Beryahaan danbeeyey waxaa qalabka war-baahinta gudaha iyo dibadaba laga maqlaayey cabasho ka soo yeereysey xidiggii siyaasadda Soomaliya ee sannadkii 2005kii Md Maxamed Cumar Xabeeb ( M. Dheere) oo cid-kasta oo la socotay siyaasadda Soomaliya shantii ( 5) sanno ee la soo dhaafay ay u qir-san-tahay in uu Maxamed Dheere yahay Aabaha Dawladdaan uu Madaxweynaha ka yahay Col. Abdullahi Yuusuf Axmed.
Balse dadka aqoonta durugsan u leh Mas'uuliyiinta sar sare ee Dawladdaan FKM ah waxay si xoog leh u aamin-san-yihiin in Maxamed Dheere ay Dawladdaan la damac-san-tahay in ay mariso wadaddii la mariyey walalkiis Marxuun Gen. Salaad Gabeyre Kadiye oo curiyey Kacaankii 21kii Oktoober sannadkii 1969kii.
Haddii eey dhab noqoto qiyaasta khubarada ku xeel dheer siyaasadda Soomaliya waxay arrintu noqoneysaa
"HAANTA BILLOW-GEEDU YAHAY CALAW/WASAQ SAL-KEEDAA KA DARRAAN-DOONA" ee haddii la cuno Maxamed Dheere oo ah aabaha Dawladdaan intii ka danbeyseey waa ninkii asaagii loo xiirow soo qoyso.
Taageerayaasha Mudane Maxamed Cumar Xabeeb ( M. Dheere) ee ku nool North America gaar ahaan gobalka Minnesota waxay u soo jeedinaayaan Maxamed Dheere in uu si xarako leh Xilka gobalka G/Sh dhexe ugu wareejiyo Maamulka cusub ee uu dhowaan u soo magacaabey Ra'isal Wasaaraha DFKM ah ee Soomaliyeed Prof. Ali Mohamed Geedi.
Jaaliyadda Mudulood ee ku dhaqan Gobalka Minnesota waxay aad ula yaab-tay labo (2) Baaq Mudulood oo is-barbar socda ( Is-khilaafsan) Jaaliyaddu shir ayka yeelatay labaddaas Baaq ee isbarbar-socday, dood dheer ka dib, waxay Jaaliyadda Mudulood ee ku dhaqan Gobalka Minnesota waxay si buuxda 100% u taageereen Baaqii hore ee ay soo saareen odayaasha talada beesha Mudulood ka go'do oo ay ka soo saareen magaala Madaxda Soomaliya ee Muqdishu, kuwaas oo magacaabey guddi ka kooban 25 xubnood oo uu guddoomiye u yahay Gen. Ahmed Jilacow.
Ugu danbeystii Jaaliyadda Mudulood ee degan Gobalka Minnnesota waxay cambeereyn kulul ka soo saareen DILALKA doqonimada ah ee lagu haayo beesha Mudulood oo uu ugu danbeeyey Marxuun Yusuf Maxamed Dhicisow oo lagu dilay Muqdishu 27/02/07.
DIGNIIN
Jaaliyaddu waxay uga digeysaa Eheladda Marxuumiinta dhawaan la dilay iyo kuwa ka qiirooda xumaanta in ay-na ku deg deg wax go'aan ah illaa laga ogaanaayo 100% kuwa soo diraaya dhalinyaradda baahan ee Daroogadu dilootey ee hal Kiilo oo QAAD ah xitaa Aabahood u dilaaya, balse waxaa la og yahay kuwa soo diraaya in ey leeyihiin u jeedo fog iyo Riyo maalmeed ( Day Dream) oo ay ku soo jireen 16 sanno.
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Rochester, Minnesota.