TAAGEERO IYO SOO DHOWEYN LABADA SHIR EE MUQDISHU IYO LONDON.
 

By:  

         Mohamoud Ghedi Aw Hilowle Rochester, Minnesota  jowhar53@hotmail.com.
Ra'yi
 Mar 25/ 2007
 
Kulan ballaaran oo ahaay Qadka telefonka ayay yeesheen qurba joogga beelweynta Mudulod ee ku kala  nool shanta (5) qaaraddood, taariikhdu markey aheyd Maarso 24, 2007.
 
Kulankaas waxaa laga xariiri-haayay amba laga hagaayay magaalada Rochester ee gobalka Minnesota waxaana looga doodey xaaladda murugsan ee ka taagan guud ahaan Soomaliya gaar ahaan caasimada Soomaliya ee Muqdishu oo maatada Mudulood 80% ku nooshahay caasimada Soomaliya.
 
Sidoo kale waxaa  si saraaxad leh looga doodey laba shir (2) oo dhowaan ka kala dhacey caasimada Soomaliya ee Muqdishu iyo London U. K. Kan Muqdishu wuxuu ka dhacey Hotel Global wuxuuna u gaar ahaay Abgaal Cismaan, kan London-na wuxuu ka dhacey Holiday inn waxaana ku shirey waxgaradka Hawiye, Siyaasiinta,aqoonyahano iyo odayaal dhaqmeedyada Hawiye waxaana Afhayeen ka ahaay Al Xaaji Muse Wehliye.
 
Doodo dhaa-dheer ka dib waxaa si buuxda loo taageerey loona soo dhoweeyay labada shir, gaar ahaan shirka ka dhacey hotel Global Muqdishu Soomaliya oo lagu dhisey golaha guurtida danaha Abgaal Cismaan oo ka kooban 81 xubnood oo hoos tegaye duubabka beelweynta Mudulod sida:-
Imaamka, Ugaaska, Malaaqa iyo Suldaanka.
 
Kulan-kaas oo ahaay Qadka Teleefonka waxaa kaloo si diiran loogu soo dhoweeyay hadalka cad cad ee ay golaha Guurtida danaha Abgaal Cismaan siiyeen Saxaafada Gudaha oo ahaay" inay-san jirin Hawiye ku tashaday in lala dagaalamo DFKM ah  oo si dhib badan laba sano iyo bar shir loo fadhiyay wadanka Kenya lagu soo dhisey "  balse waa nasiib darro 16 sano ka dib in lagu dhiirado dhihitaanka been abuurka qaawan ee magaca hawiye oo dhan.
 
Qurbo jooga beelweynta Mudulood waxay kale oo ay-si buuxda u soo dhoweeyeen Gudiga dib u heshiisiinta Qaran ee uu guddoomiyaha ka yahay Madaxweynihii hore Al Xaaji Cali Mahdi Maxamed.
 
Dad badan oo kulan-kaas ka hadlay waxay sheegeen inay tahay lagama maar-maan in shirka dib u heshiisiinta Qaran laga qeyb geliyo xubnihii qun yar socodka ahaay ee midowgii Maxaakiimta Islaamiga Soomaliyeed sida:- Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Prof. Ibraahim Caddow iwm.
 
 Sidoo kale waa inay shirka dib u heshiisiinta  qaran  laga qeyb geliyaa taageerayaashii xubnahii qun yar socodka ahaay  ee Midowgii Maxaakiimta Islaamiga sida Xaajiga caanka ah ee Soomaliyeed ganacside Xaaji Abuuker Cumar Caddan iwm.
 
 
Sidoo kale waa in laga qeyb geliyaa Shirka dib u heshiisiinta qaran Mulkiilayaashii Dekedii dabaaciga aheyd ee ceel macaan sida Eng. Cabdulkadir Maxamed Nuur (Enow)
 
 
Ugu denbeystii waxaa la go'aan saday in la dhiso gudiga qurba joogta beelweynta Mudulood ee ku kala nool shanta qaaradood,  muddo laba bilood gudahood oo hiil iyo hooba la garab istaaga Golaha Guurtida danaha Abgaal Cismaan ee dhowaan la dhisey, waxaa kaloo la go'aan saday in Isha lagu haayo xaaladda liic liicaysa ee Soomaliya gaar ahaan caasimada Soomaliya ee Muqdishu oo ay go'doon ku tahay dhammaan maatadii Mudulood. 
 
                                     WAR DEG  DEG ah
 
War hadda naga soo gaarey Nairobi Kenya intii shirka lagu jirey wuxuu sheegayaa in Ra'iisul Wasaaraha DFKM ah Soomaliya Prof. Cali Mohamed  Geeddi iyo xubno ay  ka mid yihiin Sheekh Aden Madoobe, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliyeed ee KMG ah,   Md. Mohamed Cumar Xabeeb ( M. Dheere) Guddoomiyihii hore ee Gobalka Sh/Dhexe,   Md. Salaad Cali Jeelle, Wasiir kuxigeenka W/ Gaashaandhigga iyo   Md. Cabdi Jiinow , Maareeyaha Dekeda Muqdishu ay kula kulmey Nairobi ganacside Xaji Abuuker Cumar Caddaan.
 
Sida la sheegaayo si fiican ayaa  leesugu afgartay kulankaas, haddii ay run tahay arrintaan waa guul u soo hoyatay dhammaan Soomalida Nabada jecel meel kasta ha joogtee.
 
                                    CAMBAAREYN
 
kulankaas waxaa cambaareyn looga soo jeediyay ninka layiraahdo " Xaji Cabdi Imaam Cumar" oo marar badan ku xad-gudbey magaca beelweynta Mudulood.
 
Sidoo kale waxaa hal-kaas lagu cambaareeyay BBc da qeybta Af Soomaliya oo raadsata shaqsiyaadka ka soo hor jeeda DFKMG ah, dibadeedna wareysiyada ay ka soo qaadaan maalin kasta amba maalin dhaaf uga soo daaya Idaacadda BBC da.
 
 
Xaaji Maxamuud Ghedi Aw Hilowle
 Rochester Minnesota

jowhar53@hotmail.com

 

 

_________________________________________________________