Cambaareeynta Cabudhiinta Iyo Xakameeynta Warbaahinta Muqdisho.
Dhaq-dhaqaaaq Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda Iyo
Cadaaladda waxeey si kuluul u Cambaareeynaayaan Talaabadda
ama Amarka Khaldan oo Maamul ku Sheega Gobolka Banaadir
ku soo rogeeyn Warbaahinta iyo Saxaafadda ka howl gasha
Caasimadda Muqdisho, waa Talaabo ayaan daradeeda leh kana
turjumeeysa Garasho xumada,Cadaadiska iyo Cabudhiinta Guud
ahaan adeegyadda Warbaahineed oo Caasimadda ka jira,ahna
Indhaha,Dhegaha iyo Damiirka nool ee Ummadda Halkaas ku
Sugan oo dhibaatooyinka xad dhaafka lagu hayo.
Dhaq-dhaqaaqu wuxuu cadeeynaayaa in Ujeedada Arrintaas
ka Dameeysaa tahay Daboolida Tacadiyada Ciidanka Gumeysiga
Wayaanaha iyo Meleeshiyaad Beeleedka Rajiimka Fadhiidka ah,
Xalaaleeysiga Dilka,Fara-xumeeynta Haweenka,Boodka Hantida
Ummadda,Xoriyad ka qaadida Culimaa,udiinka,Aqoonyahanka,
Ganacsatadda iyo Guud ahaan wax-garadka Bulshadda,Qarinta
ku xadgudbida Xuquuqada iyo Xoriyada Muwaadinka iyo guud
ahaanba Mashaqadda halkaas ka taagan,waana Talaabo lid ku
ah Xurmada,Hanaanka iyo Habka Madax banaanida Warbaahinta
kana Turjumeeysa in Rajiimku Xoriyad qowlka diidan yahay,Bal
eeg Qodobadda Maamulka Gobolka Banaadir soo Saaray:-


Warbaahinta aysan wareysan Karin qof Mucaarad ah oo kusugan
Magaalada Asmara ama guud ahaan Dibadda.
*- In aanan la sheegi Karin dadka faraha badan ee ka
barakacaya magaalada Muqdisho.
*- In aanan wax war ah laga soo xigan Karin goobjoogeyaal oo
laga xigan karo keliya afhayeenka Gobolka.
*- In lasoo gudbiyo dadka share-ka kuleh idaacadaha,
Tifaftiraha iyo guud ahaan magacyada shaqaalaha iyo shaqadooda.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu ugu baaqaayaa Ururada
Caalamiga ah ee Difaaca Xuquuqda,Xoriyada iyo Xurmada guud
ee Warbaahinta iyo Saxaafada Madax banaan in eey u hiiliyaan
Warbaahinta Dhiban,Xakameeysan,Sida joogtada ah ula kulanta
Dhibaatada ee ka Howl gashada guud ahaanba Dalka Somaliya
gaar ahaan Caasimadda Muqdisho,kuna cadaadiyaan Rajiimka
Dul saarka ku ah Ummadda ka noqosho Talaabaas Guracaan iyo
ka waantoobidda Cabudhinta iyo Xakameeynta Saxaafadda.
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda iyo Cadaaladda-
-England-UK-27/11/2007-
