Anigoo ah Mudane-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)kana
mid ah Bahdda Qorayaasha Somaaliyeed dhanka Internetka,si
joogto ah u soo bandhiga qormooyin iyo Maqaalo ku saleeysan
Danaha guud,maslaxada Ummada iyo dhanka Arimaha Bulshada
iyo u Gargaarida Walaalaheena Tabaaleeysan,una arka in eey
tahay Masuuliyada Diineed,Qarameed iyo Akhlaaqeedba oo Qof
Walba looga baahan yahay Garashadeeda iyo Gudashadeeda.
Qormadan Maanta mid ahamiyadeeda weyn marka laga eego
Dhanka Bani-aadnimada iyo Ujeedada weyn oo eey xambaarsan
tahay,Maadaama eey ku saleeysan tahay Taakuleyn,caawin iyo
u gargaarid Caruur dhibaato weyn oo Caafimaad heeyso, anigoo
og kalsooni weyna ku qaba dareen.damiirka nool iyo Raxmadda
Alle ku abuuray Bulshadeena Xalaasha ah(Mujtamaca Somalida)
Sida aad ka dhegeeysan doontaan Hadalka Marwo-Cayni Abukar
Gacal oo halkan ku lifaaqan waxaad dareemi doontaan heerka
Dhibaatadda Caruurtaas heeysata oo aan waxba looga qaban
kareen gudaha Dalkeena Hooyo oo xiligan laheyn daryeelka arr.
Bulshadda guud ahaanba,gacantana ugu jira Gumeeysiga iyo
Raxanta Doofaareey.
 |
Ceyni oo ku sagan magaalada Intebe ee dalka Ugandha oo halkaasi geysay caruur Soomaaliyeed oo dhibaateysan si wax loogu qabto, kan codsatay qurba jooga iney u soo gurmadaan Halkan ka dhageyso |
Sidda ku cad warbixinta Marwo Ceyn oo ka Tirsan Ururka
Samafalka Wadaniga ah(COGWA) Caruurtaas waxaa dhalay
Waalidiin sabuul ah(Dan yar ah) oo aan awoodiin dhaqaale
ahaan wax ka qabashadda daawiinta iyo qalinka Caruurtooda
xaaladda halista ah ku sugan, Ururkaas wadaniga Sameeyeey
Talaabo ahamiyadeeda leh kuna saleeysan garashada wacan
iyo dareenka biseyl oo Bani-aadaminimo iyo Camal kheeyrka,
Intii awoodooda ah iyo ka badanba weey dadaaleeyn,hadana
Caruurtii 8 ka mid ah waxeey ku sugan yihiin Dalka Ugandha,
Halka dhoowr kalena ku sugan yihiin Dalka Kenya,laakiin waxaa
Hor taagan duruufaha Dhaqaalle si qalin loogu sameeyo sidda
ugu dhakhsaha badan, arrintuna ma xamili kareeyso daahiin iyo
Waqti dheer-Goobta lagala Xiriir karaayo waxaa ka heleeysaan
Warbixinta codka ah ee Marwo-Ceyn Abukar Gacal.
Hadaba-Waxaan halkan ugu soo gudbinaayaa Jaaliyadda
Somaaliyeed ee Qurbaha jooga ah intooda Damiirka,Dareenka
Nool,qiiradda Wadaniyadeed,Intooda Ehel kheeyrka ah in eey
Il Naxariiseed ku eegaan Duruufaha Caruurtaas yer yerka ah oo
la midka ah Ubadkeena oo kalle,inagoo ka Duuleeyna Waajibka
Diineed iyo Tacaaliimtiisa cad cad,Tusaalooyinka wanaagsan ee
Suubane Rasuulkeenii Muxamud(CSW) Iyo Dhaqanka wacan
oo Ummadeena Somaaliyeed is-caawinta iyo is-taakuleeynta ku
Tiirsan,Waxaan si Naxariis leh Idiinka Codsanaayaa gaar ahaan
Waalidiinta u Gargaaridda Caruurtaas yer yerka ah,Fadlan caawi
Alle ha ina Caawiyeey-Fadlan u gargaar Raxmaanku Gargaar iyo
Raxariisba ha ina Siiyo,Fadlan Taakuleey Ubadkaas Dhibaatadda
Caafimaad Qaba-Xaaladoodu halista ku jirto,ka farxi Waalidka
iyo Ururkaas Samafaleed oo Dadaalka weyn muujiyeey-Fadlan
Il-Naxariiseed ku eeg Ubadkaas Somaaliyeed.
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-England-UK- 11/03/2008-