Hambalyo Guusha Ruweida Mohamed.

By:

               Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)
                        Huddersfield-England-14/04/2007
Ra'yi
 April  14/ 2007
Waxaa haboon,Xusideeda mudan guulaha,horumarka iyo Wixii ku
Saleeysan dhanka Wanaagsan oo Qof Somaaliyeed gaaro in lagu farxo,
lana soo dhoweeyo,taageero iyo bogaadin la fidiyo.
Hadaba Anigoo ah Muwaadin Somaaliyeed,Qoraa ah,had
iyo jeerna la duuban Wanaaga, howlaha Kobcinta Aqoonta, Guulaha
Qiimaha leh oo Muwaadimka Somaaliyeed hanto,gaar ahaan Bulshadda
Qurna jooga ah,waxaan halakn Amaan,bogaadiin iyo Hanbalyo diiran
uga soo gudbinaayaa-Gabadhan Da'da yar oo guusha Aqooneed ka soo
Hooysay Tartan Aqooneed Heerka Iskuuladda Dalka Swedan-RUWEEYDA
MOHAMAED oo iyada iyo Sedex Gabdhood oo reer Sewden ahi galeen
Kaalinta Koowaad ee Tartankii(Kediska)Iskuuladda Dalkaaas,abaal
Marina hanteen,waxaay Rouweeyda iyo Qoyskeedaba mudan yihiin in
Tusaale wanaagsan laga qaato,Jaaliyadda Somaaliyeed ee qurbuhuna
ku Farxan Guushaas weyn.
 
Anigoo Aabe ah waan
Garan karaayaa Ahamiyada iyo qiimaha weey ku fadhido ama leedahay
Guusha Cilmiyeed ama Aqooneed ama Ispoortiba oo Ubadku soo hooyaan
iyo Wajiga farxadeed oo gurigaas hada ka jiri karaaya,waana mid
eey la Qabi karaayaan Waalidiinta kalle oo ku dadaala Barbaarinta
iyo Daryeelka Caruurtooda,waxaan ku dhiiri gelinaayaa Ruweeyda iyo
Qoyskaas Xurmada weyn lehba in eey Halkaas ka Sii wadaan horumarka
Kocbinta Aqoonta Gabadhaas yar,Si gaar ah Ruweeyda ugu sheegaayaa
in eey kor u qaaday Magaca iyo Maqaamkeeda Ummadeed Somaaliyeed oo
Qurbaha iyo Dalkiiba Joogta,eeyna Tusaale fiican ka bixisay Ubadka
Gaar ahaan Gabdhaha Somaaliyeed iyo Heerkooda Aqooneedba,waana mid
lagu faani karaayo Guushaasu-Ruweeydona Halyeeydayd Somaaliyeed oo
Bilad Dahab ah Mudan.
 
 
 
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-England-UK- 14/04/2007-
-sharifhassan50@yahoo.com-

 

Muqdisho soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de

Webmaster@calayaale.com

 

_________________________________________________________