Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay Degmooyin dhowr ah oo ka tirsan caasimada Soomaliya ee Muqdisho (Xamar), Xabado xanuun badan ayaa ka xiimaayey, xabadahaas oo aay isku ridaayeen Ciidamada Dawlada FKMGS oo kaashanaaya Ciidamada Dawlada Itoobiya iyo Kooxoha ka soo hor jeeda DFKMGS iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya Dalka Somaliya, xaafadihii uu dagaalku ka bilowdey maanta cidna kuma noola oo waxay Qaxooti ku yihiin geedo hoos-tood waxaana ku haysata dhibaato baaxad weyn oo aan weli soo marin geeska Africa.
Dagaaladaan labada (2) dhinac waxay bara-kiciyeen 100% dadkii bulshada ugu nug-leey sida:- waayeelkii, carruurtii, haweenkii iyo dan-yar aan waxba haysan ee akhristow, qiyaas xannuunka ay leedahay carruurtaadii oo baahi la ooyeysa wax aad siisana aadan u hayn misana xabado kaa kor xiimaayaan, Rabiyow ka bixi inta aay hadda haysato inta kalana ka bad-baadi.
Runtii marka laga reebo Rabbiga iska leh awooda, ma muuqato astaan uu dagaalkaan ku joog-sanaayo, waayoo marka aad la hadasho taageerayaasha labada dhinac ee Xamar ku dagaalamaaye, mid walba wuxuu kugu soo celinayaa su'aalo aadan si deg deg ah uga jawaabi kareyn, tusaala ahaan kuwa naqdiga Siyaasadda DFKMGS waxay leeyihiin" Dawladdaan waxay Dalka keen-tey Itoobiya ee goormeey Soomaliya iyo Itoobiya heshiiyeen? " sidoo kale kuwa naqdiga Kooxaha Xamar ka dagaalamaaye waxay leeyihiin" kooxahaan waxay ku mideyd-san yihiin oo qura inaan Soomaliya Dawlad ka dhalan balse waa kala ujeedo duwan yihiin."
Xamar wuxuu ka kooban tahay 16 Degmo, nasiib wanaag waxaa weli jira Degmooyin badan oo beelaha dega aay isugu jiraan, qaar taageersan DFKMGS, qaar aaminsan Dawlad xumme waxay dhaantaa Dawlad la'aan iyo qaar ku jira sug oo fiiri ( wait and see) oo ilaa hadda ka bad-baadey barakaca ba'an ee ka dhacay xaafadihii dagaalku ka bilowdey, nasiib darro, waxaa la soo sheegayaa inay Kooxaha ka soo hor jeeda Dawladda iyo Ciidamada Itoobiya inay qorsheysanaayaan sidii ay dagaal uga ridilahaayaan Degmooyinka ilaa hadda ka bad-baadey barakaca ba'an, sida Degmada Kaaraan, Cabdicasiis, Shibis, Shaangaadhi, Xamar weyne, Xamar jab jab, Boon-dheere, Wadajir, inta badan Yaaqshiid, qeybo ka mid ah Wardhiigley, Hawl Wadaag iyo Hodan.
Xamar dadku hadda waa isku dhex qaxaa, waayoo dagaalku wuxuu u dhexeeyaa Ciidamada DFKMGS oo kaashanaaya Ciidamada Dawladda Itoobiya iyo Kooxaha ka soo hor-jeeda Dawlad ka dhalata Soomaliya, balse haddii sida aay ku dadaalayaan kooxaha Mucaaradku aay
dagaal iyo barakac ka ridaan xaafadaha hadda nabad-doon, amaa laga daraa oo dagaalku isu bedelaa, dagaal beeleedyo, diba-deedna leesku dhex qixi waayaa.
xamar oo dhan xabaddu haka wada xiinto ma xal-baa loo arkaa mise waa xisaab-tan xummo?,
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Rochester MN