40 XILDHIBAAN HALA II SOO XIRO XILLI-GEED LAMA JOOGO

By:  

         Mohamoud Ghedi Aw Hilowle Rochester, Minnesota  jowhar53@hotmail.com.
Ra'yi
 April 29/2008
 
Xilli yaal-kaan aad u danbeeyey warar laga soo xiganaayay xafiis-manka, xilalka waa weyn u xil saaran, waxaay sheegayeen in eey xeer ilaalinta  guud ee qaranka inaay qorsheyneyso, xilli aan saas u fogaa doonin inaay soo xiri-doonto afar-tameeyo (40) xildhibaanyo ah, laakin waa xirfad aan socon doonin, waayoo xilli- geedii lama joogo.
 
Haddii xisaabtan yimaado, kuwa xafiismanka sare haaya, ma jiraa Xildhibaan aan wax xumeynin oon dad badan xawda ka goynin, gaar ahaan xigtadiisii amba aan xoolo dad qaadan ee waa ii xalal aan ku xad-reynin?.
 
Sida lawada xusuusan yahay, Ra'iisul Wasaarihii hore ee DFKMGS Prof. Ali Mohamed Ghedi, seddexdii (3) sano ee uu xilka Xafiiska Ra'iisul Wasaaranimo haayey ( 3) jeer ka badan ayaa leysku dayey in la qaarajiyo oo lagu weerarey wax yaalaha sida weyn u qarxa, waxaana ugu darreey labaddii ( 2) weerar ee ka kala dhacey garoonka weyn ee ciyaaraha  steduim Mogadishu iyo agagaarka Hotel Gurguurte ee degmada Yaaqshiid, mogadishu, Somalia.
 
Dhammaan weerarrada kor ku xusan, baaritan dheer ka dib, waxaa la ogaadey inaay  dhammaantood ka danbeeyeen dhowr Xildhibaan oo ka tirsan 275 Xildhibaannida Baarlamaanka Soomaliyeed, weliba qaar ka mid ah, waxay ka mid ahaayeen xukuumaddiisii xilligaas jirtay, balse waxaa leesaga dhaafey inaan lagu jirin xilli la xisaabtamo oo leys Maxkamadeeyo.
 
Waxaa nasiib darro ah,  xukuumadda xilligaan jirta waxay ku jirtaa xilli aad xasaas u ah, waayoo xabadaha mucaaradka  waxaa laga maqlaayaa taako kasta ee Soomaliya ka mid ah, haddii misena  lagu cel-celiyo bilaha soocoda, 40  xubnood oo isugu jira Xildhibaanno iyo Wasiiro ayaa la maxkamadey-doonaa, waxaa loo micneysan-doonaa cimri dheereysi  iyo diidmo Doorashadii 2009ka lagu ballan sanaay, taas oo keeni kareysa in aay kacaan dad badan oo sugaayey doorasho xor ah oo ka dhacda Soomaliya sanadka 2009ka.
 
Xildhibaanaddii dalkow xusus-naada dhowrkii sano ee la soo dhaafey waxaa loo xusul duubaayay siddii dib loogu soo celin lahay Xoriyaddii iyo karaamaddii Soomaliyeed ee lala aay dhowr iyo toban sano,balse ogaada haddii aad u bedeshaan xukun is jecley-siin, wixii xumaada idinkaa xilkeeda qaadi doona, waxaadna ku qornaan doontaan xaan-shi madow.
 
40 Xildhibaan hala ii soo xiro xilli-geed lama joog ee waa in uu xisku taliyo oo uusan talin xukun jeceyn.
 
 
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Rochester, MN.

 

jowhar53@hotmail.com


 

_________________________________________________________