UMMADDA SOMAALIYEED IYO ARGAGAXISO KALA DHEER.

By:

                    Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)
                             Huddersfield-England-01/11/2007
Ra'yi
 November 01/2007
 
 
   Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada iyo Cadaalada
Codka Xaqa Difaaca,Illaaliyaha danta guud iyo maslaxadda
Qarameed ee Ummadda Somaliyeed,wuxuu halkan ku cadeeynaayaa
Beesha Caalamkana ku wargelinaayaa Qodobadan hoos ku cad:-
 
 
   1-Dalka Somaaliya Guud ahaanba ma Joogaan kama jiraan
Wax la yiraahdo Kooxo Argagaxiso ah ama Shakhsiyaad lagu
Tilmaami kara in eey Xiriir la leeyihiin Ururo Xad-jir ah
gaar ahaan kuwa hadda sida tooska ah Farta loogu fiiqo.
 
 
   2-Bulshadda Somaaliyeed waa Dad Muslin ah,Ehel Wasad ah,
Nabad,Samaanta iyo Soo Dhoweeynta ku wanaagsan,ka fog guud
ahaanba Naceeybka iyo Colaadda Diimeed ama Cunsuriyadda.
 
 
   3-Ummadda Somaaliyeed ma laha Aragtidda Argagaxiso-nimo
mana aha hab Dhaqameed lagu yaqaan,soo yaalka Taariikheed
kuma jiro Cadownimo iyo Habka Is-miidaaminta ah,laakiin waa
Ummadda Diintooda,Dalkooda iyo Xoriyada Jeceyl.una taagan
Difaaceed,waana Xaq iyo Xeer Sharci ah.
 
    4-Ummadda Somaliyeed iyaga ayaa lagu hayaa Dhibaatooyin
Xad dhaaf ah,tacadiyo iyo Argagax gelin Habeen iyo Maalinba
oo eey wadaan Ciidanka Gumeeeysiga Dalka qabsaday iyo kuwa
u Adeega Meleeshiyaadka Rajiimka Heshiiye Shaqaalaha u ah:-
 
*-Xasuuqyo.
*Gumaad Xad dhaaf ah.
*Gabood Fal joogto ah.
*Bara-kiciin Balaaran.
*Fara-Xumeeynta Haweenka Somaaliyeed.
*Dhaca iyo Boobka Hantidda Dadweynaha.
*Afduubka iyo Qafaalashadda Culimaaudiinka,Aqoonyahanka
Iyo Waxgaradka Somaaliyeed.
*Cabudhiinta iyo Xakameeynta Saxaafadda,Warbaahinta iyo
Guud ahaanba Xoriyadda Cabiridda Rayigga.
*Ugaarsigga Shakhsiyaadka Qiimaha Dalka u leh.
 
 
    5-Dalka Somaaliya kama jiraan Xeryo ama kaamam tababar
oo Kooxo Argagaxiso ahi adeegdasaan,mana joogaan Macalimiin
ama Khubaro ku xeel heer Howlaha Farsamo ee adeegsiga habka
Howl galka Argagaxisada,Eedeeynta Shakhsiyaadka Somaaliyeed
Loo soo jeedinaayo waa Been abuur iyo Sheeko mala awaal ah
mana jiro wax cadeeyn ah la raaci karaayo.
Naftiihure    
 
    Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu Aduunka u qeexaayaa in
Aragagaxisadda lagu sheego ama looga tuhun qabo eey ku
Sugan yihiin Dalka Somaliya tahay Sheeko Beeneed iyo Qorshe
Ujeedo gaar ah laga leeyahay,eeyna ka dameeyaan Dowladdo
ku caan baxay Colaadda iyo hamigga Gumeeysiga sida:-Dalka
Itoobiya Iyo Gumeeysiga Cusub ee Aduunka Mareeykanka,waana
la wadda ogyahay in Qiilka Argagaxisadu yahay Qaabka Cusub
oo lagu adeegto,Aduunkana lagu qasaayo xiliyadan Damme.
 
 
  Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu ugu baaqaayaa Ururadda
Caalamigga ah,Bahdda Saxaafadda iyo Cidii Daneeysa Nabadda
Iyo Deganaanshaha Aduunka in eey booqdaan Somaliya Runtana
Indhahooda ku soo arkaan,Markaas kadib qiimeeyaan Go'aana
ka gaaraan Xaqiiqadda eey soo arkaan.
 
 
   Dhaq-dhaqaaq Somaaliyeed Nabada,Midnimada Iyo Cadaalada
waxeey si cad uga soo hor-jeedaan guud ahaan ficiladda ama
Howlaha Argagaxiso oo ka Dhaca Cifiryada Aduunka iyo kuwa
Hadda ka Socdda Dalka Somaaliyeed laguna Dhibaayo Ummadda
Somaaliyeed Masuulayeeda eey wada jir u leeyihiin:-Rajiimka
Fadhiidka ah,Dowladda Itoobiya iyo Dalka Mareeykanka,
Dhaq-dhaqaaqu wuxuu ku baaqaayaa in Baaritaano heer caalam
ah lagu sameeyo xadgudubyadda ka dhacay,welina ka socdda
Dalka Somaaliya,cida ka masuulka ah loo diyaariyo Maxkamad
Caalami ah.
 
 
 
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.
-England-UK-31/10/2007-

________________________________________