11/Jullay Maalin muragadeeda,naxdiinteeda iyo
xanuunkeeda
weyn leh, Maalin Ummadda Somaaliyeed inteeda
Damiirka.Dareenka iyo
Qiirada Wadaniyadeed leh,Inta Garashada
Wanaagsan,Maqaamka Aqoonta
iyo Qiimaha Aqoonyahanka Garanaaysa si weyn u
ooyeen,Tacsi galeen
Dilkii Xaq darada ahaa ee Halyey-Aqoonyahan
Wadanigi weyna Marxuum
C/QAADIR YAXYE- 11/Jullay 2005,Sanad guuradii 2-aad
oo ka soo
Wareegteey Fal Dembiyaadkaas,Talaabadaas Foosha
Xumadeey,Dhaawaca
sida cad loogu geeysteey Hanaan Nabadeed iyo u
adeegida Dalka Iyo
Ummadda Somaaliyeed-Khasaare Qarameed Culeeyskeeda
weyn leh.
El-Marxuum Halyeey C/Qaadir Yaxye wuxuu
tusaale wanaagsan iyo
Damiir nool oo Qarameed u ahaa Bulshadda
Somaaliyeed ee xalaasha
ah,Aqoonta iyo Garasho fiican ku gaashamaan,kana
soo hor-jeedda
Tacadiyadda,Xasuuqyada iyo Dhibaatada Dadka loo
geeysanaayo iyo ku
Heeysashada habka Af-duubnimo,Cabudhinta rayigga
iyo codka Dadka
Iyo Guud ahaanba xadgudubyadii
Qabqablayaasha,Dagaal oogayaasha
iyo kuwa Dalka burburiyeey,Nabadgelyada iyo
Hanashada hanaan Wacan
oo Dowladeed u dhiideey,Daneeystayaasha Dhiigu
Gacmahood ka quban
kuna naaxay xaaraanta Qablabiyadooduna hada yihiin
Xildhibaanada
iyo Wasiirada Dowladda,waana kuwa loo aaneeynaayo
ama lagu eedeeyn
Masuuliyada Dilka xaq darada ah ee C/Qaadir Yaxye
iyo Muwaadiniin
kalle oo Dalka qiimo weyn ugu fadhiyeey-Tusaale
ahaan:-
-El-Marxuum-Gen-Talan.
-El-Marxuum-Gen-Maxamed Cabdi.
-El-Marxuum-Gen-Yuusuf Saraanlle.
-El-Marxuuma-Aqoonyahanad-Barliin.
-El-Marxuum-Suldaan Hurre iyo Boqolaal dhigooda
ahaa.
Taariikhada ayaa
qoreeysa isla markaana xuseeysa guud
ahaanba falalka gumaad iyo dilalka xaq daro oo sida
tooska
ah loona beegsaday Shakhsiyaadka Qiimaha weyn ugu
fadhiyeey
Qaranka Somaaliyeed,Ummadduna ma illaawi doonto
doonkoodii
iyo maqaamkood sarre,Raxmaankana
waxaanu uga Tuugeeynaa in
uu ka Waraabiyo Janadda,Naxariistiisana ku
maneeysto,Anigoo
Qiraaya sida ku haboona u aaminsan in Geeridu xaq
tahay oo
aan Saacada la dhaafeen,dhamaan
qabqablayaasha dagaalka iyo
inta u adeegtaana mudan yihiin Maxkameeyn iyo
Cadaalad hor-
keenidda,kuna rajo-weyn in eey Maalin uun imaan
doonto oo
Ummadda Somaaliyeed xaqooda heli doonaan,Dowlad
cadaalad,
Sinaan,Hogaamin wanaagsan iyo nidaam toosan lehna
hanaan
doonaan inshaa Alle,Gumeeysiga tigreegga iyo
adeegayaashana
Dalka laga Xoreeyn doono,Karaamada,Sumcad ,sharafta
Dalka
Iyo Dadkuna soo noolaan
doonto,Midnimadda,Walaalnimada iyo
Wada jirkeena sidii hore iyo ka wanaagsan Inshaa
Alle.
-Allah Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-England-UK- 10/07/2007-
