Galabta oo taariikhdu aheyd May 5, 2008. waxaa kulan deg deg ah, oo ahaay khadka teleefonka ( Teleconference) yeeshay xubno muhiim ah oo ka mida Jaaliyadda Muduloodka ku dhaqan waqooyiga Ameerika.
Kulankaas Khadka telefanka ahaay,waxaa guddoominaayay Guddoomiyaha Guddiga Mudulood ee waqooyiga Ameerika Caaqil Xaaji Maxamuud Cali Jimcaale ( Koogaar) oo degan gobalka Arizone U.S.A.
Shirkaas waxaa sitaxadir badan looga hadley guud ahaan waxa ka soconaaya wadankii hooyo iyo doorka aay beel ahaan, beesha Mudulood ka qaadan karto sidii loo sixi lahaay wixii qaldan.
Waxaa aad loogu dheeraaday sidii xal loogu heli lahay deegaanada Mudulood ee dhowaan dagaalada loo soo xawilay sida magaalada Jowhar, Mahadey, Ceel Baraf, Aden Yebal, War Maxan iyo Caddow Uul oo dhammaantood baryahaan danbeeyey ku soo badanaayeen heer Gafuur Duub.
Kulankaas waxaa si buuxda loogu taageerey looguna duceeyey Guddoomiyaha Gobalka Banadir ahna Duqa Magaalada Muqdishu Mudane halyey Mohamed Cumar Habab (M. Dheere) oo haddii Soomaliya eey Dawladnimo rabtana u diyaar ah gudashada xilka loo doorto amba loo magacaabo, laakin haddii uu dareemo dulmi iyo deegaanyo-doon-nimo, isu bedela deb lagu gubto, ayaa loogu ballan qaadey in lala garab sitaagi doono hiil iyo hooba markii uu u baahdo.
Ugu danbeyntii waxaa leysku afgartey in sibuuxda loo ayido heshiiska dib u heshiisiineed ee uu wado Ra'iisul Wasaare Mudane Nabaddoon Nur Hassan Hussein ( Nur Cadde) iyo Gogosha dib u heshiisiinta ee uu Mudulood ka fidiyey Hotel Global oo hadda mareysa heer Muduloodnimo laakin socon-doonta ilaa heer Soomaliweyn.
Wixii su'aal ah ee ku saabsan telakon-faran-siga dhacey, fadlan kala xiriir Guddoomiyaha Guddiga Muduloodka Waqooyiga Ameerika Caaqil Haji Mohamoud Ali Jimale ( Koogaar) oo email-kiisu yahay WWW.
koogaar@yahoo.com. Soomaaliyey nabad, Soomaliyey nabad.
Mohamoud Ghedi AW Hilowle
Rochester, MN.