Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada iyo
Cadaaladda
waxeey si buuxda u taageerayaan, una soo
dhoweeynaayaan Go'aanka
ama Baaqo talo ahaaneed kuna saabsan Dowladda
federaalka Somaaliya
oo eey ku tilmaameen mid aan jiriin.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey qiraayaan in
Rajiimka hada ka Taliya Dalka Somaaliyeed wuuna
Hogaamiye-Mudane-
C/Laahi Yuusuf Axmed aheeyn Dowlada Somaaliyeed oo
sharci ah,ama
Dowlad Qarameed Somaaliyeed,laakiin tahay Maqaar
saar eey soo
Dhoob-dhoobeen Ururka Igad, hadana noqotay Maamul
Goboleed ka
Tirsan Dalka Itoobiya iyo Hogaaminta
Keli-taliye-Zanaawi.
Anigoo ah Af-hayeenka Dhaq-dhaqaaqa
Somaaliyeed waxaan si
Buuxda u aaminsanahay Aragtida Danjire-Cizat Mufti
ku xigeenka
Madaxa Siyaasadda Ururka Caalamka Islaamka uu
wareeysi uu siiyeey
Wargeeyska Alwadan oo ka soo baxa Dalka Sacuudiga
ku cadeeyeey Arigtada dhabta ee Ururkaas,Dalka Somaaliyeedna u aqoonsan
yihiin
Dal la qabsaday oo gacanta u galay Dalka
Itoobiya,lumiyeey Madax
Banaanidii iyo Xoriyadiiba, waana aragtida
Ururkayagu qabo,waana
mid cad oo aqlabiyadda Ummada Somaaliyeed wada
arkaan.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey ugu
baaqaayaan Ururadda
Caalamiga ah iyo kuwa Xuquuqda Bani-aadamka in eey
u howl galaan
Sidii baaritaan heer Caalami ah loogu sameeyn lahaa
Falalka ama
Dembiyada Xasuuqeed ka dhacay Dalka Somaaliyeed,
masuuliyadeedna
eey leeyihiin-Mareeykanka,Itoobiyaanka iyo Rajiimka
Maqaar saarka
oo Magaca Somaaliyeed wata.
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Af-Hayeenka Guud-
-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada
Iyo Cadaaladda,.
-England-UK-02/05/2007-
