Dhaq-dhqaaqa Somaaliyeed Nabadda.Midnimadda Iyo
Cadaaladda
Codka Difaaca Danaha Guud iyo Maslaxada Ummadda
Somaaliyeed wuxuu
halkan ku soo gudbinaayaa baaq Nabadeed iyo
Cambaareyn u dhusha u
uga tuuraayo Qeybaha Colaada,Dagaalka iyo dhiig
daadiinta ka wadda
Duleedka Magaaladda Laascaanood Xarunta G/Sool
oo Maalmahan xaalad
Cakiran ka taagneyd una dhaxeeysa Ciidamadda
P/Land iyo S/Land oo
kaashanaaya qeybo ka mid ah Beelaha
Degaankaas,waana arrin ayaan
daradeeda leh Colaadaas soo cusboonatay iyo
xaaladaas jaha-warerka
weyn leh waqtigan oo lagu jiro Bishii Barakadda
iyo Xurmada weyn
laheyd(Ramadaanka).
Dhaqdhaqaaqa Somaliyeed wuxuu cambareeyn
toos ah u soo jeedinaayaa Madaxda Labada
Maamul P/Land iyo S/Land oo intii muddo
ah Ciidamadoodu isku hor fadhiyeen kuna
Loolamaayeen Degaanka Arri-cadeeye oo ah
Duleedka Magaalada Laascaanod,kana Masuul ah
khasaare naf iyo maal
leh oo halkaas ka dhacay,Bara-kicin Dadka
Degaankaas iyo Xoolaha
Dhaqatada,waana arrimo xadgudubkooda leh,sidoo
kalle waxaan halkan
Dhaliil culeeyskeeda leh u soo jeeydineeynaa
Hogaan Dhaqameedka
Beelaha Daraawiishta oo ka jaabiyeey xal u
raadinta Dhibaatadaas.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu ugu
baaqaaya Qeybaha Dagaalka
ku jirra iyo kuwa taageerada u fidinaaya in si
deg deg ah,Shuruud
La'aan ah u joojiyeen Dhiiga Qubanaaya iyo
Awood adeegsiga,Caqliga
iyo Hanaanka Nabadeed Isticmaalaan,Hogaan
Dhaqameedka,Culimaadda
Diinta,Ururada Bulshada,Waxgaradka iyo Guud
ahaan Bulsho-Weyntu
Gartaan Masuuliyadooda,kana hor-tagaan Cawaaqib
xumada,khasaaraha
Iyo Dhaawaca Colaadaasu keeni kareeyso,iyadoo
la wadda ogyahay
Meesha Dagaal iyo Hub Adeegsigu dhigay Dalka
Somaaliya.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu ka digaayaa
Dhibaato soo gaari karta Bulshada Rayidka ah
Iyo Hantidooda,Dhaq-dhaqaaqu wuxuu ku baaqaaya
Xurmeeynta Bisha
Bareeysan Ramadaanka,Dhaq-dhaqaaqu wuxuu ugu
baaqaayaa Ururadda
Caalamiga ah:Qaramada Midoobay,Ururka
Afrika,Midoowga Yurub Ururka
Jaamacada Carbeed iyo Urur Goboleedka
Igad,Hogaan Dhaqameedka iyo
Culimaa'udiinka Somaaliyeed iyo Hor-joogayaasha
Jaaliyada Qurbaha
Joogta in eey Doorkooda qaatan,kuna Dadaalan
habkii lagu joojin
Lahaa Dagaalkaas iyo Colaadaas Xanuunkeeda leh,
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabnadda,
Midnimadda Iyo Cadaaladda.
-England-UK-20/09/2009-
Webmaster@calayaale.com
Tafatiraha wararka
caalamka iyo
soomaliya Calayaale Media Center
calayaal@yahoo.de
kalasoo xiriir