Madax
yare
maatidiis laaye magaca
mooryaantaa leh
hadaad magaceeyga ku duushay
mooryaanta ku sheegtay
magacaada muruq u sheegatay
maatidaada in aad magaceeyga
masuul iska saarto maseeraan u
arkaa, mug-diyaan u arkaa, ee ninka
miisaamay mariilka meeydkiisa
mootka ka qaatay, miyaa maanta masuul ah oo Maquuste
Matoorkiisa ah.
Akhristow sidee u aragtaa dareenka Maquutse ee ku
aadan in uu dhaho soomaali 17 sanno ee laga soo gudbay in
eey xiligaan ugu fiican tahay ugana nabad badan tahay dalka
soomaalia iyada oo aan ognahay in xasuuqa ciidamada
Ethiopia eey ka wadaan caasimada dalka soomaali in eey ka
gilgisheen caalamka::????????????
Xasuuqa Tigreega uu ka
wado xamar ayaa markii ugu horeeysay uu ka hadlay Maquuste
waxaana uu aad u soo dhaweeyay xasuuqaa foosha xun,mar wax
laga weeydiiyay sida uu u arko dagaalada xasuuqa shacabka
reer Muqdisho waxaa uu dhahay soomaali 17 sanno ee la soo
dhaafay mar eey xiligaan ka wanaagsan tahay Muqdisho ama ka
nabad badan tahay ma jirto,waxaa iyana taa la qaatay wax ma
garatada uu Baydhabo u fadhiyo sida Qamar Aadan Cali &
Gacmadheere,M.dheere,C/Qeeybdiid,Darwiish oo asal ahaan ka
yimid Ethiopia kuna noolaa London xiliyadii ugu danbeeysay
asga oo qaxooti ahaa dhamaantood waa koox aan damiir
wadanimo ku jirin la-heeyne garsho ku aadan waxa hada ka
socda Muqdisho,urur weeynaha yurub ayaa sidaasi diiday
waxaayna ku tilmaamen in loo baahan yahay in la baaro
gaboodfalka ka dhacay xamar,caalamka carabta oo aad moodo in
eey hada ku soo baraarugeen waxa ka socda somalia ayaa
markii ugu horeeysay ka hadashay dowlada Masar oo iyana aad
u caanbaareeysay gaboodfalka xamar ka dhacay halka dowlada
yemen eey aad u taageertay gumaadka eey geeysteen Ethiopia
iyo waxashata Maquuste,waxaa taasi ka sii foolxun in
M.Dheere amro dalalka yurub sidii eey u joojin lahaayeen
banaanbaxyada looga soo horjeedo xasuuq iyo baro kicinta ka
socoto Muqdisho,waxaa uu aduunkaan mooday in Maquuste oo
kale uu xukumo,yurub waxaa ka jira xornimo eeyan somalida
reer Muqdisho ka helin weligood,Wallaalkeey Tarzan iyo inta
wadaa ololaha banaanbaxa looga soo horjeedo gumaadka
shacabka soomaaliyeed uu ku hayo M.Dheere iyo Gabre in aad
laban laabtaan oo tustaan in yurub eey ka xorowday kaligiis
talinimo beri hore,anagoo dhawaan yimidna aan leenahay
xoriyad aan kaga hadli karno dhibaatada dalka aan ka nimid Alow
Sahal umuuraha.
Waxaad moodaa in UN
eey tahay mida gadaal ka riixeeysa gumaadka shacabka ee
dalka somalia,waxaa UN ka eey marar faro badan qaadatay
qaraar sida kii 1992 ee tirsigiisu ahaa 733 kuna baaqayay in
somali laga cuna qabateeyo hubka kaga imaanaya
caalamka,waxaa jiray resulotion faro badan oo ka hadlayay
somalia sida 1356 ee 2001,midkii 1 425 ee 2002 iyo kii ugu
danbeeyay ee qeexayay in dalka soomaali eeyan mudneeyn in
eey soo galaan ciidamada dowladaha safka hore siiba Ethiopia
( the
specification in the IGAD Deployment Plan that those States
that border Somalia would not deploy troops to Somalia
) Resolution 1725 (2006) ee
UN ka ka soo baxay 6
December 2006 weli lagama hayo dhaleeceen ka soo
baxday UN ka waxaadna moodaa in qorshaha uu yahay mid si
fiican looga soo shaqeeyay,lana qaatay in dalka somalia lagu
xadgudbo madaxbanaanida,sharafta
iyo midnimada dalka somalia (“Reaffirming its respect
for the sovereignty, territorial integrity, political
independence, and unity of Somalia)
international
law waxaa mudan in qofwalba oo
somali ah isweeydiiyo suaasha ah sow soomalid xaq uma laha
in eey ka tashato aayaheeda sida ku xusan
international
law
xeerarka caalamiga ee yaal
UN ka ee dhahaya
Each State has the right
freely to choose and develop its political, social, economic
and cultural systems Akhristow maxaa loo diidan
yahay in somalida eey iyada ka tashato waxii dhibaya iyo
cida dhibeeysa.UN ka waxaa ku qeexan
The territorial integrity and political independence
of the State are inviolable akhristow sow Ethiopia kuma eeya
soo qaadin dagaal dalka somalia sow ma jibin xeerarka
caalamka u yaal caalamka dalka Ethiopia ...????? sow Ethiopa
ma diidana in somalida eey ka tashato dastuurka eey rabto
iyo waxa eey ku heshiin karto..???????.Alow Sahal Umuuraha.
Ilaah
qabrigooda ha u waasiciyo kuwa ku shahiiday colaada xamar
eey ka wado Ethiopia iyo ciidamada Maquuste,inta
dhaawaca-ahana Ilaaheey haka bogsiiyo dhaawacooda,waxaan
halkan sida oo kale tacsi ugu diraayaa Madiino Maxúud Cilmi
(Madiino Jeneraal) hooyadii halganka soomalia waana hubaal
in eey taariikhda ka galeeyso baal dheeman ah, Alow kuu
naxariiso,haddii aan soo qaato hadaleeda kuwii ugu danbeeyay
waxaa ka mid ahaa:Nin
soo jeeda
lama kiciyo:
iyada oo eey
ku eedeeyneeysay in kuwa xilika iyo dowladnimada sheegta in
eeyan moogeen gumaadka ka socdo xamar iyo xasuuqa Ethiopia
iyo dowlada Maquuste eey ku hayaan shacabka soomaali Alo kuu
naxariiso .....AAAAMiin