Sharcigii Dhaaquudka Ayeey Isku Guursadeen Maquuste iyo Geedi

By:   Dr Ali Ahmed Hirabe   Email: Hirabe_a@hotmail.com 

Ra'yi
 October  27/2007

بسم الله الرحمن الرحيم
 
الســـلام عليكم ورحـمة الـله وبــركـــاتــــه. وبعد
 
 
 
Sharcigii Dhaaquudka Ayeey Isku Guursadeen Maquuste iyo Geedi
 
 
Xeeldheerayaasha aduunkaa xoolo raac ku tilmaamay, xildhibaan isku sheega qurmoon xaqa soomaali xabaalay, in eey xukumaan kuweey xaqireen, xasuuqeen oo xasideen weliba xeer hoosaad u sameeystay , xishoodlaawe xildhibaan xoolo badsiyaa lagu sheegay,xarbiyaa kugu beegan ee xaniinyo lahaaw, kuwi xumeeyaya haweenka, dhalintiina xabaalay xaalufiyoo xabada haaysta haddii, eey isku xeeydeen in eey qarankan xukumaan xaasidow magacaa baŽ xarig jiidka jiraa xal hadaadan u haaynin, xishoodlaawe xildhibaan xarbiyaa kugu beegan.Ninka xabaalay xaqeeyga, xoolaheeyga xooga ku boobay, gabdhaheeyga xumeeyay,xaalmarin ma waxuu u qaatay inuu xoolo amxaaro dalka keeno.
 
Waxaa leeysku haystaa waa sharcigii dhaaquudka sameeyay ee aanan la ogeeyn meesha uu ka bilowdo iyo meesha uu ku dhamaado,sheekadana waxaa eey salka ku haysaa in umada la xasuuqo dhibka eey hada ku jiraana loogu daro mid cusub,Maquuste waxaa uu taagan yahay aniga iyo Ethiopia ayaa dalkaan xukumeeyna hubkeeygana waxaan ku wareejinayaa Ethiopia halka Geedi uu ka biyo diidayo markii uu taasi arkay ayuu Maquuste ku dhaqaaqay in Geedi si xirfadeeysan xilka looga qaado,kadibna uu soo magacaabo r/wasaare ku fikir ah Maquuste si dalka eey u wada xukumaan asaga iyo Ethiopia,Maxuu Geedi u gadooday ..???????  maxaa ku kalifay in uu u duulo Ethiopia laba jeer..????
Waxaa uu ogyahay in haddii uu xilika r/wasaare waayo in uusan Maquuste marna dhaafeeyn,balse uu xabsiga mudan doono sidii G/Maxkamada sare,haddii Geedi uu waayo darajada r/wasaare waxaa sahal ah in Maxed dheere asgana hubka laga dhigo,waayo waa ninka kaliya ee ka haray reer Muqdisho ee awooda xiligaan sheegta,waxaase foolxumaa in weli aanan la ogoleeyn amarada eey bixiyaan labadaa nin,r/wasaaraha waxaa uu amray in la si daayo g.maxkada sare weli waa la sugayaa,halka maxed.dh uu ku amray in 24 saac gudaheeda la haysan karin muwaadin soomali ah...iyana waa la sugayaa.??
 
Dowlada Ethiopia iyo USA waxaa eey diidan yihiin in xoogaga beesha uu ka dhashay  Geedi iyo kuwa Muqaawamada wadaa ee xamar jooga in eeyan marna isla jaan helin oo eeyan israacin,waxaa laga soo horjeedaa in Hawiye uu israaco kana tashado waxii uu la wadaagi lahaa qabiilada kale ee soomalia,waxaa kala guuray kuwa islahaa dowlad ayaa dhisi kartaan umadana waxaad u horseedeeysaan cadaalo iyo horumar,fadhi ku dirirkii labada harti eey iskugu beensheegi jireen waa dhamaaday,maanta waxaa isku mucaarad ah Majeerteen iyo Abgaal alow sahal umuuraha,sow umada ma arakto dulmiga iyo foolxumada eey umada u horseedeen,dibigii cadaa iyo midkii madowaaba waa la cunay waxa soo haray waa kii gaduudnaa oo asna shilinka saaran.Somaliland iyo Puntland waxaa eey qaateen sharcigii calmaaniyada halka reer koonfur loo diidan yahay shareecada Islaamka alow sahal umuuraha.
 
