Dhammaan
Akhristayaasha sharaf leh Salaan qaali ah iyo
Xurmo badan
gudooma,mana Illaawi karaayo Dhambaaladina
Amaan.bogaadinta
iyo dhiiri gelinta ahaa,balantuna Qalinka iyo
Qowlka
Wadaniyadeed waan wadaa-Inshaa Alle.
Qormadda
Maanta ayaa ah Su'aasha Cinwaanka ku qeexan
oo xambaarsan
micnu weyn iyo ujeedo dheer, una baahan in
Sida ku haboon loo
derso, loona qaato Cashar waayo aragnimo
iyo Fahamka
qiimaha Dalka Hooyo leeyahay,ahamiyada Qaranka
Iyo Midnimada
Ummada,Macaanka Xoriyada,Wanaaga,Sumcada
iyo Maqaamka
Qoomiyadeeda,Doorka hanaan Cadaalad,Sinaan
iyo Hab Garsoor
Xaq leh iyo Mudnaanta Hogaamiye Daacad ah.
Dareemida
Dhibaatada Gumeeysiga, xad dhaafka Tacadiga,
Gabood
falka,Xasuuqyadda,Fara-xumeeynta Haweenka,
boobka
Hantida Ummadda,
bara-kiciinta Muwaadiniinta, Afduubka iyo
Qafaalasahada
Culimaa'udiinka,Aqoonyahanka, Ganacsatadda
Iyo Dhalinyarada
Somaliyeed,Ugaarsiga Shakhsiyaadka Qiimaha
Qaran ah iyo
Qabsashada Dalkeena Hooyo,Culeesyka Heeryada
Gumeeysiga iyo
Ceebta Qaran Jabkeena,Somaliyeey Dulinimad
iyo Dayaca maxaa
keenay kala daadsanaanta, tafaraaruqa iyo
Qabyaalad ku
dhaqmidda, Qabqablle la duubnida,kala qoqobka
Dadka iyo Dalka
iyo Gumeeysi u gur-guurashada waana arrimo
Ayaan daradooda
leh-Ceebeey Somaaliyeey Ceebeey.
Somaaliyeey
Dalkeenu waa qaali, Kheeyraadku waa buux,
Badeenu
Malyaan(Camiran Kheeyraadka)ciideenu waa hodon,
Webiyadu Hibo
Eebe,Beeraheenu Barwaaqo iyo Deeq Alle, iyo
Weliba Nimcadda
Xoolaha nool iyo Dhaxalka Kheeyraadka ku
Jirra Dhulka
hoostiisa, Cimiladda hawadeena, nadaafada dhulka
iyo Uduga
dharteena,Allah Mahd Leh,Ummada intaas leh ma ka
Dooran kartaa
Heeryo Gumeeysi iyo Biicinta Dalkeena Qaaligga
ah-Jawaabtuna
Maya,Maya-Walee Maya hadii Caqli jiro,Damiirku
Nool yahay, qiiro
Wadaniyadeed iyo Dareen Sharafeed jirro.
Akhristayaasha
Sharafta leh,Wadaniyiinta Caafimaadka qaba
Fadlan dhegeeysta
Heesahaas Wadaniga ah, dhuxa micnahooda
Toos Somaaliyeey
toosa,diidneey Gumeeysiga iyo Shaqaalihiisa
Diidneey Zanawi
iyo Ciidankiisa Dalkeena ku soo duulay,diidnay
Fadhiidka iyo
Ficiladooda foosha xun,diidnaay Xasuuqida Dadka
iyo Burburinta
Dalka Hooyo,Didneey heeryadda Gumeeysigga,
ah ka soo qaatay.
-Allah Mahd Leh-
-Qore-Xassan C/Laahi
Sh(Xassan Carab)-
-England-Uk-08/11/2007-
Webmaster@calayaale.com
Tafatiraha wararka
caalamka iyo
soomaliya Calayaale Media Center
calayaal@yahoo.de
kalasoo xiriir