Fadlan-Ka Qeyb Gala Olollaha Sadaqo Ururinta Axadda Iyo London(05/05/2007).

By:

               Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)
                        Huddersfield-England-04/05/2007
Ra'yi
 May 04/ 2007
 
Anigoo ah Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-Muwaadin Somaliyeed
Qoraa si joogto ah ugu soo bandhiga Aqlabiyada Shebekadaha intooda
Badan,weliba kuwa leh aragtida Wadaniyadeed,Damiirka Somaaliyeed
iyo Hanaanaka Saxaafaxeed Maqaalo iyo Qormooyin ku saleeysan ama
ka turjumaaya Danaha guud iyo maslaxada Ummadeed,weliba xaaladda
Cakiran ee Dalkeenii hooyo ku jirro waqtigan adag oo Gumeeysigu ku
amar taagleeynaa iyo Khaayiniinta Magaca Somaaliyeed Wata.
 
 
     Hadaba Anigoo Akhristayaasha fara badan iyo guud ahaan Dadka
Somaaliyeed ee xalaasha ah,dameenka nool,Damiir iyo Qiirada Dal
Jceylka ah leh(Wadaniyiinta dhabta)ee Aduunka Cifiryadiisa kula
Daadsan waxaan halkan uga soo jeedinaayaa Baaq Bani-aadaminimo oo
ku saleeysan Wajiibka Diinta Islaamku ina fadheeyso iyo Garashadda
Wanaagsan oo Dadnimadu dhigeeyso in eey ka Qeyb galaan Olollaha
Ururinta Sadaqada lagu caawinaayo Dadka Somaaliyeed ee sida weyn
ugu Tabaaleeysan Caasimadeena Muqdisho iyo Degaamadda ku xeeran oo
Duruufaha Qalsani weyyntaan-Haweenka,Ubadka Yer-yerka,Waayeelka
Iyo Guud ahaan Boqolaalka Kun Cidlada ama Duurka fadhiya,Dhaxanta,
Roobka iyo Dayaca weyni heeysto-waana Walaaleheen,Waa Jirkeena iyo
Dhiigeena waa Ehelkeena-Olollaha Sadaqa ayaa ka dhici doona hadii
Alle idmo Magaaladda Lond Maalinta Axadda 05/05/2007-Cinwaanka
Hoostan ku qoran:-
               Saturday, 5th May 2007 at Bridge Park Community Leisure CentreHarrow Road, London NW10 0RG 4:30 to 9:30pm    
 Somalia Foundation  Tel. 0208 830 3568
07950570231 .
 
        Anigoo Gudanaaya Masuuliyada Diinteed,Qarameed iyo Akhlaaqeed
ee Iga Saaran Dadkeena iyo Dalkeena Hooyo Qaaliga ah,Isla markaana
ka Faa'iideeysanaayaa Xiriirka Wanaagsan iyo aqoonta weyn oo Dadka
Somaliyeed ee Qurbo joogta ahi u Leeyiihin Magaceeyga-Xassan Carab
Iyo Qoraaladeeydaba ama inta Codkeeyga ka Mashada Idacadaha Waxaan
Si Xurmad leh leh,Kalsioosi leh,Islaanimo leh,Somaalinimo leh uga
Codsanaayaan ama ugu boorinaayaa ka qeyb qaadashada Olollahaas
Sadaqo Ururinta ah oo aan Rajeeynaayo in uu noqdo mid guul weyn
laga gaaro, sida ku haboona looga soo qeyb galo.
 
 
    Waxaan halkan Amaan iyo Bogaadin uga soo jeedinaayaa Dadka ama
Shakhsiyaadka ama Ururadda is xil-qaamay oo soo abaabulay Howshaas
Weyn,ahamiyadeeda leh,sidoo kalle waxaan ku amaanaayaa Shebekadda
Wadaniga ah ee ONKOD.COM dadaalkeeda iyo Dareenka Wadaniyadeed ee
Maamulkeeda iyo Guud ahaan Bahdda www.onkod.com Fadlan ka Daalacda
Ogeeysiska iyo Macluumaadka dheeraadka oo Arrintaas ku saabsan iyo
Faafaafintaba www.onkod.com  .
 
     Waxaan si gaar ah Fariintan ugu adkeynaayaa Haweenka Iyo
Dhalinyaradda Somaaliyeed oo ah kuwo leh ama laga Heli karaayo
Dariimka Nool iyo Qiirada Wadaniyadeed, lana Orab karaayo weey ka Caafimaad Qabanaan Cudurka Dilaaga ah ee Ummadda Somaaliueed
Halkaas Dhigay,Qabyaaladda,Kala Soocida Ummadda iyo Hab Belaayo
Abuuridda ah,waana Kuwa Looga Baahan yahay in gartaan oo guraan
Masuuliyadooda Diineed,Qarameed iyo Akhlaaqeeedba,Ceelna uma Qodna
Cidna uma Maqna Walaalaheena Somaaliyeed ee Tabaaleeysan.
 
 
 
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-England-UK- 03/05/2007-
 

_________________________________________________________