Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabad,Midnimada iyo Cadaaladda waxeey
si weyn uga xun yihiin dhibaatadda joogtada ah
oo ka taagan Badda Cadan oo
Beryahan damme si xad dhaaf ah ugu hoobtaan
Tahriibayaal Somaaliyeed iyo
kuwo Itoobiyaan ah, una badan Haween,Caruur iyo
Dad dan yar ah oo duruufo
Dhaqaale wadaan iyo kuwa Somaaliyeed oo ka
Cararaaya Dagaalada iyo Dhibka
ka Taagan Koonfurta Somaaliya.
Dhaq-dhaqaaqa
Somaaliyeed
ayaa halkan ku cadeeynaaya in falalka ka
dhacaaya Badaas,geeysanaayaan ama
eey ka dameeyaan kuwa lagu tilmaami
karaayo Dembiilayaal,gacan ku dhiiglaha
loo yaqaano Naakhuudayaasha Doonyaha
Dhimashada laga abaabulo xeebaha
Goboladda Barigga P/Land.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey
cadeeynaayaan in Masuuliyadda
Dhibaatadaas Xasuuqa ah eey iska
leeyihiin:-
1-Madaxweynaha P/Land.
2-Madaxweyne ku Xigeenka P/Land.
3-Wasiirka Arr.Gudaha P/Land.
4-Ku Xigeenka Wasiirka Arr.Gudaha
P/Land.
5-Taliyaha Ciidanka Poliiska P/Land.
6-Gudoomiyaha Gobolka Barri P/Land.
7-Taliyaha Qeybta Poliiska G/Barri
P/Land.
8-Naakhuudayaasha Doonyaha Dhimashadda.
9-Wakiiladda Xafiisyadda Tahriibta iyo
Cidii Gacan ka Geeysta Howlahaasba.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Waxeey
u aqoonsa yihiin Dhibaatadaas
Xasuuq ama Gumaad loo geeysanaayo Dad
Mashaakiin ah,kuwa ka Dameeyaana
Mudan Yihiin Maxkameeyn.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey
Dhaliil culeeyskeeda leh dusha uga
Tuuraan yaahan Dowladda Yeman oo
doorkeedi ka gaabisay, sida ku haboona
u Illaalin weeyday Badaheedda.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey
Cambaareeyn u soo jeedinaayaan
Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka
Somaaliyeed oo la oran karo waxeey
ka Raali yihiin Dhibaatadaas Badaha ka
dheceeysa oo eey ka aamusan yihiin
waana arrin ayaan daradeeda leh.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey
sidoo kalle Cambaareeyn u soo
Jeedinaayaan Heyadda UNHCR oo si weyn u
Dayacda Qaxootiga Somaaliyeed
ee Dalka Yeman jooga, kuna heeysa Xeryo
aad iyo aad u liita dhuinacyada
Daryeelka Caafimaadka,Waxbarashada iyo
Hooygaba,iyadoo la wada ogyahay
Dhibaatooyin foosha xun oo Qaxootigu
kala kulmaan Dadka Yamen,gaar ahaan
Haweenka oo Far-xumeen xad dhaaf ah loo
geeysto iyo hab Adoonsiba,waana
Mid meel u taalo Dalka Yamen iyo
Dadkiisaba.
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Guud-
-dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabada,Midnimada
iyo Cadaaladda.
-England-UK- 15/04/2007-