Maquuste Shacabka Somali Weli Ma Dhiman
 
Alaahu Akbar Alaahu Akbar,Xasbiya laah Wa-nicmal wakiil
 
 
Ninka Toleeystay Tigree Toogashaa u danbeeysa

By:   Dr Ali Ahmed Hirabe   Email: Hirabe_a@hotmail.com 

Ra'yi
 November 10/2007

بسم الله الرحمن الرحيم
 
الســـلام عليكم ورحـمة الـله وبــركـــاتــــه. وبعد
 
 
 
Maquuste Shacabka Somali Weli Ma Dhiman
 
Alaahu Akbar Alaahu Akbar,Xasbiya laah Wa-nicmal wakiil
 
 
Ninka Toleeystay Tigree Toogashaa u danbeeysa
 
Waxaa wli socda in baqtiga Tigreega lagu arkayo caasimada somalia ee Muqdisho,waa ilaah mahadii waxaa cad in weli somalida eey noo-shahay,diidan tahayne in gumeeysiga Maquuste uu soo mara habaabiyay damacoodana ahaa in eey maruun qabsadaan somalia in riyadii Maquuste rumoo-biweeyday,cisiga iyo sharafka somali haddii aad damacday in aad gadato weli umada waa eey diidan tahay in la gato. 
 
Jiilka maanta jiraa waxaa uu noqday mid ka fekera naftiisa oo kaliya dib u fiiri Geedi Gamacadheere,Cali Mahdi dhamaantood waxaa u muuqda xogaa lacag ah,waxaa eey iibsadeen dhulkooda,dadkooda,diintooda, iyo cisiga sharafka dadka eey ka dhasheen,iwm runtii xiligaan jiilka jiraa waxaa loo baahan yahay in eey adkeeystaan, sabraan, kana fekeraan Jiilka soo socda, dalkaan waxuu soo maray wadaniyiin, geesiyaal ka saaray gumeeysigii cadaa ee Talyaaniga iyo Ingriska dalka oo dhan, laakiin maanta waxaa jira jiil aan lagu arag wadaninimo iwm, balse u soo taagan in Tigree eey dalka ka gataan, runtii waa nasiib daro aad u weeyn oo eey ku dhacday jiilka maanta Maquuste uu hogaaminayo.Waxaa lama huraan ah in la Qiimeeyo,la Miisaamo,la Darso,lana baaro taariikhda socota ee Maquuste ka dibna umada eey qaadato  goáan qayaxan, intaaba waxaan ku soo koobayaa:Cali Geedi waxaa lagu qayaanay riwaayadaan aan halkudhig ugu dhigay soo Mantaanee Magaceena Maquuste waxaa uu aaminsiiyay Geedi Gabaygan ayaan ku soo koobay.
Boqoraan kaa dhigayaa ee Caliyow Cududaada i sii, Anigaa soo cajimaya kuwa Magacaada mar diida  Mooryanta Muqdishood Maanyadaa ku daraa,Maquuste waa magaceyga Meheri  waa  asalkeeyga  Mudulo-odka  meesha  kasaar,ee soo  Mataanee  Magaceena,  Maslaxo meesha ha keenin, Muruqaan meel noogu xareeysan maskax amxaaraan maanta wadaa ama Magacaagaceena midee ama muduloodka ku wareeg.( Caqliga Maquusteuu ku qalday Geedi)
 
Maxaa ku dhacay Geedi,markii Tigrega uu u ogolaaday in uu xamar keeno xasuuqaana dhamaan reerka uu ka dhashay ayaa lagu yiri iska tag,xoogaagii aad qaadatayne waxaa lagaa xisaabin doonaa marka aan dalka qabsado,weli Maquuste waxaa uu ku dhex jiraa sidii uu Geedi ugu soo oogi lahaa boob xisaabta qaranka alow sahal umuuraha.waxaan dhahay Geedi xiligii uu Jawhar ku sugnaa:
 
Colaad haka Coodin Caro abgaal oo cida ceeb ha u keenin, dib u fiiri Ciraaq Baqdaad haka yeelin bananaadir,Baasuuke iyo Baroon, Baaruda dhamaan uma baahna Banaadir,Caliyow Nina waa cartamaa,Nina waa col u joog , midna waa cadaawaha diinta oo Ilaah ma ciseeyo, Caasimada Ceeb ha u keenin, Ninka caloofigaa iyo Ninka ciida galaa cadaaleey u ooman yihiin, Calaf waa la cunaaye ha xasuuqin cidaada cadaalada ha shaqeeyso, Ninka Ciseeya Ilaah oo Cadaalada diinta ka doona Rabigeey wuu risaqaa Rajo fiicanaa u danbeeysa Ilaahna raalibuu ka noqdaa kuwa harsada hooska Ilaah horseedbuu ka noqdaa, Cida Ceeb ha u keenin waa kuwa Ilaaha ciseeya oo afar faataxo caloosha ku qaata ee Caro Ilaah ka Fogow.
 
Waxaad moodaa in uu ku dhacay taladii umada eey u soo jeedisay ee ahaa Baqdaad haka yeelin  Banaadir,maantase waa la hayaa waxii la diidanaa asagana xilkii laga qaaday hada cidan uu ka dhashayne soomaliweeyn ayaa la yaaban sida uu Maquuste ugu cayaartay sharfkii Mudulood , alow sahal umuuraha.Maquuste yuu dumaali doona,waxaa afka lagu haya nin Proff ah ayaa r/wasaare noqonaya ninkaasi ma dhiiga socdaa ayuu la qeeybssan doonaa Maquuste iyo inta ka daba orada raalise ma ka yahay Tigreega somali qabsatay iyada oo aan tuhmayo haddiiba laga dhigo r/wasaare in uu Tigreega aaminsan yahay jecelyahane in eey dalka qabsato,Maquuste ma Proff yada ayuu shaarka ka siibayaa.
 
Waxaan ku soo gaba gabeeynayaa tixdii cajiibka aheeyd ee uu tiriyay Cabdulle Raage :
 
Inta doqon fariid yahay, Darajana qabiil tahay, Dabaalna uu wax garad yahay ,Dambiilane garsoor yahay, Dulmine xaqa ka mudan yahay, Dib u socod kacaan yahay , Dablene janan ka adag yahay, in aan tiriyo deeleey dareenkeeyga ma ogola,

 ( Waa erayadii abwaankii Cabdulle Raage Ilaah u naxariistee mar hada laga joogo kudhawaad 30 sanno)

 

 
Dr.Ali.A.Hirabe                Hirabe_a@hotmail.com
 

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.

webmaster@calayaale.com

 

_________________________________________________________