Xuubsireed Xaqdaro Xirida Xudeeyfi   

By:   Dr Ali Ahmed Hirabe   Email: Hirabe_a@hotmail.com 

Ra'yi
 January16/2008

Taariikhdu ma dhunto mana duu-gowdo,Somalia Cadowgeeda ugu horeeya waa labadaa nin wallaalaha ah oo aanan kala garan karin meesha wanaaga uu ku jiro iyo cadowga somalia oo loo yeertaa in eeyan aheeyn mid nabada iyo wada noolaanshao ku soo kordhin karta umada somalia,waxaa arinkaan kaga horeeyay Cali Yusuf oo ahaa ninkii ugu horeeyay, Maquuste iyo Maqaarsaar Cade xagee u socdaan ma somali ayeey ka tarjumaan mise Ethiopia ..?????? 
 
Weli waxaa socota taariikhdii foosha xumeeyd ee uu Cali Yuusuf dalkaan kaga tagay, Qarnigaan aan maanta ku jirno C/aahi waxaa uu wadaa in uu Ethiopia eey u qabato soomaaliya si uu u sii wado riyadii  Cali yuusuf, waxaa umada lagu qaldayaa qaran ayaan dhiseeynaa,waxaan soo celineeynaa nabadii iyo kala danbeeyntii uu dalkaan lahaa, wallaalayaal dulmiga socdaa maaha mid la soo afjarikaro,
 waxa kaliye oo eey umadaani ku kala qaboobi kartaa iyadoo laga qabto labadaa mujrim ee dalka raba in eey gataan dharaar cad, waayo maanta ma filaayo in lagu jiro qarnigii 18 aad ama kii 19 aad, waxaa umada heerkaa soo gaarsiiyay waa xasuuqa, qabyaalad iyo is-xaqirid, cidwalbaa waxaa eey aaminsan tahay haddii hubka aad u dhiibano C/aahi ama nin la mid ah in eey imaaneeyso xasuuqaayo cusub ? waxa hada socdo somali waa eey aragtaa,xiligaan oo aan dowladnimo soo dhaweeyn ayaa waxaa xamar ka socda xarig,gumaad barokicin iyo in Tigreega laga soko-mariyo somaliga dalka,dadka iyo diinta la wadaaga dadkiisa ku dhaqan somalia.
 

 

Sannadkii 1890 kii ka horeeyay  ee ahaa 1889 ayuu dhacay heshiiskii lagu kala gooyay Somalilnd iyo somalida kale Talyaaniga iyo Ingiriiska ayaa ku goáansaday in eey kala maamulaan labadaas dhul,hase yeeshee waxaa iyana ka danbeeyay in Markii eey  taariikhdu ahayd 7/ 2- 1889-kii ayuu Vincenzo Filonardi wuxuu soo gaaray Hobyo. Saddex toddobaad kaddib, 28/ 2- 1889-kii ayaa isaga iyo suldaankii hobyood  eey kala saxiixdeen heshiis qoraalkiisu u dhacay sidan soo socota:

 "Anigoo ah suldaanka hobyood ee yusuf cali yusuf waxaan maanta wixii laga bilaabma gacanteeyda ku saxiixay waraaqdaan anigoo cadeeynaaya in aan dhulkeeygii ka billaaw Mareeg illaa Raascawad aan oggolaaday in eey hoostagaan maamulkii dowlada Talyaaniga ee weeyn boqorkooda Umberto I ,isagoo oo uu ka wakiil yahay qunsulka u fadhiya Sansibaar ee magaciisa la dhaho: Vincenzo  Filonardi. "

haddii aad u baahto akhristow qoraalkaa waxaas ka heli kartaa buuga magaciisu ku qoran hoos waayo taariikhda lagama beensheegi karo sida eey aheeydna wax looguma dari karo: Italian Colonialism in Somalia. Robert L. Hes

