Anigoo ah ah Muwaadin Somaaliyeed qurba joog
ah kana mid bahda Qorayaasha
sida joogta ah Shebekadaha Somaaliyeed
intooda ku caan baxay Hunfaanta,Asluubta
iyo Anshaxa Saxaafadeed iyo Xurmadda
Muwaadiinka, soona Bandhigga Wararka iyo
Xaaladaha kala duwan ee ka jira Dalkeena
Hooyo,Anigoo mudnaanta Siiya Danaha guud
Maslaxada Ummadda iyo ka hadalka Xaaladda
markaas taagan.
Waxaan Halkan ku soo gudbinaayaa
Cambaareeynta Fal Dembiyeedka foosha xun,
Xadgudubka ah,kana reeban Shareecadeena
Islaamka,dhaqanka Wanaagsan ee Ummada
Somaaliyeed iyo Xeerarka Caalamiga ah ee
Illaaliya Xuquuqda iyo xurmada Guud ahaan
ee Bahdda Saxaafadda,Warbaahinta iyo Ururadda
Samafalka oo Naftooda qaaligga
ku biimeeya goobaha iyo degaamadda
Dhibaatooyinku ka jiraan si eey Aduunka u soo
gaarsiyaan Xaqiiqadda ka jirta iyo warar
sugan, waana adeegayaal dusha saartay oo
isu- taageey gudasahada howl rafaadkeeda iyo
halisteeda weyn leh,sidaa awgeed
Waxaan halkan ku soo gudbinaayaa
Cambaareeynta Fal Dileed ee loo geeysteey ama
lagula kacay Suxufiggii caanka
ahaa,Muwaadinkii Somaaliyeed oo Xalaasha ahaa oo
sida gardarada ah, Caqli xumadda iyo mooryaan-nimadda ku saleeysan loogu
dilay
Degaamadda Cadle ee Gobolka Sh/Dhexe-El-Marxuum-Bashir
Cali Gabre oo ka mid
ahaan jiray Weriyaasha Idaacada Jowhar iyo
Idaacadda Qiimaha weyn ee Quraanka
Kariimka ee Muqdisho.
El-Marxuum-Bashiir wuxuu ku biiraayaa kuwii
Badnaa oo ka mid ahaa Bahdda Saxaafadda iyo
Warbaahinta Somaaliyeed ee Naftooda
ku waayeey iyagoo gudanaaya Risaaladda
Saxaafadda iyo u adeegidda Dadkooda iyo
Dalkooda xaalad adag iyo waqtiga cakiran ku
jirra,waana halyeey geesi ah oo si weyn
loo Xusuusan doono,Taariikhduna xusi doonto
doonkiisa isaga iyo kuwii ka Horeyeeyba
Falkaas iyo kuwa Noociisa ah oo eey
geeysanaayaan kooxaha Hubeeysan iyo Ciidanka
Dowladda Federaalka ahba waa Xadgudubyo lid
ku ah Xoriyadda iyo habka shaqadda
Madaxa banaan ee Saxaafadda iyo Warbaahinta
Somaaliyeed, iyadoo la wada ogyahay
in eey Jeelka Dhexe weli dhex jiifaan
Halyeey-C/qaadir Nadaara iyo 2-Xubnood oo ka
mid ah Shaqaalaha Tv-ga Madaxa Banaan adeega
weyn u haya Ummadda Somaaliyeed
UNIVERSATV,waana Talaabo khaldan,Xadgudub
xuquuqeed iyo fal guracan oo eey ku
Kaceeyso Dowlada Federaalka ah oo
Dhibaatooyin badan iyo falal Gabood faleed weyn
ka geeysateey Dalka gaar ahaan Caasimadda
Muqdisho iyo Nawaaxigeeda,sidoo kalle
Kooxihii Muqaawadda ayaa Tacadiyo waaweyn
geeysteey-dhammaantoodna waxeey
Mudan Xisaabtan iyo Maxkamadeen iyo Abuuridda
Maxkamadda Dembiilayaasha
Soomaaliyeed, lagana soo bilaabo Xiligii
Rajjiimkii Kacaanka,Babhadii Hubeeysnaa ,
Xiliga Burburka iyo Qabqablayaasha iyo
Dowladda Federaalka ahba.
Gunaanadka Waxaan halkan Tacsi uga
soo Gudbinaayaa Qoyskii,Eheladii iyo
Qarabadii Marxuumka Bashiir iyo Weliba
Asxaabtii Shaqadda iyo guud ahaan Bahdda
Saxaafadda iyo Warbaahinta Somaaliyeed,Waxaan
Raxmaanka ka Rajeeynaayaa in
uu Marxuumka ka Waraabiyo Janadda
Dhammaanteena Samir iyo Imaan inaga siiyo
Geeriduna waa Xaq-Amiin,Amiin,Amiin.
-Qorre- Xassan C/Laaghi Sh(Xassan
Carab)
-Englanad-UK- 16/05/2007-
