TAAGEERO KU AADAN SII DEYSMADA GANACSADE XAAJI ABUUKER CUMAR CADDAAN

By:

      Qorre-Mohamoud Ghedi Aw Hilowle-jowhar53@hotmail.com
                        Rochester, Minnesota-16/02/2007
Ra'yi
 Febr 16/2007
 
Ururka Dhaq-Dhaqaaqa Mideynta Soomaliyeed ee ( North America) iyo dhammaan inta  samaha jecel waxay si aad ah u soo dhoweynayaan una taageerayaan  sii deysmada Xabsiga Kenya laga sii daayey Xaajiga caanka ah ee Soomailyeed Ganacsade Xaji Abuuker Cumar Caamir iyo Wiilkiisa Mudane Cumar Xaji Abuuker Cumar.
 
Laga soo billaabo bur-burkii qaranimaddii Soomaliyeed sannadkii 1991kii , ganacsade Xaaji Abuuker Cumar Caddan wuxuu ahaay illaaliyaha Xaquuqul aadamiga ee Soomaliya gaar ahaan caasimadda Soomaliya ee Muqdishu sidaas darteed aad iyo aad ayey  shacabka Soomaliyeed uga xummaadeen Xiriga Xaaji Abuuker Cumar Caddaan oo ku xirraay Xabsiga Kenya Jan. 6 illaa Feb. 15, 2007.
 
Xilligaan gudaha Soomaliya qofka fiic-naantiisa laguma xushmeeyo, balse Xaji Abuuker Cumar waxaa xushmad iyo qadarin ugu filan, farxaddii iyo rayn rayntii eey muujigeen dhammaan Jaaliyadaha Soomaliyeed ee ku nool qurbaha gaar ahaan ( Europe iyo North America) oo markii eey maqleen sii deysmada  Xaajiga iyo Wiilkiisa, waxaana farxad iyo Alle u mahad-celin darteed 260 qofood Salaatul Shukri ugu Dukatey Masjedka weyn ee Abuubaker Al Siddiq ee magaaladda Rochster, Minnesota.
 
Ururka Dhaq-dhaqaaqa Mideynta Soomaliyeed ee ( Norht America) wuxuu halkaan ammaan ballaaran uga soo jeedinaayaa dhammaan intii ka qeyb qaadatay sii deysmaddii Xajiga xushmadda mudan, gaar ahaan Eng. Cabdulkadir Mohamed Nur ( Enow) oo ah Aqoonyahan Soomaliyeed oo waxgarad ah kalana garan kara Maanta, Berri iyo Shaley, Mudane Farah Macallim  ( Darawal) oo ah siyaasi aad looga qadariyo Kenya, Soomaliya, Afrika oo dhan iyo North America, Xafiiska Shariif Dhegaweyne, Nabaddoon Cali Xasan iyo dhammaan Jaaliyadda Soomaliyeed ee ku nool Nairobi Kenya.
 
Xaaji Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
U.DH. M. S. N. A.
Rochester, Minnesota.

webmaster@calayaale.com

 

_________________________________________________________