Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabada,Midnimada Iyo Cadaaladda iyagoo ka
Duulaaya Masuuliyada Qarameed iyo
Akhlaaqeedba oo ka Saaran Mueaadiniinta iyo
Guud ahaan Dalkooda Hooyo oo xiligan
ku jira xaalad cakiran iyo gacanta Gumeeysiga
Cadoowga Itoobiyaanka, waxaan halkan
ku soo gudbinaayaan Cambaareeyn ku saabsan
Xirigga Xaq darada ah ee loo
geeysteey Weriyaha Wadaniga ah-C/QAADIR NADAARA
iyo Shaqaalaha TV-GA Unitersal oo
mudo ka badan Asbuuc ku jira Jeelka Magaaladda
Muqdisho.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey halkan ku cadeeynaayaan in Xarigga
iyo
Xoriyad ka qaadida Weriye Nadaara wuu
ka soo hor-jeedo Xeerarka,Nidaamka iyo
Madax banaanidda Warbaahinta
Somaaliyeed oo Axdi Qarameedku qiraayo,waana
Talaabo khaldan iyo fal qalafsan,
laguna cabudhinaayo xaqiiqadda iyo soo bandhigida
Xasuuqyadda,Gumaadka,Tacadiyada,Fara-xumeenta iyo howlaha
bara-kicinta Dadka
iyo guud ahaan howl galka Argagax
gelinta lagu hayo Dadaweynaha Muqdisho.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
wuxuu qiraayaa in C/QAADIR NADARA ka mid yahay
Shakhsiyaadka ama bahda Saxaafada iyo
warbaahinta Somaaliyeed oo magaca,Maqaam
iyo xurmo gaar ah ku leh Ummadda
Somaaliyeed, Weriye ku xeel dheer gudasahadda
Shaqadiisa si weyna loo xiiseeyo,
isla markaana waa Muwaadin Somaaliyeed oo xaq u
leh in uu Hab Nabadeed uga
Shaqeeyso,uguna Noolaado Dalkiisa Hooyo.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
waxeey halkan Cambaareeyn culeeyskeeda leh uga
Soo Gudbinaayaan:- Wasaaradda
Warbaahinta Somaaliyeed,Gudigga Saxaafada iyo
Warbaahinta Golaha Barlamaanka,
Ururadda Illaalinta Xuquuqdda Dadka iyo Gudigga
Madaxa Banaan ee Saxaafadda iyo
Warbaahinta Somaaliyeedba,Sidoo kalle Madaxa
Warfaafinta Madaxtooyadda xaq uma
laha,awoodna uma laha in wuu Xirro ama Amar
ku Bixiyo Xabsi u Taxaabidda
Weriyaasha iyo Xakameeynta Codka Warbaahinta.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
waxeey ku baaqaayaan in Si dhakhso ah,Shuruud
la'aan ah lagu soo
daayo,xoriyadiisana loo soo celiyo Weriye Nadaara iyo Shaqaalaha
TV-GA Unitersal oo xaq daradda Jeelka
loogu hayo, lagana waantoobo dhibaatooyinka
lagu hayo Warbaahinta iyo Saxaafadda Madaxa banaan oo ah Indhaha,Dhegaha
iyo
Damiirka nool ee Dadweynaha
Somaaliyeed.
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Guud-
-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabada,Midnimada
Iyo Cadaaladda.
-England-UK- 15/04/2007-