ALI MAXAMED GHEDI OO XILKII R/W SI XARAKO BADAN U DHIIBEY

By:

      Qorre-Mohamoud Ghedi Aw Hilowle-jowhar53@hotmail.com
                        Rochester, Minnesota-31/10/2007
Ra'yi
 October 31/2007
 
Kulan qadka teleefon ah ( teleconference) oo eey yeesheen taageerayaashii Ra'iisul Wasaarihii hore ee DFKMGS Prof. Ali Maxamed Geeddi, taageerayeesha oo kala joogey North America, Europe, Australia, Asia iyo  Africa.
 
Taageerayaasha oo aad u jid-beysney waxay aad u soo dhoweyeen sida xil-kasnimada leh ee uu Ra'iisul Wasaarihii aay aadka u jeclaayeen Prof. Ali Mohamed Ghedi uu xilkii Ra'iisul Wasaaranimo si xarako leh u dhiibey markii eey asaga iyo  Madaxweynihii  markii hore  soo magacaabey Col. Cabdullahi Yuusuf Ahmed eey isku fahmi waayeen habsami u socod-siinta hannaanka Dawladnimo, dhow-rista Axdiga ku meel gaarka ah oo ka kooban 71 qodob iyo geedi socodka nabada.
 
Taageerayaasha oo dhowr daqiiqo ka dib markii uu Prof. Ghedi xilka dhiibey Qadka Teleefonka kula xariirey waxay ugu hanbelyeeyeen Professor-ka wadadda uu marey oo ah waddii uu 40 sano muddo laga joogo  uu marey Adeerkiis Al Xaaji Aden Cabdulle Cismaan ( Aden Cadde) oo ahay Madexweynihii Soomaliya ugu horreeyey isla markaasna noqdey Madaxweynihii ugu horreeyey qaaradda Afrika oo xukun si xarako ah uga dega.
 
Taageerayaashu waxay kaloy Qadka Telefonka kula xariireen una ballan qaadeen hiil iyo hooba qaar ka mid ah: Xildhibaanadii uu Korneyl Cabdulaahi Yuusuf Axmed ku " dhega hadley si jees jees ah markii uu Prof. Geeddi xilka  dhiibaayey".
 
Korneylku Xildhibaanada uu ku dhega hadley waxaa ka mid ah: Xildhibaan Prof. Cabdullahi Sheekh Cismaaciil. Xildhibaan Salaad Cali Jeele, Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax, Xildhibaan Al Xaaji Muuse Suudi Yalaxow iyo qaar kale oo badan.
 
Ugu denbeystii taageerayaashu waxay isku raaceen inay si taxadir badan uga feejig-naadaan haddii uu Korneyl Cabdullahi Yuusuf Axmed soo magacawdo Ra'iisul Wasaare u fuliya rabitaankiisa guracan oo ah Banadir baaruudu haka qiiqdo, Puntlandhina Basiin-keeda ha baarato
 
 
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Rochester, Minnesota.
 

webmaster@calayaale.com

 

_________________________________________________________