaa ninkii ka
danbeeyay in lagaga adkaado doorashadii
Puntland weligiisna uu diidanaa in dadka
somaliyeed eey nabad iyo cadaalada ku
wada-noolaadaan.OB: Dhageeyso Maxed Cabdi
Xaashi
www.afnugaal.com
sida Maquuste iyo Cade Muusse eey u wada
shaqeeyaan iyo sida eey
dalka
u wada qeeybsadeen jabhadii SSDF xagaa iyo
Puntland iyo mida Federaalka ah.
Sida
oo kale Jabhadii USC oo aheey kuwii ugu
dagaalka badnaa ayaa waxaa weli dadka
gumaadaya kuwii iska soo hojeeday ee
gumaaday reer Muqdisho,waxaa taasi weli eey
ka muuqataa xasuuqa xamar ka socda oo eey
hogaamiyaan Cabdi Qeeybdiid iyo Maxed Dheere
oo ahaa kuwa marna isla jiray marna iska soo
horjeeday gumaadka ugu foosha xumaana ka
geeystay xamar,cidna kama qarsoona in eey
taabac-sanaayeen xoogagii kala hogaaminayay
Ceeydiid iyo Cali Mahdi kooxihii maanifeesto
iyo maanokoobiyo,Qanyare,Cusmaan Caato iyo
Muuse Suudi waxaa eey ahaayeen kuwa ka dhex
dhashay labadaa xoog waxaana eey kala
taabacsanaayeen Caydiid iyo Cali Mahd.
Xiligaan dhamaantood waxaa eey ka wada
tirsan yihiin siyaasadna eey la wadaagaan
Maquuste iyo Tigreega dalka ku soo
duulay,waxaa eey ka wada simman yihiin
gumaadka umada soomali,akhristow sow kuuma
muuqato in dhamaantood xiligaan eey ku
fashilmeen geedi socodka nabada iyo wada
noolaanshaha umada in ka badan 17 sanno
madaxooda isku gumaadayay.
Waxaa iga talo ah wallaalayaal:
1)
Somaliyeey kuwii nakala qeeybiyay maanta
waxaa eey u shaqeeyaan Tigree,cadowdii ugu
foosha xumaa ee abid nala dagaalayay,waxaan
heerkaa ku gaarnay kala qeeybsanaanta iyo
cunfiga midaba midkale lagu buufiyay,waxaa
la ogaaday xiligii Maxkamadaha in umada
eey is raaci karto cunfiga ku dhexjirana
laga saari karo,waxaa meel ka soo wada
jeedsaday kuwii cadowga isku ahaa,waxeeyna
aamineen in shareecada eey tahay mida kaliya
eey umada ku wallaaloobi karto,nabada iyo
cadaalada u horseedi karto in dalka uu dib
ugu soo noqdo sidii hore.waxaa quman in aan
diidno in somali eeyan aheeyn 4,5
iwm,sharcigii Imbagaati waxaa uu na barayaa
in xabsiga lagu hayo cidii la doono,weli
waxaa xabsiga ku jira gudoomiyii
maxkamada sare
sow cadaalo daro maahin,waxaa dhalinyarada
somalia lagu xabisay
Addis-Abbaba
sow cadaalo daro maahin,Nuur.Cade oo ahaa
xeer ilaaliyihii guud ee dowlada Siyaad Bare
weli ma garan in eey xabsiyada Ethiopia iyo
xabsiga Maquuste eey ugu xiran yihiin shacab
somali ah,waxaan ku dhihi lahaa
Cadaabta
ayaad la galeeysaa Maquuste haddiii aad
sidaan ku sii socoto,sharafkii iyo cisigii
umada eey kuu haysay waa uu dhamaaday marba
Maquuste haddii uu kuu yeer-inaayo waxwalba
welina aad garan
laŽdahay gumaadka,barakicinta iyo hadadaada
joogtada ah ee uu Maquuste ku dhex hayo
shacabka somalia.Maquuste iyo Tigreega yeey
ku towbo
seejin,waxaa quman in aad isaga
tagto
inta goori goortahay.
2) Waa
in aan ka xorownaa qabiilka,ruuxwalba oo
somali ah waa in uu iska xoreeyaa qabiika uu
ka dhashay asagoo fiirinaya kuwa hogaanka u
haya xiligaan,waxaan rajeeynaa in Daarood
eey iska xoreeyaan Maquuste iyo Cade Muuse
iyo kuwa ku jiro baarlamaanka federaalka oo
ah kuwa kala qeeybiya umada soomali,waayo
1978 ilaa iyo maanta waxa dhalinyarada
qoriga u dhiibaya waa ayaga,welina waxaa eey
rabaan in dagaalka uu sii socdo,sida oo kale
waxaa Hawiye looga fadhiyo in eey iska
xoreeyaan kuwa baarlaamaanka ku jiro iyo
Maxed dheer,Cabdi
Qeeybdiid,Gacmadheere,waayo waa kuwa ilaa
iyo 17 sanno gumaadayay dadka eey ka
dhasheen iyo inta ku degaanka ah welina
xiligaan Tigreega ku hogaaminayo in la sii
gumaado inta macluusha iyo barakaca ku nool
ee xamar iyo agagaarihiisa.
3)
Taariikhda wax ka baro akhristow adiga oo
dib u fiirinaya waxa eey nagu sameeyeen
dagaal oogayaashii dalka ka hano qaaday 1978
ilaa iyo maanta 2008,waxaa cadaatay in eey
ahaayeen isku hadaf dhamaantood,waxaana eey
ka wada siman yihiin taageerida cadowga
somalia,nin aan dadkiia soo gumadin kuma
jiro,tolkooda waa Tigree toogashaase u
danbeeyn..
Maquuste Amxaaro Diidimaa, Dastuurka
Diinta Doonimaa, Ma Quuste Qaladkiisa
Qaadamaa, Qaran Dhismahiisana Doonimaa,Nin
Qalooc ku dhashay, Qarankaan dhismahiisa
Qadamaa.