Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadd iyo
Cadaaladda Damiirka iyo
dareenka nool ee Wadaniyiinta iyo
Muwaadiniinta leh Qiirada
Dalka Jaceyl oo ka duulaaya Xilka
Qarameed oo ka saaran
Taageeridda iyo dhiiri gelinta wax-qabadka wanaagsan oo
danaha guud ku saleeysan,guud ahaan
Wacyi gelinta Siyaasadeed, kor
u qaadida garaadka Bulshadda
iyo ku booriinta garashada
Qiimo Qarameed, Midnimadda Dadka
iyo Maqaamka Xoriyadda Qaaliga
ahba.
Dhaq-dhaqaaqu
Markuu
Diraasad dheer sameeyeey,si
joogto ahna u dheehdan howlaha
Maalin laha ah oo qiimaha weyn
leh ee Geesigga,Muwaadinka
Xalaasha,Halyeeyga Heer
Qaran-Farshaxanka Caanka ah-Ustaad
AMIIN CAAMIR CABDALLA waxaa
loo aqoonsaday Codkii,Qalinkii
iyo Dareenkii Noolaa iyo
Difaacaha Joogaha ah ee Xaquuqdda
Muwaadinka Somaaliyeed,
Cabiraha, Tilmaamaha Dhibaatadda
Joogtada ah Xanuunkeeda leh oo
loo geeysanaayo Bulshadda
Iyo Heerka Xadgudubyadda ka
dhacaaya Dalkeena Hooyo.
Waxaanu
qireeynaa in wuu
Yahay Halyeey-Farshaxan Amiin
Xidigii Sanadka 2007-ka dhanka
u adeegidda Ummadda, soo
bandhigida Duruufaha eey ku nool
Yihiin,Riishadda,Gacanta iyo
Caqliga Caafimaadka Qaba Ustaad
Amiin waxeey ka awood weyn
tahay Kumayaal Qalin,Kumayaal
Cod ah iyo Kumayaal doodood lagu
cabiri ama turjumad looga
Bixin lahaa Xaaladda
Qalafsan,Murugada iyo Tacadiyada Maalin
Walba ka dhacaaya Dalkeena
Hooyo Gaar ahaan Xasuuqyadda
Waaweyn,Ustaad Amiin Caamir
wuxuu tusaale u yahay Caqliga
Fiyoow iyo Damiirka
Somaaliyeed oo nool.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu u
Aqoonsaday Shakhsigii Sanadka
2007-ka Farshaxan Ustaad:-
Amiin Caamir Cabdalla waxaana
Xabadka u suran Bilad Dabah
ah iyo Shahaado Sharafta
koowaad ee Wadaniyada, Shaki kuma
Jiro in wuu ka mid noqonaayo
Halyeeyada Taariikhda ka gelaaya
Bogaga Dahabka ah,Jiilalka
Mustaqbalkuna ka dheehan donaan
Farshaxankiisa Qiirada
Wadaniyadeed iyo duruus ku saabsan
Dal Jaceylka,Amaan,Bogaadiin
iyo Hambalyo Farshaxanka weyn
Ustaad-Amiin Caamir Cabdalla
iyo Halyeey kasta Masuuliyadiisa
Qarameed sida ku haboon u
guteey,Fadlan Daalacda Sawiradda
Si aad u kala garataan
Wadainiga Danaha Umadiisa u taagan
Iyo Khaayinka Shisheeye u
adeega ah.
-Qorre-Xassan C/Laahi
Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Dhaq-dhaqaaqa
Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda Iyo
Cadaaladda.
-England-UK- 19/11/2007-
Tafatiraha wararka
caalamka iyo
soomaliya Calayaale Media Center
calayaal@yahoo.de
kalasoo xiriir