Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada iyo
Cadaaladda
Waxeey halkan ku soo gudbinaayaan Bayaan ama Baaq
rasmi ah kana
turjumaaya Aragtidooda Wadaniyadaeed, masuuliyada
Qarameed oo ka
Saaran Dalkooda Hooyo iyo Dadkooda Somaaliyeed oo
xiligan ku jira
Xaalad adag,waqtiga Cakiran iyo gacanta Gumeeysiga
Itoobiya iyo
Cawaanta Xulafadiisa ah oo magac Somaaliyeed
sheeganaaya.
Dhaq-dhaqaaqa
Somaaliyeed waxeey ku baaqaayaan
kuna adkeeysanaayaan Qodobadan Asaasigga ah:-
1-In Sida ugu Dhakhsaha badan Dowladda Itoobiya
ugala Baxdo Dalka
Somaaliya guud ahaanba Ciidankeda Duulimaadka
Qaawan, Gardaradda
cadaan ah,xadgudubka weyn ku heeysta,Shuruud la'aan.
2-In Ururadda Caalamiga ah Sida-Qaramadda
Midoobeey,Midoowga Yurub
iyo Jaamacada Carbeed dusha kala Socdaan bixidda
Ciidnaka Itoobiya
si Rasmi ah loo xaqiijiyo arrintaas.
3-In Dowladda Itoobiya ka Soo deeyso Jeelasheeda
Muwaadiniinta
Faraha badan oo Somaaliyeed isuguna
Jira-Culimaa'udiinka,Aqoon-
yahanka,Taageerayaashii Midoowgii Maxaakiimta iyo
Shakhsiyaadka
loo Nisbeeynaayo in eey Qaraabo ama Ehel la
ahaayeen Madaxdii Sare
ee Golohii Maxaakiimta Islaamiga Somaaliyeed iyo
Weriyaashaba.
4-In Dowladda Itoobiya ka Waan-toowdo Fara-gelinta
Xad dhaafka ah
iyo ku xadgudbida Arrimaha Daakhiliga ah iyo guud
ahaanba Arrimaha
Siyaasada Somaaliyeed, Hubeeynta Qabqablayaasha
Dagaalka iyo qaska
Joogtadda oo eey ku heeysta Dalka Somaaliya.
5-In Urur Goboleedka IGAD gacanta kala Baxo
Siyaasada ama Taladda
Dalka Somaaliyeed iyo ku adeegsigeedaba.
6-In Dowladda Kenya ka Dhaafto Ummadda Somaaliyeed
Dhibka weyn oo
eey ku Heeyso Gaar ahaan kuwa Dalkeeda ku ah
Qaxootigga iyo kuwa
ku dhaqan Xuduudka Labada Dal,Isla Markaana
Illaalisi Derisnimada
iyo Walaalnimadda Dadka Somaaliya iyo Kenya.
8-Dowladda Mareeykanka ama Maamulka Mareeykanka
Waxaanu u soo
Jeedineeynaa Talo ahaan in eey Gartaan
Masuuliyadooda akhlaaqeed
farahana kala baxaan Arrimaha Somaaliya iyo
Caqabadaha Waaweyn oo
eey ku curyaaminaayaan Hanashadda Dowladda
Somaaliyeed oo Xalaal
ah,Dalkeeda iyo Dadkeeda u adeegeeysa, kana
waan-toobaan qiilka
Rakhiiska ah ee La Dagaalanka
Argagaxisida-Ujeedooyinka Qarsooni
ka Dameeyeen,lana oran karaayo waa waa Riwaayad
Been-beeneed.
9-Dowlada Federaalka ah(Dhoob-dhoobka ah)waxaan u
soo jeedineeynaa
in eey joojiso Dhibaatooyinka Xad dhaafka ah iyo
tacadiya eey ku
heeyso Ummadda Somaaliyeed, eeyna ogaato kuwa eey
Dowladnimada u
Sheeganeeysaa in eey yihiin Dadka Somaaliyeed oo
eey Xasuuqeeyso,
waana arerin ayaan daradeeda leh,waana lagula
Xisaabtami doonaa
Masuuliinta Sare iyo Saraakiisha Ciidankaba Falalka
eey Geeystaan.
10- Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
waxeey ugu baaqaayaan Dowladda
Federaalka ah(Hadii eey Dowlad Somaaliyeed
tahay) in eey Wax ka
Qabtaan Dhibaatooyinka Faraha
badan,xanuunkooda iyo culeeyskooda
leh oo xiligan heeysta Dadweynaha
Bara-kacay,Tabaaleeysan iyo
kuwo Dowlada iyo Xaliifkeedii Itoobiya
Guryahoodii iyo Hantidiidi
Burburiyeen, iayagoo ka eegaaya Dhanka
Bani-aadaminimada waa hadii
eey Garanaayaan(Shaki weyn ayaa ka Jirra
Heerka Garashadooda iyo
Damiirkoodaba).
11-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu uga
Baaqaayaan,ka Codsanayaa
Ururada Caalamiga iyo Dowladaha Deeqda
bixiya in eey Il-Naxariised
ku eegaan Ummadda Somaaliyeed oo ku jirata
xaalad Cakiran,dhibaato
weyn iyo Dayaca baahsan.
12-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey ugu
baaqaayaan kuna dhiiri-
gelinaayaan Jaaliyadaha Somaaliyeed ee
qurba jooga ah garashadd
iyo Gudashada Masuuliyadooda Diineed,
Qarameed iyo Akhalaaqeed oo
ka Saaran Walaalahooda Tabaaleeysan iyo
Dalkood ku jira Gacanta
Gumeeysiga Itoobiya iyo Cawaanta
Khaayiniinta ah,Taakuleeynta iyo
u gargaarida Dadka Bara-kacay iyo kuwo
Gudaha Caasimada ku Dayacan
waa Waajib weyn oo ina saaran
Dhammaanteeen, Ummaduna la timaado
Isku duubni iyo Wada Jir dhab ah.
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)
-Af-Hayeenka Guud-
-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabad,Midnimadda
iyo Cadaaladda.
-England-UK-05/05/2007-
