Odayada Hawiye Muqaawamada Ma Joojin Karaan..Maya Maya  ?????

By:   Dr Ali Ahmed Hirabe   Email: Hirabe_a@hotmail.com 

Ra'yi
July 10-2007

Qowleeysatadii cadaanka Qarnigeey Qotamiyeen Qarankusheega Qaloocan Qaalibuu nala ahaa. Rag baa Qeeydka u xeeytay in eey Qiraan oo Qeeylo dhaan Qabiil ugu yeertay Iyadoo laga xaalmarin reer xamar xasuuqii xamar weeyne iyo xoolihii laga boobay xal noo noqan meeyso dalka waa nabadeeysmay haddii xaqa laga rooro oo xaaraanta loo xusul duubto xaayoow xijkiisa xaaraan qadcan waaye.
 
Cali Mahdi waxaa uu soo hadal qaaday in Hawiye uu ahaa midka baro kiciyay shacabkii soomaliayeed ee magaalada Muqdisho,waxaase uu weli iska indha tirayaa in huwanta Ethiopia iyo Maquuste eey weli wadaan baro kicin gumaad foolxun,Cali Mahdi waxaa uu isku qarinayaa boorka waxaase la dhahay waxii la qariyaaba qaawisaa timid,waxaa laga dharegsan yahay in Cali Mahdi uu lug ku lahaa dagaalkii 1991 ee lagu baro kiciyay shacabkii ku dhaqanaa Muqdsho maantase uu jecel yahay in uu iska fogeeyo runtii eey tahay in uu xiligaan la  dabaalanayo Maquusye iyo huwantiisa dhiiga soomaali,ninwalba oo wadani iska dhigaa taariikhda ayaa qorta muujisana wax qabadkiisa iyo waxa uu dalkiisa u soo qabtay,Xaaji Cabdi Iimaan towbada ayuu gafay waayo waxaa uu ku soo caan baxay Ethiopia  xasuuq ayeey geeysatay dalka haka baxdo iwm maantase waxaa uu noqday mid u adeega sidii Ethiopia eey dalka u sii joogi laheeyd hagarsi miyaa mise ,C/aahi Sheekh Xassan sida oo kale waxaa uu ahaa ninka kaliya ee soo bandhigay 2004 qaabka Ethiopia dalkaan eey ku soo geleeyo,waxaa uu aad u difaacay shacanka lagu gumaaday xamar,waxaa uu aad uga soo horjeeday Maquuste iyo doqonada daba socda maantase waxaa uu la dabaashay dhiiga Maquuste iyo Ethiopia Alow sahal umuuraha.
 
Waxa dagaalaya waa dhaliyaro jecel sharfta,cisiga diintooda iyo dalkooda,kuwaasina ma celin karaan  Xaaki Cabdi ama axmed diiriye balse waxaa eey rajo ka qabaan in eey dalka ka difaacaan huwanta iyo Ethiopia,waxaa eey ku mideeysan yihiin kuna wallaaloobeen xaqa iyo in dalka aan gacanta loo gelin Ethiopia,waxaa eey ka duulaan taariikhdii foosha xumeed ee uu soo maray dalka bilowgii gumeesiga ilaa iyo maanta.
 
Taariikhdu ma duugawdo, hadii dadka qaarkiis is diidsiiyo ama dafiro iyada ayaana dib isu qorta oo u soo noqota, haddii aad fiiriso waxa aan soo marnay  xornimadii ka hor iyo ka diba waxaa  quman in aan taariikhda ku waano qaadano si eey noo saxdo oo aan u noqono umada soo celisa taariikhdeeda,waxaad moodaa in weli eey socota taariikhdii foosha xumeed ee Ethiopia waligeed ku dooneeysay in soomaali eey mar uun qabsato, waxaa socda aragtidii Menelik ee uu uga codsaday aduunka qaasatan reer yurub sida  loogu  taakuleeyn lahaa  sidii eey mar uun u heli laheeyd Ethiopia mel bad ah, waxaa uu dhahay 1890 kii: waagii hore xuduudada Ethiopioa waxaa eey aheeyd badda cas iyo baddweynta India, wadamada masiixiga ah waxa kaalmo ah kama aan helin, xuduudadii baddeena waxaa eey gacanta u gashay quwado muslimiin ah (somalia ).
 
Xilligan hadda ah, ma nihin kuwo awooda in xuduuddeenii hore ee badda ahayd aanu xoog ku soo ceshano, laakiin waxaanu ku kalsoonahay xoogagga masiixiga ah, in eey u guntadaan, in ay inoo soo ceshaan xadkii xeebaha badda ahaa oo aanu lahayn (Somalia), qiimo kasta ha ku bexee, meel uun xeeb ah.
 
Talyaaniga waxaa dalkaan ku soo hogaamiyay Cali Yusuf maantana Maquuste iyo Maqaarsaar (Cade Muse) ayaa soo hogaaminaya Tigreega, ninwalbaa waxaa ilaaliya Tigree waxaana laga ilaaliyaa dadkooda, dalkooda iyo diintooda,Puntland waa dowlad xiriir qaasa la gasha aduunka sida,Yemen Ethiopia,UAE,Yurub iwm awoorkacsigooda waa Geedi,Jeele,Maxed dheere iwm oo runtii aanan ogeeyn meesha loo socdo iyo in eey yihiin shaqaakaha Maquuste.
 
Waxaa hubaal ah in xiligaani uu yahay xiligii  la fulin lahaa hadalkii uu dhaxal ahaan kaga tagay Menelik  umadaha masiixiga ah ee caalamka ku dhaqan, waxaa taasi u sabbab ah in Ethiopia eey ku xadgudubtay xuduudaha caalamka ka jira iyo qaranimada soomaaliya. (international law & sovernati of somalia) cid ka hadleeysaa ma jirto waayo aduunka raali ayuu ka yahay waxa ka dhacaaya soomaaliya, shacuubta soomaaliyeed ee weli ku hoos nool gumeeysiga waxaad moodaa in eey kala damiir duwan yihiin tusaale:
 
Ethiopia dalkaani waxaa eey timid xili aanan haysanin hubka casriga ah iyo xili soomaalida intaani eey ka yareed, waxaa ilaah mahadiis ah in 1898 markii eey yimaadeen degmada Balcad, Baydhaba  in shacabka soomaalia oo berigaa joogay  waxaa eey ku dagaalamaayeen waxaa eey ahaayaan  waran iyo falaar, waxaa suurta gashay in xabashi iyo talyaani laga saaro dhulka soomaalida maalin cad, Qarnigaan aan maanta ku jirno oo ah mid umada soomaaliyeed eey fahansantahay macnaha Diinta iyo dowladnimo iyo in aan leeysku xad-gudbikarin, leeys-gumeeysan karin ilama aha in Ethiopia iyo USA eey qabsan karaan soomaalia iyada oo xiligaan  hubka eey soomaalida haysato iyo technology maanta la haysto miyaa laga yaabaa in Tigree eey maquunin karaan umada soomaaliyeed. 
 
Ciraaq waxaa iskuugu tagay in ka badan boqolaalo wadan oo aduunka ka wada yimid weli waa la maquunin la yahay, maxaad fileeysaan Tigree miyaa qabsan kara soomaali waa  mayaaaaa.
 
 
 
Dr.Ali.A.Hirabe                                        Hirabe_a@hotmail.com
 
 

_________________________________________________________