Isma'oge Maquuste aqalkiibuu aslaayaa

By:   Dr Ali Ahmed Hirabe   Email: Hirabe_a@hotmail.com 

Ra'yi
Mar 21-2007

Somalida waxaa eey dhahdaa Lixdan jir laguma helo qiimigaad laba jirkaa wayday.waxaan  ulla jeedaa Maquuste iyo inta daba joogtaa waxaa eey galeen taariikh aanan marna la masixi karin,waxaa eey noqdeen  kuwii labaad ee dalka soomaliya ku soo hogaamiyo cadowga soomaliya,Waxaa taariikhda lagu hayaa in Talyaani uu keenay dalka soomaaliya ninkii la dhihi jiray Cali Yuuusuf, xiriirku waxaa uu bilaawday 1880 laakiin 1889 ayeey aheeyd markii heshiiskii ugu horeeyey ee taariikhda nin soomaali sheegta uu u ogoladay in uu keeno dalkiisa hooyo gumeeysigii cada ee talyaaniga ahaa, heshiiska waxaa uu ka dhacay Hobyo halkaas uu xukumi jiray Cali yuusuf xiligaa,1889 ayaa lagu tilmaamaa in heshiiska uu dhexmaray Cali yusuf iyo Filonardi Commercial society, heshiisku waxaa uu ahaa in talyaaniga uu ku baaho dhulka koonfureed isla markaasna Cali yuusuf uu noqdo (collaborators) gacan siiye xusuus mudan, halkaa ayuuna  talyaaniga ugu fiday gobolada koonfureed ee soomaalia.2007 waxaa soo noqday taariikhdii foosha xumeed mid ka sii daran kana foolxun,Maquuste waxaa xiligaan u yahay (collaborators) gacan siiye Zenawi wax qarsoon maahin,waxaase suaashu eey tahay gumaadka xamar ka bilowday ilaa intee ayuu socon karaa,Maquustese magaari karaa in uu gurto miraheeda......
 
 
Waxaa eey soomalida tiraa Dhedo roob noqon weydey waxaa xiligaan aan aragnaa in xamar eey foolaneeyso waxa eey dhalilaheeydna aanan la hubin balse eey noqon karto mid dhicista ama foosha isku raacda,waxaa mudan in la xuso dhamaan inta soomaalinimada iyo Islaamnimada ku jirto ee diiday in dalka la gato,inta damiirka uu ku jiro ogsoon taariikhda soomalia iyo Ethiopia waa uu garan karaa dunuubta uu galay Maquuste iyo inta la socoto,waxaase weli umada eey la yaaban tahay in reer Puntland laga waayo shacuur soomalinimo ama mid Islaanimo,maxaa diiday in eey shacuurtooda Islaanimo ama mida soomalinimo u muujiyaan una soo baxaan shaaricyada Puntland,waxaad moodaa in eey ku faraxsan yihiin,sida oo kale somaliland weli lagama hayo shacuur Islaanimo ama mid soomalinimo,somalida waxaa eey tiraa Doqon sokeeye maaha waxaa mudan haddii dadka uu muslim yahay soomali la wada yahay in cidwalbaa eey muujiso gumaadka Ethiopia eey ka wado Muqdisho,waxaa foolxuma ah in casimada eey joogaan Ethiopiaan xiligaan xaqiiqdiina weli lama oga in eey ka huleeli doonaan iyo in kale.
 
Waxaa eey soomalida tiraa Duqsi caanuu ku dabaal bartaa fuudbuuse ku baqtiyaa,xamar waxaa uu dhalo hala dhowro,Doqon ila dhashaa iiga roon diracyo shisheeye ahe,Ethiopia waxaa ii dhaama reer walba oo soomali ah waayo waxaa naga dhaxeeya diinta dalka,iyo dadka,kuwa hada ka soo horjeedo gumeeysiga waxaan leeyahay waxaad marteen meeshii soomali eey mari jirtay gumeeysi diid iyo gumeeysi doon ayaa dada u kala baxay la arki doonee cida eey guusha u danbeeyso,reera dheexaa ayaa ku faraxsan gumaadka caruurta xamar lagu gumaadaayo balse waa leeys weeydiin doonaa haddii ilaah raali ka noqdo aduun iyo aaqiro,alow sahal umuurah,
Dr.Ali.A.Hirabe                                                   
 
 

_________________________________________________________