Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada iyo
Cadaaladda
waxaa u sharaf ah, farxad weyna u ah in eey halkan
amaan iyo
Bogaadin uga soo gudbiyaan-Marwo Sahra Xuseen Muuse
oo degan
Dalka Holland,ahna Muwaadinad Somaaliyeed oo ku
Guuleeysateey
Abaal-maerinta gaarka ah oo eey Bixiso Boqorada
Dalka Netherland.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed oo soo
dhoweeya,taageera guulaha iyo
Wax qabadka qiimaha leh oo eey la yimaadaan Dadka
Somaaliyeed ee
Gudaha iyo Qurbaha ku kala nool iyo guud ahaan
wixii sharf,wanaag
iyo sumcad wacan ku soo kordhiya Ummadda
Somaaliyeed, una adeega
Danahood,Sahra Ayaa Tusaale wanaagsan u noqotay
Dadkeeda iyo Dalka
Somaliya,hab Dhaqameedkeeda Wanaagsan oo waafaqsan
Diinta Islaamka
iyo dhaqankeeda Somaaliyeedba, waana guul ka
farxisay Jaaliyadda
Somaaliyeed oo Dalka Holland ku nool,korna u
qaadeeysa Maqaamkooda
iyo doorka eey Bulshada ama Muctamaca ku
leeyihiinba,Sahra oo ku
Caan ah Magaca-SAHRA SAMAWADA
ayaa runtii ah Samawada dhab ah,
Waxaana Qadarin iyo xurmeeyna mudan Farqigga u
dhexeeya Marwadaas
iyo kuwo kalle oo hanaan Khaldan, Wada
Xun qaaday,lidna ku noqday
Diintooda iyo Dadkooda Somaaliyeed kuna Dameeyeey
Shaleeyn, ceeb
iyo Khasaare weyn.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey qiimeeynaayan
sida ku haboona
u qadarinaayaan Aqoonta,Kartidda Daacadnimadda iyo
dadaalka wacan
oo Marwo Sahra Xuseen Muuse ku caan baxay,kuna
muteeysatay Biladda
Qiimaha weyn leh(Heer Boqortooyo ah),Waxaa kalle oo
ahamiyadiisa
Howl bani-aadaminimo eey u qabto Sahra Dalkeeda
Somaaliyeed,gaar
ahaan Degaamadda SSC-da oo ah Dhulka eey ka soo
jeedo Asal ahaan
kuna Gaashaaman tahay Dhaqankoodda Wanaagsan iyo
Milgo Gobeedka
Somaaliyeedba(Halkan ka Dhegeeyso Wareeysiga Sahra
Samawada) oo
oo aan halakn amaan iyo mahad-celinba uga soo
jeedinaayo.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey ku
boorinaayaan Sahra in
eey halkaas ka sii wado Dadaalkeeda iyo wax
qabadkeeda,waana ku
Faaneeysaa Jaaliyada Somaaliyeed ee Qaaradan Yurub
Sahra iyo Dadka
Maqaamkeeda ah,soona hooya Guulaha,isla markaana
Illaashadda Hab
Dhaqanka Diintooda Islaamka ah,waxaan u rajeeyeey
Guul iyo horumar
joogto ah iyo in Bulshadda Somaaliyeed Tusaale
fiican ka Qaataan
Marwo Sahra Xuseen Muuse- Anagana naga Gudoon Bilad
Sharafeed iyo
Xurmo gaar ah-Hambalyo-Hambalyo-Hambalyo.
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Af-Hayeenka Guud-
-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda
iyo Cadaaladda-
-England-UK- 08/05/2007-
