XUBNO AY SOOMALIDU AAD U XUSHMEYSO OO XIL YAR DHOWAAN LOO MAGACAABEY

By:  

         Mohamoud Ghedi Aw Hilowle Rochester, Minnesota  jowhar53@hotmail.com.
Ra'yi
 Mar 18/ 2007
 
Jaaliyadda Soomaliyeed ee ku nool Waqooyiga Ameerika ( North America) gaar ahaan Gobalka Minnesota, dhowrkii asbuuc (weeks) ee la soo dhaafay, waxaa aad iyo aad loo hadal haayey shanta (5) xubnood ee ay Soomalidu aad u xushmeyso ee uu dhawaan Madaxweynaha Dawladda Federaalka KMG ah ee Soomaliyeed  Mudane Cabdullahi Yusuf Axmed u magacaabey inay daadihiyaan Shirka dib u heshiisiinta Qaran ee uu Madaxweynuhu u iclaamiyey April 16, 2007 in uu shirku ka furmo caasimadda Soomaliya ee Muqdishu.
 
Shirkaas sida la filaayo waxaa ka soo qeyb geli-doonta ilaa 3 kun Ergo oo ka kala imaanaaya dhammaan ururradda bulshada Soomaliyeed gudaha iyo dibadda.
 
Ladaddii sano iyo barkii (2.5) ey jirtey Dawladdaan FKMG ah ee Soomaliyeed waa markii ugu horreysey ee xubno xil loo magacaabey, uu shacabka  Soomaliyeed yiraahdo " xaashaalilaahiye waa xubno xil qaran u qalma".
 
Wixii ka horreeyey shantaan (5) mudane,  xilalkii kala duwanaay ee la magacaabey 94% waxey ahaayeen xujo xil u dhiib, waxaa la wada ogsoon yahay inay jiraan xubno badan oo ka tirsan labada Gole misana Har iyo Habeen ku fikeraaya sidii ay Xukuumadda Prof. Cali Maxamed Geeddi ey u boqno goyn la haayeen, ha yeeshee Professor-ku waa aqoon-yahan ku kalsoon naftiisa, Ilaahiisa, Madaxweynahiisa iyo shacabka Soomaliyeed ee nadiifka ah kalana fahmi kare farqiga u dhexeeya qabiil iyo Qaranimo.
 
Ugu denbeytii Jaaliyadda Soomaliyeed ee ku nool gobalka Minnesota gaar ahaan magaaladda Rochester waxey hal-kan bogaadin uga soo jeedinaayaan xubnaha xushmadda mudan ee loo magacaabey daadihinta shirka dib u heshiisiinta Qaran ee Soomaliyeed. Xubnahaan oo kala ah:-
 
1. Madaxweynihii hore   H. E. Ali Mahdi Mohamed, Guddoomiye.
2. Jan. Cabdirahman Cabdi Xuseen ( Guul Wade)
3. Ganacsade Mohamoud Jirde  Hussein/ Mudane Farax Weceys Dhugle
4. Mudane Mohamed Mohamoud
5.  Mudane Mohamed Megen
 
Shacabka Soomaliyeed waxey u rejeynayaan Mudanayaasha kor ku xusan xilal ka culus kuwa hadda loo magacaabey, si loo samata bixiyo ummaddaan dhibka ku soo jirtay 16 sano ka badan.
 
 
 
 
Xaaji Maxamuud Ghedi Aw Hilowle
 Rochester Minnesota

jowhar53@hotmail.com

 

 

_________________________________________________________