Shirka uu horboodayo Cali Mahdi waa mid
shaar cusub u gelindoona dowlada
Maquuste iyo huwanta Ethiopia,xagee lagu
arkay dal la haysto oo la qabsaday in
dib u heshiisiin lagu dhex qabto,yaa
hishiinaya oo iska soo horjeeda....?????
xagee iyo goormee ayeey mudan tahay in
umada soomaliyeed eey ku heshiiso dowlad
loo dhan
yahay.............????????????????
intaba waxaan jeclahay on aan ku lafo
guro suáalahaa iyo soomali maxaa dan u
ah..
Dhawaaleba waxaa aduunka uu hadal haya
in shir dib u heshiisiin loo qabto
soomali hadaba waayo kuwa shirka loo
qabanaya ma reer koonfur kuwa Ethiopia
xiligaan la dulkeenay kuna jira gumeeysi
mise kuwa dowlada sheegta ee soomaliland
iyo Puntland,xaqiiqdii Cali Mahdi waxaa
uu noqday Maquustaha Mudulood waxaana uu
kala garan la yahay cida xaqa ka maqan
oo eey mudan tahay in loo hiilsho iyo
gumeeysiga cusub ee Ethiopia kuwa lagu
qabsaday waxaa la dhahaa
Rag waxa ugu liita
ciil kama baxe iyo calooshiisa la
ciyaare,shirka
ma qumana in uu qabsoomo inta Ethiopia
eey ku jirto ciida soomali,xiligaan
waxaa jira somaliland oo runtii ah
dowlad buuxisay sharuudihii dowladnimo
fulisay waxwalba oo horumar ah
gaarsiisayna shacuubta somaliland in
eey yeeshaan dastuur,gole baarlamaan,iyo
gole wasiir,wasiirada somaliland
xiligaan waa kuwa shaqeeya lehne
shaqaale,xafiisyo laga how galo maaha in
aan dafirnaa waxa ka jira
somaliland,xaga dimoqoraadiyada waxaa
eey gaareen doorasho xor ah sida mida
baarlamaanka iyo mida madaxweeynaha cid
soomali sheegata oo heerkaas gaartay
weli ifka laguma hayo,hadaba ma waxaa
mudun in xiligaan murugada badan ee
dalka uu xooga ku qabsaday Maquuste iyo
kuwa u adeega lagu qasbo in eey hoos
tagaan Maquuste iyo wasiiro aan shaqeeyn
balse ku magacaaban wasiir iwm xafiis
aan laheeyn u adeega Ethiopia,ma mudan
tahay in baarlamaanku sheega federaalka
ee Maquuste uu leeyahay eey hoos
imaadaan shucuubta somaliland ....akhristo
waa May....Maya soomaalida waxaa eey
dhahdaa
ninba dhiishuu cushuu caanaheeda dhamaa
xiligaan somaliland waxaa eey guranayaan
nabada,cadaalada iyo wadanoolaanshaha
eey bilaabeen 1991 halka Puntland eey
tahay qabiilo xoog isku xukuma
Maquustene uu yahay ninka xoogaa ku
qabsaday xiligii Jaamaca Cali Jaamac,wax
doorasho ah ilaa iyo hada kama eeyan
dhicin hadeey noqon laheeyd xubnaha
baarlamaanka Puntland ama mida
madaxweeynaha waayo Cade Musse waxaa uu
meesha ku yimid heshiiskii Maquuste iyo
asga dhexmaray dagaalkii Puntland kala
dhaxeeyay.
Gumeeysiga waxaa
uu ku danbeeyaa reer koonfur Hawiye iyo
Digil iyo Mirif oo runtii la haysto
dhulkooda iyo dadkooda xiligaana aan
aheeyn dad xor ah,Cali Mahdi qaab qabiil
ayuu ku sheegay in shirka uu ku dhici
doono akhristow waxaan kuu sheegay in
beelaha Puntland eeyan ku imaan karin
qaab beeleed balse eey yihiin dowlad ka
madaxbanaan fedelaaka waayo taasi waxaa
cadeeynaya waxaa eey heshiisyo la galeen
caalamka sida dowlada Ethiopia UAE iyo
kuwa kale oo faro badan.
Heebta uu ka
dhashay Cali Mahdi ee Abgaal wuxuu ku
cayman jiray Imaamka Abgaal maantase
cid kasta waa aragtaa sida uu u qaymo
beelay Imaam Maxamuud iyo sida uu u
dayacay doorka laga filaayay ee ahaa in
uu had iyo jeer dhexdhexaad noqdo sidaas
darteed 1998dii Maxamuud Imaam wuxuu la
saftay Cali Mahdi sanadkaana wuxuu la
safan yahay Geedi iyo Maxmed Dheere taas
oo runtii sharaf dhac wayn ku ah reer
Imaam,waxaanse isweeydiiyay qabiilka
Abgaal ma mudan tahay in uu isku raaco
la dagaalanka gumeeysiga Maquuste iyo
Ethiopia mise waxaa eey raaci doonaan
Imaamka iyo Cali Mahdi,
Maxaadse akhristow
adig u aragtaa xalka socdaa sow maaha
Qunbaan
waardiyeeyaa
ninkale Qaadada
u
sito.waxaa ilaa
iyo hada la haya in dagaalkii xamar
dadka ugu badan ee ku dhintay eey
ahaayeen 65% Mudulood xagaa iyo hotel
ramadaan towfiiq yaaqshiid suuqa
bacaad,howlwadaag iyo xamar intiisa kale
halka dadka baro kacay eey ahaayeen 50%
Abgaal,Cali Mahdi iyo Cali Geedi iyo
Imaanka Abgaal intaba raali ayeey ka
ahaayeen gumaadka iyo xasuuqa xamar ka
dhacay welina waxaa eey ku socdaan
dariiqii Ethiopa cid aan ogeeyn
majirto,ee Alow sahal umuuraha.
Aduuyooy magacaa
baá waxaa shaki ku jirin in
siyaasiyiintii somaaliyeed ee ka qayb
qaadatay maamuladii dalka inta u
dhaxeeysay 1960-2007 in ay ahaayeen
kuwii ugu tayada xumaa ee taariikhda
aadamaha abid soo marta. Waxay noqdeen
kuwo mar waliba aan xitaa la socon
waqtiga lagu jiro mar kasta,somalida
waxaa eey dahdaa
Nin ku necebi
xantaa og, nin ku jeclina xogtaa og
kuwa hada u
shaqeeya Maquuste iyo Ethiopia waxaa
lagu soo doortay yaa
dareen laawe ah oo aan dan kalahayn waxa
aan samaynaayo,rabitaanka Maquuste iyo
Ethiopia yaan ka hor imaan karin,taasi
waxaa sabbab u ah tayo xumida
siyaasiyiinta u nasabka sheegta Hawiye
iyo Digi iyo Mirif waxaana eey
xiligaan yihiin kuwa lagu adeegto oo
markii dantii laga lahaa lagu gaaro meel
cidlo ah looga tago,waxaa quman in
taariikhda eey qeexi doonto ragaa
taariikhda mugdiga ahana eey ka geli
doonaan umada soomalia.
Dr.Ali.A.Hirabe
Hirabe_a@hotmail.com