Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimadda iyo
Cadaalada
waxeey ku baaqaayaan,aduunka si rasmi ah u
gaarsinayaan
Sameeynta Baaritaano heer Caalami ah oo lagu
ogaanaayo,
laguna qiimeeynaayo Heerka iyo nooca Xasuuqyada
waaweyn ka Dhacay
Dalka Somaaliya,Gaar ahaan Caasimadda Muqdisho iyo
Gobolada ku
Xeeraanba,eeyna geeysteen:-
1-Ciidamadda Gumeeysigga Itoobiya.
2-Ciidanka Dowlada Federaalka(Rajiimka Xaaranta
ah).
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed oo ka duulaayo
Warbixintii
Khubaradda Xuquuqda Bani-aadamka ee Ururka Midoowga
Yurub,wararka
Xaqiiqadda ah oo sida joogtada ah looga helaayo
Magaalada Muqdisho
iyo Warbixin maalmeedka Isbitaaladda,waxeey ku
kalsoon yihiin oo
eey Qiraayaan in Xasuuqyo Badan, xad dhaaf ah
halkaas ka dheceen
welina ka socdaan,kuwaas oo u ka baxaaya sidan:-
*Xasuuqyo Dileed,Gumaad Xad dhaaf ah(2.000)
*Duqeeynta Tooska ah iyo mida aan loo meel dayeeyn.
*Fara-xumeenta(Kusashada Haweenka Somaaliyeed,gaar
ahaan Gabdhaha
Da,dood aad u yar tahay(50.Gabdhood).
*Qafaaladda iyo Af-duubidda
Aqoonyahanka,Culimaa'udiinka iyo Dadka
loo Nisbeeyo Taageeridda Maxaakiimtii
Islaamiga(Ilaa 10.000).
*Bara-kicinta Dadweyne gaaraayo Ilaa(850.000)si
weyna ugu Dayacan
Duleedada Caasimadda Muqdisho,loona diiyeey
Hey'adihii Gargaarka.
*Ku Xadgudbida Xoriyadda iyo Madax banaanidda
Warbaahinta.
*argagax gelinta Guud ahaan Bulshadii Deganeeyd
Caasimadda.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey halkan Eedo cadaan
ah
uga soo jeedinaayaan una aqoonsan yihiin
Masuuliyadda
Dagaalka iyo Xasuuqyadda ka dhacay,welina ka Socda
Gudaha Dalka
Somaaliyeed-Shakhsiyaadkan:-Dhanka
Somaalidda.
*Madaxweyne-C/Laahi Yuusuf Axmed(Yeey).
*Ra'iisal Wasaare-Proff-Cali Max'd Geedi.
*Af-hayeenka Barlamaanka-Sh.Aden Madoobe.
*Wasiirka Arrimaha Gudaha-M.Maxamuud Gacma-dheere.
*Wasiirka Gaashaandhigga-Col-Barre Aden
Shire(Hiiraale)
*Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka-Gen-Ini Libaax Sanka
ka Taabte.
*Wasiir Ku Xigeenka Gaashaandhigga-Salaad Cali
Jeelle.
*Wasiirka Waxbarashadda(Ex-Wasiirkii
Arr.Debedda)Proff-Buubaa.
*Col-Saciid Dheere.
*Col-C/Risaaq Af-Guduud.
*Iyo Taliyaasha Guutooyinka Xasuuqa Wadda.
-Dhanka Rajiimka ama Dowladda Gumeeysiga
Madoow(Itoobiya):-
*Ra'iisal Wasaaraha Rajiimkaas-Nelez Zanaawi.
*Wasiirka Arr.Debedda.
*Wasiirka Gaashaandhigga.
*Madaxweynaha Sawirka ah.
*Af-Hayeenka Golaha Barlamaanka Itoobiya.
*Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Itoobiya.
*Abaan-duulaha Ciidanka Xooga Dalka Itoobiya.
*Taliyaha Ciidanka Itoobiya ee ku Soo Duulay
Somaaliya.
*Taliyaasha Guutooyinka,Abaan-duulayaasha Iyo
Saraakiisha
Ciidankaas Wada oo Sida tooska ah Masuul uga ah
Xasuuqyadda ka
Dhacay iyo kuwa weli ka Socdaba.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey Eedeen iyo
Cambaareeyn
Weyn dusha ka saaraayaan,una aqoonsan yihiin
Dembiilayaasha sida
Tooska ah u Sharciyeey
Xasuuqyadda,Gumaadka,Tacadiyadda iyo guud
ahaan Dhibaatooyinka fara badan oo laga gelaayo
Ummada Somaaliyeed
Madaxdda Dowladaha ku Bahoobeey Urur
Goboleedka(IGAD),gaar ahaan-
Dalalka-Kenya,Ugaandha,Sudaan iyo Dalka Jabuutiba.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey Dhanbaalkan
u gudbinaayaan
Qaramadda Midoobeey,Ururka Midoogga Yurub,Jaamacada
Carbeed,Ururka
Midnimada Afrika,Golaha Shirweynaha Dowladaha
Islaamka Iyo Ururada
Madaxa banaan ee Xuquuqdda Dadka u Doodda.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey ku dhiiri
gelinaayaan guud
ahaan Golayaasha Illaalinta Xuquuqdda ee ka Jira
Dalka Somaaliya
in eey Gartaan Masuuliyadooda Qarameed iyo
Akhlaaqeed,si joogto
ahna u diiwaan geliyaan Dhacdooyinka iyo Falalka
Xadgudubeed ee
ka Dahcaayo Gudaha Dalkeena Hooyo,Sidoo kalle
waxaanu Dadka
Somaaliyeed gaar ahaan aqoonyahanka Qurbaha jooga
ugu baaqeeynaa
in eey Doorkooda qaataan,si midnimo leh ugu howl
galaan Difaaca
Dalkooda hooyo.iyagoo kaashanaaya aqoontooda,waayo
aragnimadooda
iyo Xiriirka eey Aduunka la leeyihiinba.
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Af-Hayeenka Guud-
-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada
Iyo Cadaaladda.
-England-UK- 25/04/2007-