 Qarnigaan aan ku jirno waxaa la dhihi karaa waa midkii ugu mugdiga badnaa umada somaliyeed,dagaalkii sokeeye wax aan ka faaiidnay in xabashida eey xamar timaado,inta nooga dhimatay in la mid ah ayeey xabashida iyo Maquuste ku gumaadeen xamar,dagaaladaa kuwa ka faaiidaaya waa kuwa siyaasada ku hardamaya oo noqday kuwa eey amarka ka qaataan Tigreega oo kaliya,waxaad ogaataan dowladaani eeyan  somalia ka aheeyn masuul balse koox tigreega u shaqeeya in eey xilika sheegtaan, marka maxaa loo gumaadayaa dhalinyarada somali maanta si ma in  Maquuste uu u noqdo madaxweeyne runtii asaga oo la ogyahay waxa uu yahay. Shalay Cali Mahdi & Caydiid & Maquuste iwm ayaa umada lagu gumaaday,maxaa loo dagaalayay ???? ma waxaa loo dagaalamay in xuubsireed ku tunto sharafta muwaadinka somalia waxaa uu hore u xiray C.Nadaara xiligaana waxaa u xiran wariyaasha somaliweyn sida Xudeeyfi iyo saaxiibkiis al-bashiir,Maquuste waxaa weli u xiran G.maxkamada sare Dr.Yuusuf Cali Haaruun iyo xubno faro badan oo aanan weli la hor-keenin maxkamad,sow cadaalo xumadii Siyaad Bare mid ka sii foolxun Maquuste kuma hayo shacabka somalia,akhristow ma ogtahay in dhalinyaro faro badan oo somali ah xiligaan eey ku xiran yihiin dalka Ethiopia qaarkoodna lagu dadalay xabsiyada dalkaa,ma ogtahay in cidwalbaa oo sunada ka muuqata loo kaxeynayo Ethiopia, yaa loo yahay madax xilika yaa loo qaaday,ciidamada xabashida waxaa eey amar ka qaataan Zanawi akhristow miyeey kula tahay in Maquuste ama N.Cade eey amri karaan Ciidamada Ethiopia maya maya????
 
Akhristow shaki kuma jiro in dhamaan dagaal-oogayaashii dalka burburiyay in xiligan eey ka wada siman yihin in dalka Ethiopia eey xukunto ayagana eey noqdaan shaqaale mushaar lagu siiyo gumaadka shacabka somalia,dib u fiiri dhamaan waxaa eey ka wada tirsan yihiin dowlada Maquuste waxaana mushaarka siiya dowladaha deeqda bixiya,caalamka kama eeyan dhicin in xubin baarlamaan dowladadeed lagu quudiyo lacag dadka iyo dalka eeyan ka imaan,waxa eey qaataan waa suntii Zanawi nagu beeray Maquuste oo safarhana uu noo soo kaxeeyay,hada ka hor ayaan dhahay : Suntow Zanaawi Sameeyay Nin Safar ahaa Sida Maanta. Maquuste waxaa uu na baday ayaa ka daran waxa uu nagu sameeyay,waayo waxaa uu dalka keenay Tigree oo aanan weligeed ku riyoon magaalada Muqdisho,in uu keenay waxaa uu ka cadeeyay London mar uu la hadlaayay kuwa isku sheegay tolkiis balse ahaa qurbo joog ku dhibaan London.Alow sahal umuuraha.Xusuuso Akhristow taariikhda mudan in aanan marna la iloonbin
Waa xiligii idaacadaha soomaaliya eey dhihi jireen Godeey waa la xoreeyay waarsaa Gaagixneeysa waa xiligii 77 ee aan qabsanay Godeey kuna dhaweeyn Adis-abeba, waa xiligii Maquuste uu daagaalka ka dhex waday cuuryaaminta ciidanka soomaaliyeed,waa xiligii uu ururiyay saraakiishii eey isku heebta ahaayeen kuna qorsheeysnaa in eey dalka inqilaab ku qabsadaan,maantase Maquuste ayaa raba weli  in uu ogolaado Ethiopia in eey dalka qabsadaan,kana dhigaan madaxweeyne Tigree eey xukunto.
 
Dr.Ali.A.Hirabe                        Hirabe_a@hotmail.com
 

_________________________________________________________