Shebekadda
ama Mareegta macluumaadka casriga ee
Paltalka 9.1 waa aalad Aduunka ku soo hordhisay
hanaan cilmiyeed
leh horumarkiisa iyo Xadaaradiisa, si weyna u
fududeeyeey xiriirka
Bulshadda Caalamka hab Maqaleeed,Qoraaleed iyo
aragtiba kuna xiran
Damiirka,Dadnimadda iyo asluubta adeegsadaha.
Hadaba Aalada Paltalka waxaa ka jirra Qolal
badan oo Somaliyeed
oo magacyo kala duwan wata,ujeedooyinkooduna kala
nooc.waxaan oran
karaa Cajab iyo Cajiib iyo la yaabka yaabkii,hadii
aan sawir ka
bixiyona ma heli karaayo tilmaan ama astaanta loo
soo qaadan karo
oo aan ahayn meel noocnyo badan,ceebteedu badan
tahay wanaaguna si
weyn ugu yartay,goob anshax xumo mubaax tahay,golle
ceebeed ceeydu
Xalaal tahay,hooyga dhaqan xumada,Qabyalada,cuqdada
iyo cudurka la
Degeey Ummadda Somaaliyeed laga faafiyo,Sidoo kalle
waxaad ka heli
kareeysaa Qolal xadidan oo xurmadooda,maqaamkooda
iyo sharftooda
leh,waxna lagu kala faa'iideeysto sida-QOLALKA
DIINTA ISLAAMKA oo
Duruus,Muxaadaraad iyo Wacyi gerlin Dinteed ka
Socdaan,runtiina ah
Qolol ahamiyad weyn u leh Dadka Somaaliyeed intooda
Wanaagsan oo
Jeceyl Barashada Diintood iyo maqalka Hanuunka,Waa
Mahada Alle iyo
Garashada iyo Dadaalka Maamulka Qolalkaas oo
amaantooda mudan.
Qormadeeyn Kooban ayaa ku saleeysan Qol leh
hanaan iyo qaab
kalle oo guud ahaanba ka Duwan kuwii aan
qeybta kowaad ku sheegay
oo Qolalka Fasaadka iyo Lunsanaanta,Qolkan
Cinwaankiisu waa:QOLKA
AQOONYAHANKA IYO INTA AQOON DOONKA AH,Marka
aad soo gashoba
Waxaad la kulmeeysaa hanaan wanaagsan soo dhoweeyn
diiran iyo Hab
Asluubeed gaar ah oo ku soo jiidanaaya oo
Dareenkaagu mudnaan iyo
Ahamiyad weyn siinaayo, isla markiiba aad dhegta la
raaceeyso ama
Xiiseeyno Mowduuca Qolka ka socda iyo habsamida
Dalka, Asluubtooda
iyo hanaanka kala dameeynta, hufnaanta qoowlka, is
qadarinta iyo
Milgo gobeedka goobta ka jirta,waxaadna is
weeydeeyniisaa Paltalka
kale miyaad saa gasahay mise waa midkii caadiga
ahaa.xiiso weyn
ayaa ku qaadaaya,dhagaha oo aad furto iyo Gambarka
oo aad si wacan
ugu fadhiisato,isla markiiba aad illoowdo goobtii
ceebta iyo ceyda
ama Xarumihii Qabyaaladda qaawan,Qolkaas
Aqoonyahanka Aayaarta ama
Shakhiyaadka joogaa waa Dad caadi ah kuna kala
sugan cirifyadda
Aduunka-Qaaradaha-Yurub,W/Mareeykanka,Aasiya iyo
Afrika aqoontoodu
leedahay heerar kala duwan, kuna mideeysan
Garashada Wanaagsan iyo
Damiirka Caafimaadka,Qiirada Wadaniyadeed xalaasha
ah iyo Qiimaha
Asluubtooda oo heer sarre ah.
Qolka Aqoonyahanka Iyo Inta Aqoon Doonka ah
waa hooyga iyo
Goobta laga heli karaayo Mawaaduuc,Arrimo iyo Doodo
Nadiif ah oo
ku Saleeysan Danta guud iyo maslaxada
Ummadeed,waxaana ka reeban
Waxyaabahan:-
1-Qaybaaladda.
2-Siyaasadda Ciladeeysan.
3-Naceeybaka iyo Cunsuriyadda.
4-Af-lagaadada iyo Akhlaaq Xumadda.
5-Goboleeysigga Iyo ragti Kooxeedka
Khariban.
6-Sheekooyinka Ashaxa Xumada ah.
7-Iyo Guud ahaanba wixii Lid ku ah
Shareecadeena Islaamka.
Hadaba Anigoo Qoraa Somaliyeed ah,si weyna u xeeriyaa guud
ahaanba wixii faa'iido u leh Ummadda Somaaliyeed,
kuna Saleeysan
Danaha guud iyo wax ka qabashadda Dhibaatooyinka
faraha badan oo
ka Jirra Dalkeena Hooyo iyo kuwa sida gaarka ah u
heeysta Bulshada
Qurna jooga ahba,Waxaan halkan Amaan Bogaadin iyo
Hambalyo uga soo
Gudbinaayaan Maamulka iyo Xubnaha Qolkaas oo
Tusaale fiican u ah
Bulshada Somaliyeed intooda Caafimaadka
Qabo,Garanaayo,Qadarinayaa
Somaalinimada,Qaran-nimadda iyo Xurmadda iyo
Wanaaga Dalkeena iyo
Dadkeenaba,iskuna baheeystay daacadnimo,Xeerinta
Aqoonta,Garashada
Doorka iyo kaalinta weyn iyo Aqoonyahanka,Waxaan ku
boorinaayaa oo
Kula Talinaayaa Bulshadda Somaaliyeed inta Jecel
Wanaagsa,Xurmadda
iyo ka faa'iideeysiga waqtigooda qaaliga ah in eey
Galaan qolkaas
kuna Xirmoon Dadkaas Wanaagsan, kuna soo bandhigaan
Fikradahooda
iyo Aragtidooda wanaagsan si loo helo Tallo
Wanaagsan,wax ku ool
ah kana nadiif ah cuqdadda,Cudurka Qabyaaladda iyo
guud ahaanba
Waxyaabaha Dalkeena iyo Dadkeena Halkaas
dhigay,Dood Xoriyadeeda
Hufnaanteeda iyo qiimaheeda leh soo dhoweeynta ku
haboon ayeey
heleeysaa,Aragtiduna weey kala duwanaan kartaa.
Gunaanadka Qormadan Gaaban-Hambalyo QOLKA
AQOONYANKA IYO INTA
AQOON DOONKA AH-Paltalka Qeybta Somaaliyeed,Xurmo
iyo Qadarin weyn
Qolaka Diinta Islaamka,Ceeb iyo Xumaanta kuwa
Fasaadka iyo Camalka
Xun ku Sifoobeey, Xisaabta Alle meesheeda Wanaag
iyo Xumaanba.
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-England-03.06/2007-
