Maqaayadii
Cali Mahadi waxaaad moodaa in eey socon
weeyday sabbabo jira awogeed,inta umada eey
ku dhex jiro iska xoreeynayo Ethiopia iyo
dabadhilifyada aan damiirka laheeyn ee jecel
in umada la ogoleeysiiyo gumeeysiga iyo
Maquuste ilama aha in nabada iyo cadaalo la
gaari karo.Nabdi ma dhaceeyso inta nina uu u
taagan yahay Taada kulla lehi Teeydana anaa
leh,Puntland waxa eey cadeeysatay in eey ka
xor tahay soomalida inteeda kale haddiiba
eey sidaan tahay Maquuste waxaa quman in uu
ku noqdo Puntland waxaa eey somalida dhahdaa
Qof aan waxa soo socda garan waxa joogana ma
garto Qurunle Maquuste waxaad moodaa in uu
ku guuleeystay in uu kalla qeeybiyo umada xiliga
lagu jiraa waxaa uu Maquuste soo bandhigay
in Muqdisho eey tahay mid qeeybsi ah ee 4,5
somalina uusan u ogoleeyn in eey cidwalba
ka tashato aayaheeda,waxaa uu magacaabayaa
maamulada gobolada iyo degmooyinka xagee
awoodaas ka keenay,miyaaneey ogeeyn in
Federaal dalka uu noqday ,Cade Muuse
Puntland ayuu wax ka sheegi karaa Muqdisho
maya,Qurunle Cali Mahdi waxaa quman in uu
umada ku qasbin qaadashada Maquuste iyo
Ethiopia balse waxaad moodaa in aragtidiisa
dhaw eey tahay mar uun maqaayada furo
dhaqaalena ka aruurso alow sahal umuuraha.Ruuxba
dhiishuu ruxduu caanaheeda dhamaa.
Yaa
Wax Dilaya ..??????
Waxaa shaki ku
jirin in safaarda Ethiopia ee xamar laga
furay loo furay in eey ka how galaan ciidamo
sirdoon
ah oo aad u faro badan,howsha eey qabtaan
waxaa ka mid ah in eey qorsheeyaan dilalka
cidwalba oo umada soomaaliyeed wax gal u
ah,waxaa uu goolkooda yahay in eey dalka ka
ciribtiraan dhamaan saraakiishii soomalida
ah ee aan jecleeyn in eey la howgalaan DFK
waayo waxaa eey u arkaan in eey dowlada
tahay mid Ethiopia laga xukumo,waxaa eey
dilaan cidwalba oo eey u arkaan in uu ka
horimaanayo danaha Ethiopa iyo Maquuste,
hadafkooda waxaa ugu horeeya in caalamka uu
u ansixiyo in eey dalka soomaalia waligood
joogaan,waxaase foolxuma ah in Cali Mahdi uu
shirka nabada dhex fadhiyo maalin walba
iyada oo xamar dagaal ka dhexsocdo laguna
dilayo aqoon yahanada,saraakiisha,iyo
rayidka soomaaliyeed,meel aan nabd aheeyn
ayuu ruwaayad ka dhexwadaa,haddiise eey
daacad ka tahay kuwa shirka iskugu yimid
nabada iyo soomalinimada maxeey u canbaareen
waayeen dowlada Ethiopia gumaadka eey ka
wado xamar maalin walba...........sow
madadaalo iyo shinbirayhaw heesa so
maahin,Maquuste waxaa u adeega huwanta
Ethiopia cid uu adeeg ugu baahan yahay ma
jirto,waxaa uu wadaa in umada eeyan dhisan
dowlad goboleeyd aayahooda ka taliya,sidee
loo dhisaa dolwad goboleed la mid ah midka
Puntlan marba haddii aan laguu ogoleeyn in
aan dadkaaga soo xuluto sida
Puntland,Maquuste miyeey kula tahay in uu
dastuur dowlad goboleeyd kuu ogol yahay
waxaan hadalkeeyga ku soo gababeeynayaa
heeryada gumeeysiga cusub ee Maquuste iyo
Ethiopia dagaalka lagula jiraa waa mid xaq
ah ninwalba mudan in uu ka difaaco
dalkiisa,diintiisa,iyo dadkiisa.
Shirna waa
wadaa Shilkana
waa Shubaa
sheekadee bal
Sheega