SH.SHARIIF HOGAAMIYE XALAAL AH IYO HALYEEY QARAN.

By:          

               Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)
                        Huddersfield-England-17/09/2007
Ra'yi
 Septem 17/ 2007
 
-Sh.Shariif Sh.Axmed Muwaadiin Somaaliyeed,Damiir,dareen
Iyo Qiiro Wadaniyadeed leh,Sifooyin hogaamineed leh,si weyna u
Soo jiiteey dareenka iyo Ixtiraamka Aqlabiyada Ummada Somaaliyeed,
Aqoon Diineed Iyo Dunyawiba leh,deganaasho iyo asluub wanaag ku
caan baxay iyo Xeelad Siyaasadeedba.
 
-Sh.shariif Gudoomiyaha Ururka Dib u
Xoreeynta Somaaliyeed,Gudoomiyihii Gudiga Fulinta Maxaakiiimtiii
Guulaha Weyn Gobolada Koonfureed ku reebay xusuus ma guurto ah
Habkii iyo hanaankii Ceeyrinta Qabqablayaashii,Dagaal Oogayaashii
Dhibaatooyinka faraha badan u geeysteey Dadka Somaaliyeed,Xaaraan
Quutayaasha ku Magacaaban Xildhibaanada,Inkastoo laga guuleeystay
Maxaakiimtii,hadana Sh.Shariif waa Hogaamiye Sarre oo Somaaliyeed,
Dalkuna si weyn ugu baahan yahay iyo shakhsiyaadka Dhigiisa ahba,
Gaar ahaan Aqoonyahanada ku caanka ah Qiirada Wadaniyadeed Sidda:-
Cali Khaliif Galeyr,Cabdi Ismaciil Samatar,C/Risaaq X.Xuseen,Dr-
Ibrahim Cadoow,C/Laahi Axmed Cadoow,Dr-Karaani,Proff-Gaandi,Dr.Ali
C/Raxmaan,Ibrahim Meeygaag Samatar,Enj-Cusmaan Kaluun,M.Mukhataar,
Ahmed Shel,Dr.Huseen Ismaciil,Dr-Max,d Aden Sh,Gen-Cali Ismaciil,
Gen-Max'd Aden,Dr-Raabi,Dr-Geeni,Maxamud Cabdi Gaab,Dr-Cumar Iman,
Gen-Jaamac Maxamed Qaalib,Sekeriya Xaaji Maxamuud,Drs-Caasha Xaaji
Cali,Drs-Amina Saciid Cali,Dr-Tarzan,Col-Macoow,Proff-Samatar iyo
Boqolaal Dhigooda ahba.
                                                       -Sh.Shariif wuxuu door weyn,Xasaasi
ah ka Ciyaar karaayaa hanaanka iyo howlaha dib u heshiisnta Dadka
Somaaliyeed,wuuna leeyahay aragtida iyo xeelada howl gudasho,hadii
la helo Dad Daacad ah oo la shaqeeya,Hogaanka Sarre ee Dowlada ku
Sugan Muqdisho la yimaadaan Niyad samid iyo ka shaqeynta Maslaxada
ama Danaha guud ee Dalka iyo Dadka Somaaliyeed,hab isu-tanaasul
iyo is-qancin leh,lagana fogaado wixii keeni karaaya Colaado iyo
Dagaalo Sokeeyeba,Shariifkuna waa Shakhsiga ku haboon Hogaaminta
Golaha Dib u Heshiisiinta Somaaliyeed,Caalamkuna weey Qireen ama
Sida cad u qeexeen Kartida iyo Habka Hogaamin Wanaag ee Shiikha,
Dhanka Bulshada Somaaliyeedna Qadarin iyo Xurmo weyn,Hogaamiyaha
Mustaqbalka Dalka Somaaliya.
 
-Runtii waa arrin ahamiyadeeda leh in Sh.Shariif
ka soo baxay Duurkii,kana qeyb qaadan doono wada hadalka Jawigga
Nabadda Somaaliyeed,anigoo ku rajo weyn in Xubnihii kalena soo
Dhoweeyn Mudan yihiin,weliba Aqlabiyada leh aragtida Muctadilka ah
leh,waana talaabo wanaagsan oo dhanka saxa ah loo qaaday,inkastoo
eey jiri karaan Dad dhaliili karaa,laakiin marka Caadifadda laga
Gudbo waa Talaabo hahsamideeda leh,waxaa Hogaanka Sare ee Dowladda
looga baahan yahay Niyad samid iyo dul-qaad,Runtiina ma jiraan
Wax dambi ah oo eey Galeen Hogaamiyaashii ama Golayaashii Sarre
ee Midoowga Maxaakiimta Islaamiga Somaaliyeed,Dalku waa u baahan
yahay Sh.Shariif Sh.Axmed.Waxaa Sharaf weyn ii ah Shakhsiyan Xasan
Ahaan in aan ka mid noqdo Xidigihii Sanadka 2006-ka,Shariifkuna ka
Mid ahaa,Howsha Culus Ahamiyada weyn Ummadda Somaaliyeed indhaha
ku Wada hayaan,Beesha Caalamkuna dhegaha u taageeyso,Aayo ka
Taliinta Mustaqbalka Dalka iyo Dadka Somaaliyeed waxaan Raxmaanka
ka Rajeeynaayaa in uu u Fududeeyo Halyeeygaas Qaran,Ku Garab galo
Guud ahaan Talaabooyin iyo Taladda Suuban,xaqa ku saleeysan iyo
Hanashada ama Gudashada Masuuliyadaas culeeyskeeda weyn leh-Amiin.
 
 
 
-Qorre-Xassan Xassan Carab-
-England-UK-17/09/2007-
-sharifhassan50@yahoo.com-

Webmaster@calayaale.com Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir

 

_________________________________________________________