Anigoo ah Xassan C/Laahi Sh(Xassan
Carab)kana mid ah
Bahdda Qorayaasha Somaaliyeed ee
Internetka,Qalinkeeyga
iyo Codkeeygana ugu adeega
Ummadeeyda Somaaliyeed,una
Hiiliya Xaqa,danta guud iyo
maslaxadda kheeyrka iyo wanaagu
ku jiraan,faa'iidada ugu fadhida
Bulshadda waxaa si weyn ii soo
Jiiteey Dadaalka weyn iyo
Waxqabadka Hey'adaha Samafalka ah
ee Wadaniga ah(KAFAALO)ku
howlan daryeelka iyo gargaarida
Ubadka Agoonta ah-Masuuliyada
qiimo weyn leh iyo howlo wax
ku ool ah oo qof walba oo damiir
iyo dareen wanaagsan leh ku
abuureeysa taageeridda iyo gacan
ka geeysashada Camalkaas
Kheeyr iyo Ajarka weyn leh-Maasha
Allah.
Waxaan Qalinkeeyga iyo
Codkeeyga ku qiraayaa in Howlaha
Samafalka ah,Hanaanka Shareecada
Diinteena Islaamka,Habka
Dhaqanka Wanaagsan ku saleeysan
yahay mid amaan,bogaadin
iyo ka Qeyb qaadasho mudan,Camal
Samafal Kafaalo Ubadka
Agoomaha lagu daryeelo dhanka:-Caafimaadka,Waxbarashadda,
Hooyga,Nooloshadda iyo
Barbaarintoodaba waana Masuuliyad
Saaran Muwaadin kasta Ehel kheeyr
ah,Garanaayo Agoonnimada
iyo Culeeyska duruufeed oo
heeysta,Agoonta Somaliyeed waxey
Waliidkoodii ku waayeey Dagaalada
Sokeeye(Ayaan darada ah)
oo Dalkeena Hooyo Curyaamiyeey
Hadna Weliba Gumeeysiga uu
Dadkeena ku Xasuuqaayo,Somaaliyeey
bal eeg in Gobol oo eey
Hey'adaha Wadaniga ah ee Kafaalo
ka howl galaan:-
1-Gobolka Galgaduud (Cadaado)
2-Togdheer (Burco)
3-Sanaag (Badhan)
4-Gedo (Ceel-Cade)
5-Somali-Galbeed (Godeey)
6-Waqooyi-Bari Kenya (Mandheera)
7-Jubada-Hoose (Kismaayo).
Maasha Allah-Waa Masuuliyad weyn iyo wax
qabad dhab ah
oo ka Turjumaaya Dareen nool iyo
Damiirka Muslin-nimo iyo
Qiirada Wadaniyadeed Xubnaha ka
Howl gala Kafaalo Somaali
Caafimaad qaba,leh biseeyl
Bani-aadaminimo iyo Garsho Dheer
Allah u Iftiimiyeey Wada Toosan ee
Camal Kheeyrka,Waxaan ku
Boorinaayaa Jaaliyadda Somaaliyeed
Qurbaha jooga ah ka Qeyb
Qaadashada Mashaaricadda
Kafaaladda ee Hey'ada Kafaalo oo
Masuuliyada Diineed,Qarameed iyo
Akhlaaqeed,Fadlan Kafaalo
Qaad Agoon Somaaliyeed oo u baahan
Daryeel iyo Taakuleynba,
Walaal Garo in Ubadka Agoomaha
yihiin Kuweena oo kale,Yihiin
Ubad Waaxeey Waalidkoodii una
baahan Caawinteena,Gar-gaar
Bani-aadaminimo,Fadlan la
Xiriiradda Hey'adda Wadnigga ah ee
Qaad Agoon Somaaliyeed-Kheeyr iyo
Ajar weyna Allah Agtiisa
ayuu Yaalaa,Camalka Kheeyra iyo
Howlaha Samafaleedna waa
Waa Saqabo Joogto ah-Walaaloow ku
Dadaal Kafaalo Qaadidda
-ALLAH MAHAD LEH-
-QORRE-XASSAN C/LAAHI
SH(XASSAN CARAB)-
-ENGLAND-UK-04/01/2008-