XAMAR HADDA WAA XASILLAN TAHAY EE MAXAA XIGIDOONA??

By:  

         Mohamoud Ghedi Aw Hilowle Rochester, Minnesota  jowhar53@hotmail.com.
Ra'yi
 May  01/2007
 
Ka gadaal markiii aay dhowaan Dawladda Federaalka KMG ah ee Soomaliya la wareegtay dhammaan gacan ku haynta caasimadda Soomaliya ee Muqdisho, waxaa caasimadda Soomaliya ee Muqdisho ka billaabatay xasillooni iyo shucaac haykal Dawladnimo oo aanan horey loo arag muddo ku dhow 17 sano marka laga reebo afartii (4) billood ee Maxaakiimtii Islaamiga ka talihaayeen xamar, waxaysa xaajo ka xumaatay markey Xilka ugu sarreeyay hogaankii Maxaakiimtii u magacaabeen Xasan Daahir Aweys oo ay saareed Shabada la neceyb-yahay, isla markaasna beeshiisa xilligaas loo yiqiin baadiliin.
 
Waxaa kaloo cim-riggii Maxaakiimtii Islaamiga  soo dedegiyey amaro is dabo joog ahaay oo aanan loo joogin waqtigood iyo hanjabaadyo ahaay ka bad-badin ( outrage).
 
Haddaba Dawladda FKMG ah waxay hadda haysataa fursad ka sii-qaalisan  tii ay haysteen  Maxaakiimtii Islaamiga ee Dawladdu maka faa'iideysan doontaa qaladkii ay galeen Maxaakiimtii Islaamiga , mise arrintu waxay noqon doontaa kalama roona mantaana Roobey?.
 
Runtii hadellada dabac-san ee beryahaan ka soo yeeraayay Mas'uuliyiinta Sarsare ee DFKMG ah sida:- Madaxweyne Md. Cabdullahi Yuusuf Ahmed, Ray'iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Wasiiro ka tirsan xukuumadda Prof. Geeddi aad ayaa loo jecleystey, hadelladda xusidda mudan waxaa ka mid ah, ma jiri doonaan  wax aargoosi ah,  ma jiri doonaan qof, qoys iyo qabiil farta lagu fiiqaayo, wixii la bililiqeystay Dawladda ayaa bixin doonta, Maatidii  ka barakacday  dagaaladdii ba'nay ee ka dhacey Xamar  guryahooda  dib hawgu soo laabtaano amaankoodana Dawladda ayaa dammaanad qaadeyse iwm.
 
Dadka xaaladda  Caasimadda Soomaliya aadka ula socda waxay xukuumadda Prof. ku amaanayaan xulashadii xubnaha qabanaayay xilalka kala ah Gobalka Banaadir iyo Taliska guud ee Booliska Soomaliyeed oo loo kala magacaabey Md. Maxamed Cumar Xabeeb ( M. Dheere) iyo Md. Cabdi Cawaale (Qeyb-diid) oo runtii haddii aay labaduba qumman yihiin soo qodi kara qandhada 16 sano jir- satey ee ku aasan Xamar, qandhadaas oo ay qeyb ku lahaayeen.
 
Xamar hadda waa xasillan tahay ee Soomaliyee maxaa xigidoona???.
 
Xaaji Maxamuud Ghedi Aw Hilowle
 Rochester Minnesota

jowhar53@hotmail.com

 

_________________________________________________________