CODSI KU SOCDA MAXAMED CUMAR XABeeB ( Maxamed Dheere)

By:  

         Mohamoud Ghedi Aw Hilowle Rochester, Minnesota  jowhar53@hotmail.com.
Ra'yi
 Jan 22/ 2007
 
Kulan qadka teleefanka  ah ( Teleconference) oo ay yeesheen jaaliyaddaha dibadda ku nool ee Jufadda uu ka dhashey Xiddigii Siyaasadda Soomaliya ee sannadkii 2005 mudane Maxamed Cumar Xabeeb ( Maxamed Dheere) oo ah aabaha Dawladdaan uu Madaxweynaha ka yahey mudane Abdullahi Yussuf Ahmed.
 
Jaaliyaddu markey  leedahay  Mudane Maxamed Dheere waa aabbihii Dawladdaan Federaalka ah ee Soomaliyeed, jaaliyaddu waxey ku kalsoon tahay in la wada xususto sannadkii  2005 in uu Mudane Maxamed Cumar Xabeeb ( M. Dheere) uu  xubintiisii Xildhibaanimo si sharaf leh ugu wareejiyey Ra'iisal Wasaare Prof. Ali Maxamed Geddi oo aan markaas xubin ka aheyn Barlamaankii Soomaliyeed oo tiradiisu aheyd 275 Xildhibaan.
 
Is la sannadkaas Dawladda Kenya oo waddan-keeda lagu soo dhisey DFKM ah ee Soomaliya waxey amar ku bixisey in si deg deg ah  ey Dawladda cusub ee Soomaliya uga guurto gudaha Kenya una ay guurto gudaha Soomaliya oo ay ka shaqeyso gudaha Soomaliya.
 
 Dawladda Kenya fekerkaas waxaa la-qabey dhammaan Dawladdaha Deeqda bixiya iyo ururradda caalamiga ah ( international community)waatii uu Mudane Mohamed Dheere Dawladdii soo dejeyey
Gobalka Shabelleha dhexe ee Jowhar asa-goo kaa-shanaaya Ilaahiisa iyo shacabka reer Jowhar oo DUN-TOODU wanaagsan tahay  oo uu markaas  u ahay Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda ee gobalka.
 
Haddaba maadaama uu mudane Maxamed Dheere uu u leeyahay karti Farsamo, Geesinimo iyo Burji u qarsoon waxay Jaaliyadaha dibadda ku nool ee ka soojeeda Jufada uu ka dhashey Mr. Mohmaed Dheere waxey si xushmad leh uga codsanaayaan in uu Jufo hoosaadkiisa u dhigo goggol dib u heshiisiinned. Ka dibna beel-weynta Mudulood Hiraab asagoo kala-tashanaaya dhammaan Culamaa'udiinka Mudulood, Siyaasiinta, Aqoonyahanada, Ganacsatada, waxgaradka, Haweenka iyo duubabka oo uu ugu horreeyo Imaan Maxamuud Imaan Cumar.
 
 
 Markaas ka dib maadaamo uu Mudulood yahay ahalu beydka caasimadda Soomaaliya ee Muqdishu waa in uu Mudulood Soomali-weyn goggol  guud u dhigo oo  weliba si gaar ah loogu Casumaayo Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaare, Dhammaan Xildhibaanyadda Barlamaanka, Duubabka Beel-weynta Soomaaliyeed iyo Mas'uulihiintii Sar Sare ee Midowgii Maxaakiimta Islaamiga Soomaliyeed kuwoodii ahey Qun-yar socod sida: Sheekh Shariif Sheekh Axmed iwm.
 
 Goggoshaas waa in uu Mudulood Soomali-weyn uga codsido  Is-cafis guud iyo in Calankii Soomaliyeed  ee 16 sanno carradda yiil dib si wada jir ah Ciidda looga wada jafo Dawladda FKM ahna lagu siiyo taageero buuxda.
 
Ururka Dhaq-dhaqaqaaqa Mideynta  Soomaliyeed ee ( North America) wuxuu aad ugu bogey baaqyadda isdaba joogga ah ee Safaaradda Mareykanka ee Nairobi Kenya oo dhowr jeer ugu baaqda Dawladda FKM ah ee Soomaliyeed in ay dhammaan la gasho wada hadalo ururradda Bulshada Soomaliyeed oo dhan gaar ahaan Midowgii Maxaakiimta Islaamiga Soomaliyeed oo dhowaan ay kale ceyriyeen Ciidamada Dawladda Itoobiya iyo qaar ka mid ah Ciidamada Dawladda FKM ah ee Soomaliyeed, kuwoodii ahay qun-yar Socod sida:- Sheekh Shariif Sheekh Ahmed iwm.
 
Baaqaas Safiirka Dawladda Mareykanka u Fadhiga Magaaladda Nairobi ee Kenya Ambassador Michael Ranneberger oo ku baaqey inay habboon tahay in ay Dawladda Soomaliya la Xaajooto  Muslimiinta Qun-yar socodka ah, Baaqaan wuxuu shaki weyn gelin-doon-naa Muslimiin aad u fara badan oo  ay-ka dhaadhac-saneed in Mareykanku  aanuu kale jecleyn Muslimiinta kii  ah xag jir iyo kii ah Qun-yar socod.
 
 
 
Xaaji Maxamuud Ghedi Aw Hilowle
U DH M S N A, Rochester Minnesota

jowhar53@hotmail.com

 

 

_________________________________________________________