Akhristayaasha Somaaliyeed Xurmadda iyo Shrafta
weyn mudan,
wadaniyiinta ah,Dareenka ,Damiirka nool leh,Qiirada
Wadaniyadeed
leh Dalkooda iyo Dadkooda Jaceyl waxaan halkan uga
soo gudbinaayaa
Sugaan qiimo weyn leh,kana soo maaxateey
Caqliga,Maxkasdda iyo
Damiirka Nool ee Muwaadinada Xalaasha ah,Geesiyada
u taagan Dalka
iyo Difaaca Qaranimadda DRS-AMINA SACIID
CALI,waana hadiyad iyo
Risaalad qiimo weyn leh,Xikmad iyo Aqoon Suugaaneed
weyn leh.loo
baahan yahay in laga faa'iideeyso,Tilmaamo iyo
Tusaalooyina laga
Qaado.Anigoo halkan Amaan.Bogaadiin iyo Mahad-celin
uga Gudbinaaya
Aqoonyahanadaas Somaliyeed,kuna Dhiiri gelinaaya
Xoojiinta Doorka
Iyo Dadaalkeedaba,Taariikhduna weey xusi doontaa
Abaalkeedda,
DRS-AMINA SACIID CALI.
SYL
Waxaan
ku barbaaray oo baaqu iigu yimid,
Baradii Abdullahi beeydkiisa leeygu baray,
Boqor ma aan lihinin iyo beelo kala bahroon,
Barwaaqdu naga bad-badan dhuuni yuu ku bi'n,
Beeyada iyo luul badaha buuxe beera qodo,
Badbaadadu waxay dultaalaa in leeys bahdilin.
Xoogii dalkoow, Xoogii dhalkoow, waxaa calaacaleeysa islaan SYL aheeyd
Waxaan xaabada ka keenan xoriyo ku helay
Xidig intaan kugu xiroon ii xashaash ku iri,
oo aan xagaa iyo gu' badan xoola kugu dhaqay
Xaraf waxaan kugu qoray oon xill kaga dhigay,
Xeebaha iyo wabiga inaan xaasid iiga imaan
Mantana xubush baan noqdiyo wayeel xoog lahayn,
Xabalah waxaan la galayaa xornima la’aan.
Ilmadu
Ilmadu
way iga da’daa oohintaan qubaa,
Arooryada hore hurdada waan ka alaladaa,
Idil habeenkii araa baan uruuriyaa,
Albaabada Xamar ileeyskeenaan aadayaa,
Odayadaan eray u sheegaa araara kulul,
Tigray ubucdaada galay kuu arxaami maa.
Itaal weeyn iyo wuxuu sheegta aalad culus,
Anna alaan sheegtay iyo diintoon aaminaa,
Isirka Soomaali baan sheegtay inay aqbalin.
Gabay
Xilbeenaad(Xildhibaan)
Hadaad xildhibaan tahoo aad xornimo taqaan,
Hadii xaraf hooyadaa kuu xariiqdey bari,
Hadday xaadiyo dubkuba xadir kugu yihiin,
Xishood laawow hadaad diido xabashi shalay,
Xarun dalkaagii Tigraay xaaluf kama dhigteen,
Adna Xabsiga Baydhabood gaalku kuma xireen,
Xamar ayaad dagilahayd xeebta iyo badii,
Maxaad la xayraamioo uu xilkaagu yahay?
Xogtii Guray iyo hadaad Sheekhii xeelad garan,
Amse Leegadii xawaareeysey calanka xiray,
Xisaab laawoow mar unbaan xoogsan oon xor noqon,
Xilbeenaadoow, maxaa taariikh lagugu xaman.
Ha’da gabay
Ha’da gabey, waxaan heesayaa hadalo waaweeyne,
Waxa aan hal-hays uga dhigaa, heeybad dumareede,
Hanaankiisa waxan toosiyaa, sidii haldhaaleeye,
Hayeeshee hogg dheer buu galoo, horinba loo waayee,
Qalbigaa horaayoo, hiyigu waa habeen gudaye,
Hooygii dhulkeenuu jiraa, hoosadii Xamare,
Halaag baa ka dhacayoo, nafluhu waa halgamayaaye,
Ku hongoobe gaaladu, raggeey hibada siiyeene,
Hoog baa ka helay, doolarkeey halamsanaayeene
Inkastoo halyeey Hodan, baxdoo Hooyo badan ooydey,
Inksatoo dhalaan horin ahaa iilka loo hoyiyey,
Heliwaaye libinteey, Tigray hanaq u taageene,
Hilbahood haadkaa cuniyo, hurri waraaboode,
Inta harayna, duul heegan oo ciida hananaaya,
Oon hoyann habeenkii hordada ladin har galabeedka,
Hamigooda uu yahay Tigraay inay haligaane,
Hanfariirto hoogtoo ba’doo gaajo habacleeyso.
Tunka
Tunka iyo lafohu waxay taraan inaad talaabtaye,
Tagoogtada oo kala tagtaa taahdey abidkaaye,
Towxiid nimaan garanaheeyn Eebe taladiisa,
Tariikhda Soomaalyeed toban ka sheegeeynin,
Oo
Tigraygu tiir adagg la yahay udub tanadayaa,
Tuugadaas caqliga laga tir-tiray toogta ubadkooda,
Hooyooyin kaas tubaha yaal oon tixgalin haysan,
Tii toban dhashiyo gabar yar oo timaha loo daaya,
In
Tigraygu xamar kug tartamo tacadi weeyaane,
Alloow yaa tolooboo ka baxa taranka Soomaali,
Ceeb buu i taartaye alloow magac yaa tuura,
Insi tooyan maayee jiniga yaa u talasheegta,
Tima baabuloow badaha iyo wabiga yaa taaga,
Ha
i taakuleeyo akhbaar taxan ha ii sheego,
Tabarwaa Tigraygii tagyoo taariikh xumo raacdey,
Tannaasule kuwii Xamar tirtiray wada tabaaloobe.
Irdhoowdaye
Irdhoowdaye ( waxaan u
hibeeyey dhalinyaradii shalay la xasuuqay)
Arligaa aboor galay indhihii iino lagu
sheegye,
Inkastoon adimihii iyo lugu wali
itaalbeelin,
Asaageey ma tiigsado xubnaha iniba meel
aadey,
Ilmadaan qubaa oogta subax idil
habeenaade,
Ubucda iyo wadnaha waxa ill tirey
uur-ku-taalada eh,
Ilmahaas amxaaradu jartoo aaska loo
diidey,
Isir iyo awoow hore intii odeygii
Soomaali,
Isticmaar aleel naguma xiran uman
adeegeeyne,
Ummadyahay maxaa idin ajalay oo aqliga
iibsheey,
Irdhoowdeye kolmaad ina Axmar ehel
wadagteene,
ALLAH MAHAD LEH-
-Soo Gudbintii-Xassan C/Laahi Sh(Xassan
Carab)-
