Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda
iyo Cadaaladda
Si weyn uga tiiraanyeeysan Xasuuqyadda,gumaadka iyo
xadgudubyadda ka
dhacaaya Caasimadda Qaranka Somaaliyeed(Muqdisho)waxaanu
halkan ku
soo gudbineeynaa:-
1-Camaabeeynta Falalka Xasuuqyadda xad dhaafka ee
Maalmahan ugu
Dameeyeey ka dhacay Magaaladda Muqdisho Ciidamada
Gumeeysigga
Wayaanaha Itoobiya ku gumaadeen Muwaadiniin Somaaliyeed
oo Tiradoodu
Gaareeyso ilaa 35-Qof, weliba si cad oo bareer ah lagu
jiheeyeey Madaafic
ito gantaalo culus, laguna laayeey guryahooda dhexdiisa.
2-Dhaq-dhaqaaqu muxuu Masuuliyada
xasuuqyadaas,Tacadiyada joogtada
ah, Bara-kiciin,Boodka iyo burburinta Tiirarka Ganacsiga,
Fara-Xumeeynta
Haweenka iyo Qafaalhadda Shakhsiyaadka Aqoonta leh dusha
ugu tuuraaya
Taliska Ciidanka Gumeeysiga Itoobiyaanka iyo
Meleeshiyaadka Rajiimka
Fadhiidka ah, iayadoo la wadda ogyahay Dowladaha iyo
goobaha amarka
laga soo dhiibo
.
3-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu
ku tilmaamaayaa Dhacdooyinkaas Gumaad
qorsheeysan, hab ku
Talo galkiisa leh iyo Xasuuqo naxariis
darro ah loo geeysanaayo
Ummadda Somaaliyeed, waana Talaabo
cadoownimo, Naceeyba
iyo Isir Safeeyn ah.
4-Dhaq-dhaqaaqu wuxuu cadeeynaayaa in
heerka Xasuuqo oo
Xiligan ka Socda Gudaha Dalka Somaaliya,
gaar ahaan Muqdisho
u dhigmo ama ka daran yahay kuwii ka
dhacay Dalka Ruwanda,
Bosniya,Afgaanistaan iyo Dalka
Ciraaq,eeyna Fulinaayaan kuwo
Sheegta Dowlado Illaaliya Xuquuqda
Basahrka,laakiin runtii ah
Gacan ku dhiiglayaasha ugu waaweyn
Aduunka.
5-Dhaq-dhaqaaqu wuxuu Cambaareeyn dusha
uga tuuraayaa
Rajiimka Fadhiidka ah,gaar ahaan Madaxda
Sare iyo Xildhibaano
ku sheega Maxaabiista Baydhabo ku ah oo
raali ah,daawadayaal
ka ah Gumaadka Ummadda Somaaliyeed, waana arriin
ayaan
Daradeeda leh.
6-Sidoo kalle waxaan Cambareeyn u soo
jeedineeynaa Beesha
Calaamka gaar ahaan Dowladaha
waaweyn,Ururadda Caalamiga
ah,Warbaahinta iyo Saxaafadda
Aduunka,Bahweynta Mujtamaca
Aduunka oo indhaha iyo dhegaha ka
dabooshay dhibaatadda ka
taagan Dalka Somaaliyeed, waana arrin
Masuuliyada Xumo ah,
laa oran karaayo raali ayaa laga yahay.
7-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu Ummada
Somaaliyeed
ugu baaraayaa diidmada heeryada gumeeysiga,
ka gilgilashada
Tacdiyadda dhacaaya, waxaana mudnaan leh
Maanta Midnimada
iyo isku duubnidda Dadweynaha,iska
caabinta Ciidanka Zanaawi
iyo Meleeshiyaadka Rajiimka Fadhiidka ah,
abaabulidda banaan
Baxyo iyo Mudaaharaada balaaran oo gudaha
iyo debedaba laga
Sameeyo, taakuleeynta Dadka tabaaleeysan
oo ku bar-kacsan
Gudaha Dalkeena Hooyo.
-Maya Gumeeysiga, Maya Xasuuqidda
Muwaadiniinta, Maya
Fara-xumeeynta Haweenka, Maya Afduubka
Caqliga iyo Aqoonta
Maya Boobka iyo burburiinta Ganacsiga iyo
Hantida Dadka,maya
Xoriyada ka qaadida Bulshadda,Maya
xakamiinta iyo Cabudhinta
Saxaafadda iyo Warbaahinta, Haa Hanaan
Nabadeed,Adeegsiga
Caqliga, Hab Wada Tashi iyo raacidda
Aragtida iyo Rabitaanka
Ummadda Somaaliyeed, haa Dowlad
Cadaalad,Sinaan iyo hab
Garsoor xaq ah leh, daryeel bulsho iyo
Hogaan Daacad ah.
-Qorre-Xassan C/Laahi
Sh(Xassan Carab)
-Afhayeenka Dhaq-dhaqaaqa
Somaaliyeed
Nabadda Midnimadda Iyo
Cadaaladda-
-England-UK- 10/11/2007-
