Alla Mahad leh,Rasuulkeenii Suubaa
Muxamud(CSW)ayaa Amaan iyo
Ku Dayasho Wanaagsan leh,Somamidimada ayaa
Karaamadeena,xurmadeeda
Iyo Maqaamkeeda Sarre leh, Dulinimo,Daciifnimo
iyo Xumaanba waxaa
leh Gumeeysiga iyo kuwa u
adeegaayaha(Xisaabtuna Waqtigeeda).
Taariikhda
Somaaliyeed waa mid taxane ah Heerar
Iyo Waqtiyo kala duwan soo maray, halgan
Ummadeed Sharftiisa lehna
soo galay Hanashada Xoriyadda,madax banaanidda
Qaaliga ah,Naf iyo
Maalna lagu waayeey,Dhibaatooyin badan loo soo
maray,Halyeeyo iyo
Geesiyaal Somaliyeed hogaanka u soo qabteen
iyagoo kaashanaaya ama
ku tiirsan Shacabkeeda duhur cadna u bareereen
Gumeeysigii dowlado
Aduunka Awood Cuduud,Aqooneed iyo dhaqaalle ku
sheeganaayeey ama
la oran karaayeey Heeymanadda Caalamka
sida-Ingiriiska,Talyaanigga
iyo Gumeeysiga Madoow Itobiyanka oo ku amar
taagleynaayeey Dhinaca Afrika Taageero weyn ka heeysteen Caalamka
Masiixiga ahaa,Waxaa in
la Xusi Mudan:-Halgankii Halyeeyaddan:-
-Halyeey-Imaam Axmed Guray.
-Halyeey-Sayid Maxamed C/Dalla Xassan.
-Halyeey-Sh.Bashir.
-Halyeey-Sh-Xasan Barsane.
-Halyeey-Faarax Omaar.
-Halyeey-Yuusuf Samatar.
-Halyeeyadii-Lafoolle.
-Halyeeydii-Dhalinyaradda(SYL),Hadaba
Xoriyadda Dalkeena kuma
Imaan howl yarri,Deeqna loo bixin,Dukaana
lagama soo iibsan Waxaa
ku soo daatay Dhiiga Wadaniyiinta,waxaa loo
hudhan Dhaqaale badan
oo hantidii Dadka,waxaa lagu soo muteeystay
Xarig,Masaafuris iyo
Ciqaab Jireedba(waana lagu Naafoobeey),isla
markaan weey jireen
khaayiniin iyo kuwa daba dhilif gumeeysi
ahaa,sida kuwan Gumeysiga
Soo Hogaamiyeey,Diintooda ku ridoobay,Ummadiina
Xasuuqaaya isla
Markaana lana Sheeganaaya Somaalinimo.
Hadaba
Maanta waxaa ayaan daradeeda leh in lagu
Barbaarinaayo, laguna hanuuninaayo sida
Quraankana loogu dhigaayo
Ubabka Somaaliyeed(meelaha Qaarkood)Taariikhdi
beeneed la qurxiyey
laguna amaanaayo Gumeeysiga Madoow ee Qaaradda
iyo Geeska Afrika
Itobooyankaa Injirta badan,waxaa
naxdiinteeda,xumaanteeda.dhaawac
Qarameedkeeda weyn leh in la yiraahdo-loona
macal qabaanaau Ubadka
Yer yerka ah Mustqabal iyo aayaha Dalkeena iyo
Dadkeena Sheekooyin
Oranaaya:-Itoobiya iyo Somaaliya waa
Walaalo,Hal Qoomiyad,
Waana Ummadda Keliya iyo waxyaabo la
mid ah majaro hababiin
ah,lumin ah,lid ku ah Diinteena
Xaniiska ah iyo Xurmadda
Ummadeena,Jiritaanka Qaranimadeena
qaaligga,Ayaan Darro weyn
Dheh,Maalmo madoow dheh,Taariikhdi lumin
dheh,ooy oo Albaabkaaga
Xirro dheh,Laakiin Maya,Walee Maya,Geesiyaal
badan oo Damiirkoodu
Nool yahay,Qiiradooda Wadaniyada Xoogan
tahay,Diinta Iyo Dalka u
Taagan ayaa Jirra Sida-Barre-Xurmada-MAXAMED
JIBRIIL,DHULMIDIID
iyo Malaayiin dhigooda ah,kana gilgilanaaya
Gumeeysiga iyo guud
ahaanba wixii lid ku ah Jiritaanka Qarankeena
Somaaliyeed,Ogolaan
Kareeyn been ka sheegida Taariikhda Ummadeena
iyo Walaaleeysigga
Qushaasha.
