Kulan deg dega oo ahey qadka taleefonka oo eey yeelatey Jaaliyadda Mudulood ee ku dhaqan waqooyiga Ameerika ( North America) wax yar ka dib markii la shaaciyey magacaabista Ra'iisul Wassaraha cusub ee DFKMGS Dr. Nur Hassan Hussein ( Nur Adde).
Jaaliyaddu waxay si hor dhac ah u taageertey una soo dhoweysey xilka culus ee xilligaan adag loo magacaabey Md Nur Hassan Hussein ( Nur Adde) waxayna Jaaliyaddu Ilaahay uga beryeen in uu u fududeeyo xilkaan culus Ra'iisul Wasaaraha cusub.
Jaaliyaddu waxay isku raacdey in dhowaan gobalka Minnesota amba Washington DC lagu qabto shirweyne ( Convention) oo si buuxda looga taageeraayo magacaabista Ra'iisul Wasaaranimo ee Md Nur Hassan Hussein ( Nur Adde) waxaa la filaayaa in uu Ra'iisul Wasaaraha cusub uu shirkas
uga soo qeyb galidoono qadka teleefonka sidoo kale mas'uuliyiin kale sida Guddoomiyaha gobalka Banadir ahna duqa magaalada Muqdishu Md Mohamed Omar Habab (M. Dheere) iyo qaar kale.
Jaaliyaddu waxay codsi u jeedisey Baarlamaanka FKMGS, xukuumadda cusub ee la soo dhisidoono, dhammaan Shacabka Soomaliyeed intooda nabada jecel, Dawladaha deriska ah iyo beesha caalamkaba inay gacan ku siiyaan Ra'iisul Wasaaraha cusub ee DFKMGS gudashada xilka culus ee loo magacaabey xilligaan adag.
Uga danbeyntii Jaaliyaddu waxay ammaan iyo hambalyo u dirtey Ra'iisul Wasaarihii hore ee DFKMGS Prof. Ali Mohamed Ghedi oo mudadii sedexda (3) sano aheyd ee uu xilka Ra'iisul Wasaaranimo haayey u muujiyey Shacabka Soomaliyed iyo beesha caalamkba fir-fircooni iyo fur-furnaasho uu ku kasbadey kalsoonida shacabka Soomaliyeed inta badan iyo sumcad uu ka heley beesha caalamka (good reputation) markii uu u tanasuley dadkiisa iyo dalkiisa markii ey isla shaqeyn waayeen asaga iyo Madaxweyne Korneyl Cabdullahi Yuusuf Axmed.
Taageeraddaan waxaa diraaya:-
1. Caaqil Maxamuud Cali Jimale (Koogaar) AZ
Guddoomiyaha Muduloodka North America
2. Dr. Mohamed Ali Nur GA
3. Dr. Ibrahim Mao (Gandi) CA
4. Dr. Mohamoud M. Jimale ( Keysaney) MN
5. Sheikh Ali Hussein ( Jaras) MN
6. Islaw Ahmed Islaw MN
7. Sheikh Hassan Ali Alassow MN
8. Osman Mohamed Sheikh MN
9. Heer Sheikh Ahmed Roorow MN
10. Abdulle Hassan Nuurow IL
11. Daud Nur Hassan IL
12. Haji Abdullahi Hassan Il
13. Ilmo Haji Juuni MN
14. Jibril Mohamoud Jilao NE
15. Eng. Ali Noor ( Ali Bid) MN
16. Xaji Abdi Muuse Maaxaay MN
17. Shukri Tohow Mohamed MN
18. Dayib Sheikh DC
19. Haji Hussein Jimale MN
20. Sakaria Abdullahi Ga'al MN
21. Mas'uud Sheikh Amir MN
22. Sheikh Ali Hilowle MN
23. Daud Ali Hassan (Ceydiid) MN
24. Ali Isse Ahmed MN
25. Ahmed Mohamed Afrah ( Shutul) MN
26. Ali Mududin Mohamed Wehelie MN
27. Muhudin Hassan Jimale MN
28 Said Mohamed Hassan MN
29. Abdullahi Haji Mohamed MN
30. Moallim Ahmed MN
31. Abdullahi Sheikh Ahmed Gacamey MN
32. Ahmed-nor ( Furnaaje) MN
33. Omar Aw Roble MN
34. Dahir Damey MN
35. Khalif Ahmed Ali Ulusow MN
36. Abdulqadir Omar Ahmed MN
37. Abdisalad M. Afrah ( Apollo) MN
38. Abdiaziz Omar Hussein ( Ajungale) VA
39. Abdiaziz Osman Sheikh VA
40. Abbas Abdi M. Isse VA
41. Falxad Ahmed Mohamoud (Adde) VA
42. Sheikh Calas VA
43. Huseein Tacbaan Canada
44. Suubiye Hassan Canada
45. Batuulo Sheikh Ahmed Canada
46. Hassan Yare Canada
47. Ahmed Noor Elmi Rubac MN
48. Hussein Islaw Jamleyste MN
49. Hussein Gaamiir MN
50. Mohamoud M. Mohamoud (Gerre) MN
51. Dahabo Hadaafow MN
52. Shamso Cawed MN
53. Abdi Ahmed Hirabe IL
54. Wiilo Ghedi Subiye Ahmed MN
55. Mohamoud Muudey Hassan MN
56. Abdullahi Haji Omar
57. Mohamed Omar Karani MN
58. Ali Moallim Mouse MN
59. Ali Moallim Mouse NY
60. Haji Abdullahi Alassow Elmi MN
61. Haji SAlah Mohamed MN (dukaan leh)
62. Haji Hassan Nuurow Moh'ed MN
63. Mohamoud Ghedi Aw Hilowle MN
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Rochester Minnesota.