Waxaa
wax laga xishoodo ah sawir gacmeedkii uu
soo ban dhigay AMIIN CAAMIR oo bulshadu
u riyaaqi jirtay, laakiin hadda u muuqda
nin ka shaqaynaaya sidii uu u fashilmi
laha nuurka laga helay 16 sano kadib
magaladii caasimadda ahayd ee xamar,
marka waa ayaan darro taasi.
Haddaan sawirka dib u jaleecno waa sawir
gacmeed ujeedooyin badani ka dhex
guuxayeen, bal aan milicsanno inyaroo ka
mida, waa marka horee banii aadamkii
rabbi xurmeeyey ayuu dameer oo xayawaana
kala mid dhigay, SHEEKH SHARIIF, oo inta
badan mujtamaca aduunku u yaqaaniin
HALYEYGII SOOMAALIDA U SOO BAXAY
QARNIGAAN,
Waxaa intaas dheer in qaabkii
qabyaaladda laga dheehan karo
sawir-gacmeedka, kadib markuu sheekha oo
dameer u eg, oo liijaan bira afka u soo
galiyey, cimaamadiisana kabad uga dhigay,
ayuu sheekh daahir dusha ka saaray,
liijaankiina gacanta u galiyey, cabdi
qaasimna sidoo kale dhabarka ka soo
fuulay, labo daradle cali mahdina harati
lala tuuray, iyadoo waliba baabuurkiisii
sheekhu gacnta ku sido, taasoo loola
jeedo in la hago sheekha, rakuubna laga
dhigtay, taasina waxay ifinaysa
qabyaladda iyo qaabka dabkeeda loo
huriyo.
Marka waxan soo jeedinaa in ninka
sawirkaas mujtamaca soo dhex dhigay in
lagu qaado wixii shareecadu ka qabto,
mujtamaca soomaaliyeed oo islaamka ahna
waa inuu raalli galin u soo jeediyaa
ninkaasi waa A/caamire, waliba wa in
laga mudaaharaada dhacdaan, iyo wixii la
midaba, ilayn qab-qable kan qoriga wata
kaliya mahee, waana in loo soo jeesta
kuwa qalinka wax ku qarribaya oo umadda
isku diraaya, koleyba taariikhdu ma
iloobi doonto cid kasta oo ka qayb
qaadata halaga wadankeena meel ksato ha
joogtee, waana tii cadaladda dhadhamisa
naf kastahi.
Madax
waynihii ugu horeeyey ee wadanka jabuuti
lagu soo caleema saro, kadib markii
rajiimkii lagu qaldamay la kala
cirdeeyey, waxad moodaa inuu cali mahdi
ka mid yahay inta faro ku tiriskaa oo
siyaasadda soomaliya wax laga waydiiyo,
waana nin mas,uuliadda lagu yaqanno,
laakiin xilli kastaba haku soo aadee
waa oday xilligii jabhadaha dhib badan
kasoo maray, walina siyasadda u
nasanaaya, marka isagana sidii uu
sheegay wixii ku dhacay waa mididaadi ku
muday, intaas ayan leeyahay odaygana.
|