Suratul  An-Nisaa aayada 59 waxaa uu Ilaaheey ku dhahay:
kuwa xaqa rumeeyow adeeca  Eebe oo adeeca Rasuulka iyo kuwa amarka leh oo idiinka mida ah,haddii aad ku doodaan arrin ama sheey,u celiya Eebe iyo Rasuulka haddii aad tihiin kwa rumeeyay Eebe iyo maalinta danbe (Qayaamaha) saasaana idiin kheeyr roon oo wanaag badan xagga abaalmarinta ciribteed,waxaase maanta Maquuste iyo Geedi arikna dhexyaal loo celinayaa Dhaaquudkii sameeyay,waxaa igu maqaal ah in Kipligal uu imaanayo Baydhabo si uu u sharciga dhaaquudka ee leeysku haysto ugu kala fasiro Maquuste iyo looxdiisa
 
 
Ilaah waxaa uu dhahay: Suurada An-nisaa ayaada 61 وَإِذَا قِيلَ لَهُمْ تَعَالَوْاْ إِلَى مَا أَنزَلَ اللّهُ وَإِلَى الرَّسُولِ رَأَيْتَ الْمُنَافِقِينَ يَصُدُّونَ عَنكَ صُدُودًاMarka la dhaho u kaalaya waxuu soo dejiayay Eebe iyo xagga Rasuulka (SCW) waxaada arkeeysaa munaafaqiinta oo kaa jeedsan jeedsasho waa tan maanta umada eey ku sugan tahay Maquuste iyo Geedi lama maqashiin karo shareeca islaam iwm
 
Ilaaheey waxaa uu ku dhahay kuwa maanta soomali xukuma suuratul Baqra 11 & 12
Marka la dhaho ha fasahaadina dhulka,waxaa eey dhahaan anaga waxaan nahay hagaajiyayaal Ilaahan waxaa uu dhahay ayaga ayaa fasahaadiyaal ah laakiin ma oga.َإِذَا قِيلَ لَهُمْ لاَ تُفْسِدُواْ فِي الأَرْضِ قَالُواْ إِنَّمَا نَحْنُ مُصْلِحُونَأَلا إِنَّهُمْ هُمُ الْمُفْسِدُونَ وَلَـكِن لاَّ يَشْعُرُونَ

Sheekh Shariif iyo Maquuste umada waa eey kala garan kartaan kan dhulka fasahaadiyay welina wada fasahaadka gaalada Tigreegana dalka keenay,marba haddii eey ka wada siman yihiin Geedi iyo Maquuste jaceeylka Ethiopia eey u qabaan in uu ka badan yahay midka somalida eey u qabaan waxaan leeyahay Ilaahow naga qabo dhaaquudka kuwa uu hogaamiyo

Waxa naga qarsoon maanta ma jiraan waxaanse maqaalkaan ku soo gaba gabeeynayaa Ilaahow naga qabo kuwa gaalada Tigreega nagu soo hogaamiyay,Ilaahow naga qabo kuwa umada eey ka dagi weeyday,Ilaahow naga qabo Maquuste iyo xulufadiisa,ninwalba oo soomalia ah muslim ah waxaa ku waajib ah in uu u noqdo Ilaah una baryo tago si umada eey u gaarto cadaalo waxaa waajib ah in shreecada Islaamka la qaataa laguna dhaqmaa iyada ayeey cadaalada ku jirtaa,maaha in aan xiligaan umada loo maceeyaa Geedi iyo Maquuste balse waxaa labadaba isku guursadeen sharcigii dhaaquudka ee uu soo qoray Kipligaal oo la ogyahay xirfada uu leeyahay oo ah Baadari ugu weeyn geeska afrika.

 

 

 

Dr.Ali.A.Hirabe                                    Hirabe_a@hotmail.com

 

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.

webmaster@calayaale.com

 

_________________________________________________________