Waxaa Waalidiinta Somaliyeed xalaasha ah
la gudboon Gurashada
iyo Gudashada Masuuliyadooda weyn ee ka saaran
Ubadkooda,Iftiinka
Indhahooda,farxadooda weyn oo ah deeqa weyn
Raxmaanku ina Siiyeey
Mahad-celina u baahan,in lagu barbaariyo
tarbiyada Suuban Diinta
Islaamka iyo Barida Taariikhda Wanaagsan ee
Dalkooda.laga ilaaliyo
Wixii haleeynaayo ama khalkhal gelinaayo
Maskooxdooda nadiifta ah
kuna beeraayo fikrad khalda khaldan oo
gumeeysigu maleegaayo oo ah
In Jiilka Mustaqbalka noqdaan kuwo Codowgu
yeesho,Walee diidneey,
oo diidneey Gumeeysiga qorshihiisa, xeeladiisa
iyo heeryadiisaba,
Diidneey Walee Diidneey.
Ubadka Somaliyeedna waa Jiilka Mustaqbalka
Hogaanka Dalka
Hadii Alle idmona gaarsiin doona meesha ku
haboon iyo Xoriyad ama
hanashadda xoriyadda dhameeys-tiran,hanaan
Siyaasadeed xaq ah leh
Cadaaladiisa,sinaan iyo Qiiro Wadaniyadeed dhab
ah,gaashaankoodu
Noqonaayo Shareecadda Diinta Islaamka,Marna ma
dhaceeyso in Barri
Hogaamiyaashu noqdan adeegayaal Gumeeysi
kaashadayaal oo Dadkooda
Xasuuqayaal sida kuwa hadda Madaxdda Dowladeed
sheeganaaya oo kale
mana ogolaan kareeyaan Ummada Somaaliyeed ee
Xalaasha ahi Luqadda
iyo Sunta Gumeeysiga oo eey weliba faafinaayaan
Kuwo nala Wadaagga
Diinta iyo Somaalinimadda,Kuwa Garasho xumadu
siisay in ee Ubadka
u soo Talqiimaan Sheekooyinka iyo Riwaayadaha
been beenta ah,kuwa
ku ridoobeey Diintooda iyo Jiritaanka
Qaran-nimadooda,Kharashka
ku Qaadanaayo Luminta Ubadkooda iyo Tirtirida
Taariikhda Dalkooda
kuwa Qabyaaladda,Cuqdadda iyo Cudurka xun
qaaday,kuwa mudan in la
Gubo,Ummdana laga Dhex saaro.
Gunaanadka Qormadan Waxaan ku boorinaayaa
Waalidiinta iyo
Guud ahaan Dadka Aqoonta leh gaar ahaan
Tarbiyadda Waxbarashadda
iyo Qeybaha Saxaafadda,Warbaahinta iyo
Hor-joogayaasha Gudiyadda
Somaaliyeed ee Qurba jooga ah in eey gartaan
isla markaana gutaan
Masuuliyadda Diineed,Qarameed iyo Akhlaaqeed oo
ka saaran Hanaanka
Wanaagsan ee Barbaarinta iyo Tarbiyeenta
Wadaniyadeed ee Ubadka
Soo Koraaya,kana illaaliteen Sunta xanuunkeeda
leh ee Cadowga iyo
Adeegayaashiisi kula Dhex jiraan,Allah
Mahad,Rasuulkeenii Suubanaa
(CSW)ayaa Xurmo iyo ku Dayasho
leh,Somaalinimadda iyo milgo gobeed
leh,Codowgga iyo inta Raacday iyo Ceeb iyo guul
darro leh.
-Qoore-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-England-UK- 05.06/2007-