R/W NUUR CADDE WAA NABADDOON GUUD EE SOOMALIDU MAKA FAA'IIDEYSAN-DOONTAA?.

By:  

         Mohamoud Ghedi Aw Hilowle Rochester, Minnesota  jowhar53@hotmail.com.
Ra'yi
 04Mar/08
 
Soomalidu ma waxay ku sifoobi doontaa maah-maah-dii oraneysey" Dukuhu waa leeyahay nasiib uu ku helo Haruub caano ah, masa laha nasiib uu ku cal-fado", waayoo sida lawada ogsoon yahay sideed iyo toban sano (18) ayaa waxaa lagu soo jirey qolo hebel iyo qeyb hebel la hadli maayo, isla qab-weyn-ninkaas qalafsan qasaarihii ka dhashey wuxuu taab-tay qoys-kasta iyo qof-kasta oo Soomali ah waxaana ugu danbeeyey dilkii dhowaan la dilay Taliyihii Bombeyda Booliiska Soomaliyeed Gan. Abdi Kaahiye iyo dhowr kale oo qaranka qiimo weyn u lahayd. 
 
Nasiib wanaag, Ra'iisul Wasaaraha DFKMGS, Nur Hassan Hussien ( Nur Cadde) wuxuu soo bandhiga masraxa siyaasadda Soomaliya fursad cusub oo ah " Soomaliyeed Wadanka waa wada leenahay ee aan wada hadalno, kana heshiino wixii qilaafa ee jira kadibna aan wada dhisano Qaranimo aan leesku qilaaf-sanayn", haddaba fursadeen Soomalidu maka faa'iideysan-doontaa mise waa Duku nasiib wuu ku helo Haruub caano ah  waa leeyahay, masa laha nasiib uu ku calfado.

 
Ila wareedyo ku dhow dhow xafiiska Ra'iisul Wasaaraha waxay sheegayeen in fursadeen uu soo bandhiga Ra'iisul Wasaaruhu ay-ka biyo diidan yihiin mas'uuliyiinta sar sare ee talada Dalka kala dhexeyso Ra'iisul Wasaare, Nabaddoon Guud Mudane Nur Hassan Hussein ( Nur Cadde), Mas'uuliyiintu waxay ku andacoonayaan maxaa waqti loogu dhuminayaa kooxo ayka go'an tahay inaan Soomaliya weligeed Dawladu ka dhalin.
 
Dhinaca kale Mucaaradka intiisa badan iyo Deeq Bixiyaasha Caalamiga ( International Community) waxay codsanaayaan in la furo wada hadalo aan wax sharuud ah ku xirneyn oo dhex mara DFKMG ah iyo Mucaaradka oo dhan gudaha iyo Dibadaba, sidaas ayaa Ra'iisul Wasaare, nabaddoon Mudane Nuur Haasan Hussein ( Nur Adde) wuxuu ku noqonaayaa HESHII nin bidix ah iyo nin midig  ah garaaceen dhanna uma fayaaba ee fursadeen qaaliga ah Soomalida oo dhan, gaar ahaan Soomalida koofureed oo Wadanku sideed iyo toban sano (18) ka degi la' aay maka faa"iideysan doontaa mise Ra'iisul Wasaare, Nabaddoon Nuur Hassan Hussein  ( Nuur Cadde) wuxuu mari-doonaa wadaddii uu marey walalkiis Ra'iisul Wasaarehii hore Prof. Ali Mohamed Ghedi oo haystay kal-soonida shacabka Soomaliyeed 95% balse u tanasuley danta Dadka iyo Dalka Soomaliyeed.
 
 
Welcome to Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 

Read Akhriso


Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Rochester, MN.

jowhar53@hotmail.com

 

_________________________________________________________