Ugaaska Tigree oo Xamar Yimid

By:   Dr Ali Ahmed Hirabe   Email: Hirabe_a@hotmail.com 

Ra'yi
 July 23/2007

 
Waxaa dhawaan soo gaaray Ugaaska Tigreega oo magaciisa aan weli la shaacin,waxaa uu talooyin iyo wada hadal kula yeeshay Maquuste iyo oday dhaqameedyada soo gaaray xamar,waxaa laga soo xigtay in uu Maquuste si aan gabasha laheey ugu wargeliyay in soomaali eey ka dagi la dahay fikirka guracan ee uu aaminsan yahay,waxaa uu aad ugu dhaliilay in jufada uu ka soo jeedo Maquuste in eeyan weli garan sabbabaha Tigree ugu soo gurmadeen balse eey jeclaadeen in eey xukunka si qalad ah u isticmaalaan,waxaa uu dhaliishaa dusha ugu tuuray dhowr shaqsi oo aan la jaan qaadi karin siyaasada Tigreega loona baahan yahay in laga qaado darajada oo u magacaabay Maquuste sida Xuubsireed,Afgaduud,C/rashiid Seed iyo kuwo aad u faro badan oo xusul duub ugu jira wiiqida siyaasada Tigreega ee ku wajahan soomaaliya,mar uu la hadlaayay Maquuste waxaa uu Ugaaska Tigree balan qaaday in uu shirka ku taageerayo lacag uu ka soo ururiya kaniisadaha Ethiopia,waxaa kale uu xusuay in ciidamada Tigreega ee jooga soomaaliya iyo kuwa dhar cadka ah ee la shaqeeya dowlada federaalka loo baahan yahay in la helo meel eey ku cibaadeeystaan muhiimna eey tahay in xamar laga dhiso kaniisad Tigreega eey leeyihiin hadaladiisa waxaa ka mid ahaa various religions in somalia coexist peacefully and discussion of the nature and impact of radical Islam ( diin walba oo ka jirta somalia waa in eey ku noolaadaan si nabad ah ka hadalka islaamnimada xag jirka ah ),mar uu ka hadlayay qeeybsiga qeeyraadka dalka waxaa uu Ugaaska Tigree aad ugu dheeraaday in somaliya eey dhiig u hureen kagana dhinteen ilaa 10,000 oo Ethiopiaan ah waxuuna sheegay in dhiigooda uusan aheeyn mid meel cidla ah ku daatay balse ujeedada eey tahay in aayaha dalka soomaaliya eey mudan tahay in eey xaq u leeyhiin kana taliyaan qeeyraadka soomaaliyana eeyan cid gooni ah eeyan laheeyn,waxaa Ugaaska Tigrega sheegay in qeeyraadka soomaaliya sida loo wadaagayo in uu kala hadlaayo odayada soomaaliya fikirkana iyo taladana uu beri hore uu u soo gudbiyay Maquuste iyo Geedi taasi oo sabbabtay in qodobada shirka lagu daro qeeybsiga qeeyraadka soomalia cida xaq u leh iyo cida mudan in eey ka taliso,waxaa hadaladiisa ka midka ahaa: where local elders get high respect and acceptance the discusion haw we shar the national resources and observing power sharingas established in the transitional charter.Alow sahal umuuraha  
 
Mar uu ka hadlaayay xaalada qabiilada soomaaliya waxaa uu aad u xusuay sida kuwa ka yimid Puntland in eey aad isagu dhaw yihiin dowlada Puntlandna eey tahay mid eey ayaga soo dhiseen xiligii Maquuste uu naga dalbaday taabagelinta dowlad goboleeda Puntland, waa sida uu hadalka u dhigay intaa waxii ka danbeeyay  runtii eey aad isaga soo dhawaadeen marka loo fiiriyo kuwa qabiilada koonfur oo runtii aad ugu fogaaday naceeybka Ethiopia balse xiligaan loo xoog sheegatay ogaaladayna in la soo gaaray xiligii soomalia laga dhaqan gelin lahaa dowlada magac soomaali leh balse maskax Tigree ku shaqeeysa,waxaa la filayaa in gabagabada shirka uu Ugaaska Tigreega ka qudbeeyo,xiligaana waxaa uu ku dhex jiraa ogoleeysiinta odayada reer koonfurta siyaasada Tigreega ee ku wajahan dalka soomaliya,Cali Mahdi ayuu ahaa ninka eey isku hor barteen xagaa iyo dalka Ruwanda,waxaana uu aad u amaanay sida odayada beesha Abgaal eey ugu helan yihiin qaadashada siyaasada Tigreeha.walow uu sheegay in ragii xamar kula dagaalamay Ethiopia eey ahaaeen inta ugu badan shabaabka Abgaal welina diidan in la dhaqan celiyo,waxaa eey aad u aamineen Sheekha dhib ma laha waxaa jooga Iimaanka asga ayaa nooga filan ayuu yiri Ugaaska Tigreega.suaasha uu marwalba isweeydiinayay Ugaaska `Tigree ayaa aheeyd maxaa kala bedelay Odayada Abgaal  iyo dhalinyaradooda kuwana waa na ogol yihiin kuwana aad iyo aad ayeey nooga soo horjeedaan.
 
Somali heerkaas ayeey mareeysaa waxaa la joogaa xiligii la fahmi lahaa gumeeysiga Tigreega siyaasada eey dalka ku joogaan cidna ma jecla balse soomalida ayeey kala dilaan,Ilaahna waxaa uu dhahay: 
 
هَاأَنتُمْ أُوْلاء تُحِبُّونَهُمْ وَلاَ يُحِبُّونَكُمْ
 
suurat Aáli Cimraan 119 oo ah idinkuna waad jeceshaihiin iyaguna idiinma jecla xaqiiqdiina waa sidaa cid eey ka jecel yihiin cida kale ma jirto,waxaa cidwalba kaga filan in dadlka maanta eey ka taliyaan Tigree cid eey ka qarsoon tahay ma jirto,sow ma haboona in aan is urursano kana xoreeyno dalka cadowga tigreega iyo kuwa daba dhifka u ah.hada ka hor ayaan dhahay:   
 
Ayax Teg Yeey Amxaarana Reeb .          
Ha igu Tolin Tigree Amxaar Tagoog Tolkeeya maahine.
 
 
 
 
 
 
 
Dr.A.A.Hirabe                        Hirabe_a@hotmail.com

 

_________________________________________________________