MAYA CABUDHINTA WARBAAHINTA IYO SAXAAFADDA SOMAALIYEED

By:

               Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)
                        Huddersfield-England-19/09/2007
Ra'yi
 Septem 19/ 2007
 
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda Waxaay
Halkan ku soo gudbinaayaan Cambaareeyn culeeyskeeda leh kuna saabsan falka iyo
Tacadigga foosha xun,lidku ah Xoriyadda,Xurmadda iyo Madax banaanida Saxaafada
iyo Warbaahinta Codka,Damiirka iyo Xaqiiqo sheegida,kana turjumaayo Dareenka iyo
Duruufaha Dalka ka Jirra(Tacadigii iyo Weerarkii Cadownimo ee lagu qaaday Xarunta
Idaacadda Shabeelle).
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu u gudbinaayaa
Hogaanka Sarre Dowladda Fadhiidka,Wasiirka Warfaafinta,Gudiga Warbaahin iyo Arr.
Saxaafadda Ee Barlamaanka Baydhaba Maxaabiista ku ah,Taliska Ciidanka Boliiska
(Xasuuqayaasha Bulshadda Somaaliyeed)Iyo Hogaanka Ciidamadda Gumeeysiga Gen-
Gabrre Iyo Maamulka Gobolka Banaadir Cambaareeyn iyo Dhaleeceeyn weyn Falkaas
Xadgudubka ah,Weerarkaas qaawan iyo Tacadigaas foosha xun oo lala beegsaday ama
lagu qaaday Idaacadda Shabeelle 18/09/2007,Khasaaraha weyn loogu geeysteey iyo
Halis Gelinta Shaqaalihii Iyo Weriyaashii Goobta ku sugnaa,Waxaanu Cadeeyneeynaa
In Tallaabadaasu tahay qorshe lagu cabudhinaayo warbaahinta iyo saxaafada,laguna
daboolaayo Tacadiyadda,Xasuuqyadda iyo falalka Xadgudub oo ka Socda Magaaladda
Muqdisho eeyna geeysanaayaan Ciidmadda Gumeeysiga Tigreega,Meleeshiyaadka Habka
Beeleed ku Saleeysan laguna Sheego Ciidanka Qaranka,waana Talaabo ka mid ah kuwa
Cadoowgu u soo maleegaayo Dalkeena iyo Dadkeena,Mana Qaadaneeynu Dulmiga,Gefka
iyo Heeryadda Gumeeysiga.
 
       Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu ugu baaqaayaa Ummadda Somaaliyeed ee leh
Damiirka,Dareenka Nool iyo Qiiradda Wadaniyadeed,Dalkooda jeceyl in eey diidaan
Qorshayaasha iyo Falalka Foosha ee Gumeeysiga iyo kuwa u adeegaaya(Somaali ku
Sheegyada ah),waa in lala duubtaa Idaacadaha,Saxaafadda iyo Ururda Bulshadda oo
u taagan soo bandhigidda Xadgudubyadda iyo Dhibaatadda Bulshada lagu hayo,kuwa
u taagan Sheegidda,Qeexida iyo Diiwaan gelinta Gumaadka,Fara-xumeeynta iyo dhaca
Joogtadda ah ee Hantidda Ummadda,Somaaliyeey Aamuusku waa ogolaanshaha iyo
Qirashadda Guul daradda,Somaaliyeey Aamuusku waa Ogolaanshaha Heeryadda iyo
Falalka Gumeeysiga Wayaanaha iyo kuwa Kabaha u qaada,Somaaliyeed Kaca,Kaca oo
Diinta,Dalka,Karaamadda Iyo Maqaamka Qarameed Daafaca.
 
       Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu si cad ugu sheegaayaa Gumeeysiga iyo Kuwa
u Adeegaba in Guul Darao ku dameeyn doonaan,Khasaare weyn la kulmi doonaan,laga
Xoreeyn doono Dalka Xurmadda weyn iyo Ciida Barakeeysan,Guushana Waxaa iska leh
Ummadda Somaaliyeed iyo Hogaankeeda Xaq u dirirka ah,Geesiyaasha,Wadaniyiinta
Xalaasha ah,Gumeeysi Diidyadda oo ah Aqlabiyadda Shacabka Somaaliyeed.Alluhu
Akbar.
 
 
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Dhaqa-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,
Midnimadda Iyo Cadaaladda-
-England-UK-19/09/2007-
-sharifhassan50@yahoo.com-

Webmaster@calayaale.com Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir

 

_________________________________________________________