RIWAAYADDA BEEN BEENTA WADDA HADALKASOMAALIYEED

By:

               Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)
                        Huddersfield-England-13/02/2008
Ra'yi
 Feb013/08
 
Waxaa la yaab leh Sheekadda Maaweeladda Caruurta ah oo cinwaankeedu yahay
(Wadda hadalka) Rajiimka Gumeeysigga u shaqeeya beryahan wadaan aslana ah been
been iyo qorshe khiyaano qarsan ama dabin kalle oo loo dhigaaya Ummadda,gaar ahaan
Inta Wadaniyiinta ah Gumeeysi diidka ah,Sheekada Nuur Cadde(Shaqaalaha Cusub ee
Gumeeysigga) ayaan lahayn wax horumar ah ama run sheegid iyo qorshe cad midna looga
jeediin,waayo Rajiimkaas waxaa amarka siiya keli taliye Zinaawi Addis fadhiya oo si cad
ugu soo dhuuleey Dalkeena hooyo Dhammaadkii 2006-dii,Ciidamadiisuna ka geeysteen
Caasimadda Muqdisho Xasuuq iyo falal gabood fal oo aan la soo koobi kareen,bara kiciin
iyo burburu=inta Hantidda Dadweynaha iyo garab iyo gaashaanba ka helaayeey Maryo-
Calasta Maleeshiyaadka hab qabyaladeedka lagu keenay.
 
 
   Hadaba Dhaq-dhaqaale Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda iyo Cadaaladda wuxuu halkan
ku cadeeynaaya Ummadda Somaaliyeed farta ugu fiiqaayaa Riwaayada Nuur Cade/Zinaaw/
C/Laahi Yeey iyo Kaabahooda weyn Bush yeey tahay Hagar-daamo cusub iyo sii xoojiinta
Heeryadda Gumeeysiga Dalkeena heeysta,waana Wajib cusub oo lagu kala fur-furaayo ama
Xeelad Siyaasadeed Shacabka lagu kala xadaayo,wax lagu tilmaamay hanaan nabadeed
been been ah la shaacinaayo-ficilkiina ka maqan yahay,gumeeysiguna xasuuqii,Tacadigii
iyo dhibaateeynta Shacabka halkiisii ka sii waddo,Riwaayadan ayaa hab Qabqaaladeed iyo
debecsanaan luqadeed Nuur Cadde ku jilaayaa,waana sun xanuun weyn leh uu Ummadda
loo qeybinaayo,Waxaan ku boorineeynaa guud ahaanba Ummada Somaaliyeed adkeynta
Midnimadooda iyo kordhinta Halganka Gumeeysi diidka ah.
 
 
     Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu taageersan yahay lana duuban yahay Aragtidda
Xaqa,Runta iyo Cadaaladda ku saleeysan ee Ururka Isbaheeysiga Dib u Xoreeynta wuuna
Dhawaan ka Dhaqaajiyeey-Halyeey-Sh.Shariif Sh.Axmed Gudoomiyaha Golaha Fulinta,
kaasu si cad u qeexay qodobadda Wada hadal somaaliyeed lagu heli karaayo oo ah:-In
Marka Koowaad Gumeeysiga Dalka Laga Saaro,kadibna Somaali wada hadasho,
iyadoo mudnaanta la Siinaayo Tacadiyadii iyo gabood falkii Ummada loo geeystay
Lana Qeexaayo Cidda Masuuliyadeeda leh.
 
 
 
 
 
 
    Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed marna ma qaadan karaayo qorshaha cusub ee Gumeeysigu
soo dhoob-dhoobay iyo sheekadda rakhiiska ah ee Col-Nuur Cadde oo si cad wuu u diidan
yahay Madaxa ugu Sareeya Rajiimka Sawirka ah(In Yeey),Nuur Cade waa Shakhsi qaatay
Masuuliyadda cusub ee dhameeystirka howlaha duulimaadkii gumeeysigga Itoobiya oo eey
Dhabarka ku soo qaateen C/Laahi Yuusuf /Proff-Geedi iyo Maxaabiista ku Jira Hoolka ama
Maqaashiinka(ADC) Raxanta Damiir-laawayaasha ah.
 
 
SHIIKH SHARIIF: “Haddii Itoobiyaanka baxaan waxaan damaanad qaadeynaa dhinaceena wax dhib ah in aysan ka imaanin, cid in aan lagu xad-gudbin, cidna aan wax loo dhimin talada markaas imaaneysana …
 
 
      Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu qiraaya in Hadalka Halyeeyga Weyn Sh.Shariif
yahay Damaanad cad iyo qoowl sharafeed runta ku saleeysan,kana turjumaaya dareenka
iyo Damiirka Xalaasha ah ee Hogaamiye-nimo,Hadalkaas ayaa ah mid lagu diirsado oo ka
Turjumaaya Aragtida cad ee Ururka Isbaheeysiga Somaaliyeed,kuna saleeysan maslaxada
Guud Ummadda Somaaliyeed,Waxaan ayaan daradeeda leh in Dhanka Rajiimka laga helin
War cad iyo Hadal Masuuliyada leh,Sababtoo ah waa Rajiimka la Maamulo(Xoriyad iyo
Madax banaani laheyn).
 
 
 
ALLAH MAHAD LEH-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda iyo Cadaaladda.
-England-UK-12/02/2008-
 

_________________________________________________________