Lix iyo tobankii (16) sano ee Soomaliya ku soo jirtay jah-wareer siyaasaddeed iyo fawdo ( political trauma and chaotic), qofkasta ee ku noolaay gudaha Soomaliya 92% wuxuu ku mash-quul-sanney habeen iyo maalinba siddii asiga iyo qoyskiisaba uga dhuuman lahaayeen dhibka ka taag-ney dhulka hooyo, taasna waxay keentay in shanta (5ta) Qaaraddood ee Adduunka meeshii aad ka tag-taba in aad ku ar-keyso Soomali badan oo meelo tuur-tuuran, taas oo ah dhaqan u gooni ah Soomalida ( unique), aadna uga fajiciyey dhammaan bulshooyinkii ay ula tageen dhaqankas sida:- Waddamada ( Europe, America iyo xitaa Africa)
Muddo ka yar labo (2) Asbuuc ( less than two Weeks) waxaa Soomaliya ka jira Shucaac (iftiin)yar oo u eg' Heykal Dawladnimo, waxeyna Qurbo joogtii bilaabeen inay u kala dhuuntaan Wadankii hooyo, gaar ahaan Caasimadda Soomaliya ee Muqdishu oo aay hadda ku wada sugan yihiin Madaxweyne Md. Cabdullahi Yuusuf Axmed iyo Rey'iisal Wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi, iyadoo qofkastana wuxuu raad-sadey Xil Dawladdeed ama qorshe mash-ruucyaal waaweyn ( projects plan).
Qurbo joogow, ma haq-baa in marka dhulka hooyo uu ku jiro dhib in aan ka soo wada dhuumano markii dheef laga fishana aan si dhaqso badan ugu dhuumano?, labada dhuumasho aan mid dhaafno.
Guddoomiye, Maxamed Cumar Xabeeb ( M. Dheere) oo ku soo biirey mas'uuliyiinta Soomaliyeed ee hadalka dabac-san, taariikhdu markey aheyd May 4, 2007. Xafladdii caleema saar-ka ee uu xilka kula wareegaayey Guddoomiyanimada cusub ee gobalka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (M. Dheere), khudbaddii uu ka jeediyey xafladdaas aad iyo aad ayey u dabac-sanneyn, una soo jiidatay dhammaan intii dhegeysatay khudbaddaas, wuxuuna Guddoomiye Maxamed Dheere ku kasbadey taageerayaal hor leh, hadal-kaas dabac-san ee Guddoomiyaha Cusub ee gobalka Banadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, hadal-kaas dabac-san wuxuu meesha ka saari karaayaa amba hoos u dhigi karaayaa cuqdadii ay kala qabeen shaqsiyaadyo iyo beelaha Soomaliyeed, gaar ahaan kuwa ku wada nool caasimada Soomaliya ee Muqdisho ( Paranoid ease) , waxaana hal mar leesla dhahey " turubkii la wada barey, Guddoomiye Maxamed Dheerena hadal toosan soo tebbi".
Hadaladaas dabac-san waxaa kalooy baryahaan ka soo yeerayeen Mas'uuliyiinta sar sare ee DFKMG ah ee Soomaliya sida, Madaxweyne, Cabdullahi Yuusuf Axmed, Ray'iisal Wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo xubnaha ka tirsan labada gole.
DFKMG ah waxaad moodaa, mid ka faa'iidey-satey qaladkii ay galeen Midowgii Maxaakiimta Islaamiga Soomaliyeed oo iska qasaariyey fursad qaali aheyd oo soo martey.
Dhinaca kale waxaa weli badan hadal heynta Sheekh Shariif Sheekh Ahmed oo la leeyahay waxaa haboonaa laheyd in lagu soo daro Xukuumaddaan DFKMG ah, laakin waa haddii uu ka tanasulaayo ku xir-naashaha jaalayaashiisa ay saaran tahay SHABADA LA NECEB yahay oo ay dagaal aragti ah, ka dhexeeyo iyaga iyo Dayaaradaha Dagaalka ee loo yaqaan U.S.AC 130.
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Rochester, Minnesota.