Soomaali Ma Xorbaa ......??
 

By:   Dr Ali Ahmed Hirabe   Email: Hirabe_a@hotmail.com 

Ra'yi
 June 24/2007

 
Waxaan ku bilaabaya magaca Ilahaa naxariista guud iyo mid gaarka leh
 
waxaan leeyahay reer koonfur waryaan cadowgu idin kala qeybsanine qawlka ku heshiiya? shacuubta ku dhaqan dalkii la dhihi jiray soomalia intii ka horeeysay 1991 xiligaan gobolo ka mid ahaa waa xor oo waxaa eey ka tashadeen aayahooda waxaana eey sameeysteen dowlad ka madaxbanaan inta xiligaan gumeeysiga ku hoos jirta,cidna kama gilgilato gumaadka iyo gumeeysiga ku habsaday reer koonfur,balse waxaa eey dhisteen gole baarlamaan iyo gole wasiir,waxaana eey leeyhiin sharuuc u gaar ah ama dastuur eey ayaga sameeysteen kana horeeyay midka maanta Maquuste uu wato ,kuwaasi waxaa eey la baxeen somaliland iyo Puntland,akhristow soomaali waa eey kala dhilantay welise waxaad moodaa in eeyan reer koonfureedka eeyan fahmin shaxda iyo gumeeysiga in uu u gaar yahay oo kaliya reer koonfur,1 luliyo iyo 26 Jun waxaa bedelay 26 decenber oo ah xiligii Ethiopa eey qabsatay caasimadii somali.
 
Waxaan jeclahay in aan halkan kaga hadlo xaqiiqda jirta iyo horumarka eey gaareen gobolada xorta ka ah kuwa xiligaan ku hoos jira gumeeysiga,Somaliland waxaa eey gaartay horumar xagwalba ah,dhanka siyaasada,dhaqaalaha iyo dhisida wacyiga dadka oo runtii eeyan dhicin gumaad ama xasuuq intii eey ku dhawaaqeen in eey xor ka yihiin kuwia xiligaan gumeeysiga ku hoos nool,wasiirada somaliland waxaa eey leeyhiin goobo eey ku shaqeeyaan iyo shaqaale leh qorsha sanadeed hufan halka kuwa Maquuste dowlada uu u yahay eeyan dhaafsiisaneeyn hal wasiir oo kaliya shaqaale iyo goob eey ku shaqeeyaan inska iloow,waa 30 wasiir iyo Maquuste kuwa isku sheega dowlad iwm,somaliland waxaa eey leedahay Passapor,lacag,Calan intaba waa xaqiiqo umada eey ka wada dharegsan tahay,halka Puntland eey cagta ku dhufatay Electaronic Passport cusub ee uu Maquuste soo sameeystay iyada oo eey ku sababeeyneeyso in eeyan talo ku laheeyn waxa Gaafow sameeystay iyo iyada uusan passaporkaas uusan siineeyn wax sharaf ah dowlada Puntland madaxdeeda balse u muuqda shaqaalaha Maquuste marka eey qaataan Passaporkaa, u jeedada loo sameeyay passaporka Maquuste waxaa eey tahay oo kaliya in somaliland jiritaankeeda in aduun weeynaha uusan aqoonsan,waxaase cadaan ah in somaliland waxa eey sameeysay loogu hanbalyeeyo laguna dhiiro geliyo in eeyan Maquuste wax la wadaagin,passaporka waxaa sameeyay shirkad ajnabi ah oo degen Sharja UAE waxaana hadafku uu ahaa masladaxa UAE oo kliya balse uusan aheen maslaxad soomali aqoonsigeeda.
 
Ilaa iyo hada lama hayo kuwa magaca ku leh Puntland ama shacabka reer Puntland qiiro wadanimo,ama mid somalinimo waxaana cajiib ah in Isimada ama garaadyada reer Puntland in eeyan ka damqan gumaadka iyo gumeeysiga eey ku jiraan reer koonfur,akhristow sow ma moodid in eeyan jirin wax somali la dhaho,waayo dadkani haddii eey beri wadaageen magaca soomali iyo midka Islaamka maxaa maanta loo waayay cid ka hadasha xasuuqa Ethiopia iyo Maquuste eey ka wadaan koonfurta,haddiise eey beri aheeyd Muqdisho caasimadii dalkii soomalia maxaa xiligaan looga maqli la yahay shacuubta Puntland iyo kuwa somaliland sow ma moodid in eey labadaba noqdeen kuwa ka xor ah soomalida inteeda kale,inkastoo reer somaliland siyaasiyiinta iyo odayada dhorw goor ka hadleen arimaha koonfurta loose baahnaa in eey Ethiopia ku tilmaamaan in koonfur eey qabsatay gumeeysina eey gacanta u galeen.
 
Waxaa cajiib ah marka leeyku soo sharaxayay madaxweeynimada soomaalia in eey isa soo sharxeen in ka badan 15 nin oo Maquuste ka mid ahaa,nin walba waxaa uu soo bandhigay siyaasada iyo fikirka uu ku maamuli lahaa dalka,intaba waa eey kala fikir duwanaayeen waxaase foolxuma ah in ey raaceen Maquuste oo xiligaa ka fikir duwanaa,halka la rabay in ninwalba noqdo mucaarad dhiso xisbi hurumariyaan siyaasada uu aaminsan yahay iyo mida ka gedmi karyta soomali  si taran uu u galo 5 sanno ka dib,balse Qanyare, Maxed dheere, Muuse, Cadow iyo Xussen Caydiid intaba waxaa eey noqdeen kuwa raaca fikirkii iyo siyaasadii Maquuste kana tanasula loolankii iyo fikrkii siyaasadeed eey isku soo sharxeen ,taas waxaa la mid ah oo runtii macalina u ah  ragaas oo dhan shirkii Carte iyo doorashadii C/qaasim,Cali Mahdi  iyo Cadow,xiligaas markii uu C/qaasim noqday madaxweeye waxaa xilidhibaan ka noqday dowladiisii Carte Cali mahdi halka Cadow uu isaga dhaqaajiyay mabdaá siyaasada uu watayne ka tanasuli waayay,aduunka aan ku noolnahay weli taariikhda laguma hayo nin isa soo sharaxay leh mabda siyaasadeen hadana ka noqday xilidhibaan mabda ama fikirk siyaasadadeed uu diidanaa kana soo hojeeday xiligii uu isa soo sharaxaayay,waxaa cad in siyaasada eeyan aheeyn wax lagu hadaaqo ama basle eey tahay mid skoolaad loogu soo baxo,xiligaan dhamaantood waa shaqaale xagjir ah oo jecel in shacabka eey ka dhasheen la gumaado kuna faraxsan waxa hada socdo,waxaan ku soo gaba gabeeynayaa somali waa eey kala dhilantay magacii waxaa uu noqday somaliland,Puntland iyo kuwo gumeeysi cusub ku habsaday lana ogeeyn magaca eey la bixidoonaan.Alo sahal Umuurah.
 
waryaan cadowgu idin kala qeybsanine qawlka ku heshiiya
 
 
Dr.Ali.A.Hirabe                                                    Hirabe_a@hotmail.com  

 

_________________________________________________________